UMMATU DACWA BEESHA BILAN OO SHARIIF XASAN IYO WALAALKII SI ADAG UGU DIGAY!!

0
24 April, 2018 in by Adam Increase
  • Visits: 1484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UMMATU DACWA BEESHA BILAN OO SHARIIF XASAN IYO WALAALKII SI ADAG UGU DIGAY!!

    War degdeg ah oo inaga soo gaaray magaalada Muqdisho xarunta dalka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhamaan salaadiinta iyo waxgaradka beesha ummatu dacwa ay si adag ugu digeen madaxweynaha haatan Koonfur Soomaaliya iyo walkaalkii Shariif Maxame

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War degdeg ah oo inaga soo gaaray magaalada Muqdisho xarunta dalka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhamaan salaadiinta iyo waxgaradka beesha ummatu dacwa ay si adag ugu digeen madaxweynaha haatan Koonfur Soomaaliya iyo walkaalkii Shariif Maxamed oo labaduba hankoodu yahay inay gacanta ku dhigaan kursiga gudoonka baarlamanka federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Ummatu dacwa beesha sharafta leh ee uu ka dhashay Shariif Xasan Shiikh Aadan oo shir jaraa'id goor dhow qabatay, waxaay ay si xaqsoor leh xigmadi ku jidho uga digeen khatarta ka dhallan kadha iskudayada awood marooqsiga guud ahaan Koonfurta Soomaaliya kuraasta ka dhaxaysa ay wadaan Shariif Xasan iyo walaalkii, kuwaaso sida muuqanaysa u soo xaydxaytay inay awoodaha ummaddo dhami isku koobaan qudhooda.
Waxgaradka iyo ugaasyada beesha aragtida dher waxaa ay kulankoodu ku yiraahdeen "beesha inay madaxweynenimada Koonfur Soomaaliya ay qaadato, haddana kursigii waynaa golaha shacabka Soomaaliya ay ku darsato sax ma aha xaqna ma aha, waxaan shirkan jaraa'id u qabanay kadib kolkaan aragnay guuxa tirada badan ee qowmiyadda Koonfureed ka soo yeeraya inaan ka digno khataraha ka dhallan kara siyaasadda ah wax walba annigay igu fiican yihiin."
Malaaqyada iyo garaaddada goobta ka waramay waxay sheegeen, hadday yihiin beesha Ummatu Dacwa inaanay lagu aqoon khilaaf abuurid, islamarkaana sinaba aanay u ahayn kuwo iyaku khilaaf iyo qalalaasooyin horseeda, balse ku caan yihiin wanaagga iyo dacwada wadajirkiyo walaaltinimada si dhibaato ku jirin.
Hadalkan ka soo yeeray beesha uu ka dhashay Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku soo aadaya xili dadywoga Koonfurta Soomaaliya boqolkiiba sagaashan iyo sagaal ay u caraysan yihiin madaxweyne Shariif Xasan kana xanaaqsan yihiin siyaasaddiisa guracan ee ku salaysan Annaa Amiir, ayna jiraan tuhumo farabadan laga qabo in tii Koonfureed kolka laga yimaado, ta dhexe ee federaalkuna kursigii awoodqaybsiga Soomaaliya ummaddu ka wada dhaxayay la doonaayo walaalkiisa inuu ku fariisiyo, kaaso haatanba u sharaxan qabashada xilka gudoonka golaha shacabka federaalka Soomaaliya, taaso ka dhigan hadday suuragasho, in guud ahaan Soomigii shacabweynaha daga inta u dhaxaysa labada webi ay Shariif iyo walaalkii qura qaadan doonaan ayna u badan tahay inay siday doonaan ka yeeshaan dadka iyo dadka iyo diintuba.
Baaqaan beesha sharafta leh Ummatu Dacwa ay imikadan soo saartay ee ka dhanka ah hunguri weynida saa'idka ah ee Shariifayn goorta laga yimaado, waxaa waayihii u dambeeyay daafaha adduunka ka jiray dhawaqyo aad u kulkulul ee ka soo baxayay afka cuqaasha siyaasiyinta waxgaradka aqoonyahannada bulshada qaybahega kala duwan lagu diiddanaa faragelinta Shariif Xasan kursiga qowmiyaddu ku leedahay Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyado cabsida ay meesha sii taalaa ay tahay siday hubanti u noqon karayso doorasho madaxweyne saxa lagu dooranayo gudaha Baydhabo bilaha soo socda, kadib markii uu soo idlaado waqtigiisi afarta sano uu xilka ka hayay madaxwaynaha haatan Shariif xasan Sheekh Aadan dowlladda Koonfurta Soomaaliya.
Se war la yiri walbahaar hortii Walaalkaa kaa wayn war ku celi waa waxaan wacnayn laakiin!!


By: Ustad Adam



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip