Kooxo Hubeysan oo dil Caawa ka geysatay Degmada Boondheere

0
16 April, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo Hubeysan oo dil Caawa ka geysatay Degmada Boondheere

    Gudoomiyaha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir Seynab yuusuf Wehliye, ayaa faahfaahisay dil Caawa ka dhacay meel ku dhow Isbitaalka Somali Jarmal ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir Seynab yuusuf Wehliye, ayaa faahfaahisay dil Caawa ka dhacay meel ku dhow Isbitaalka Somali Jarmal ee Magaalada Muqdisho.


Dilka waxaa geystay dhalinyaro Hubeysan, waxeyna 4 Xabadood qeybta sare ee Jirka kala dheceen Marxuum lagu magacaabi jiray Axmed Nuur Ciise (Halooyeelo) oo ahaa Wiil dhalinyaro ah oo Studio ku leh Degmada, Marxuumka la dilay ayaa xiligaas waxa uu ku shaaheynayay irida Goobtiisa Ganacsi.

Marwo Seynab yuusuf Wehliye, Waxey sheegtay in dableydii dilka geysatay ay usuura gashay iney goobta ka baxsadaan, waxeyna Ciidamada amniga sameeyeen baaritaano aan la sheegin in wax dad ah lagu soo qabtay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay ay wada socon jireen Dhalinyarada ka tirsan Ciidanka Nabad SUgida ee ka howlgasha Degmada Boondheere.

Sidoo kale degmada Boondheere Maalmahii ugu danbeeyay waxaay kamid noqotay degmooyinka ugu amaanka xun Magaalada Muqdisho kadib markii dilal kala duwan ka dhaceen.


Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mudooyinkan dib ugu soo laabtay Dilalka qorsheysan oo ay geystaan Raga Bistooladaha wata ee beegsada Askarta iyo Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa Hay’adaha.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip