DR AMAANDHOOREEY"WAA KAAS FARMAAJO DADKII HIIRAAN OO BIYO QARQINAAYAAN AYUU BANOONI DIBADDA AH QARASHKII DALKA KU HARQINAYAA LAAKIIN."!!

0
30 April, 2018 in by Adam Increase
  • Visits: 1825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 77 0
  • Share via Social Media

    DR AMAANDHOOREEY"WAA KAAS FARMAAJO DADKII HIIRAAN OO BIYO QARQINAAYAAN AYUU BANOONI DIBADDA AH QARASHKII DALKA KU HARQINAYAA LAAKIIN."!!

    Sida la wada ogsoonyahay sawiradu iyo muuqaalada sawaxanka wata ay muujinayaan daadadka ku dhuftay geeska Afrika, gaar ahaan bartmaha Soomaaliya ee gobolka Hiiraan shacbigii biyuhu qarqinayo caruuraha garbaha lagu sido waayeeladoon toosi karin habqan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida la wada ogsoonyahay sawiradu iyo muuqaalada sawaxanka wata ay muujinayaan daadadka ku dhuftay geeska Afrika, gaar ahaan bartmaha Soomaaliya ee gobolka Hiiraan shacbigii biyuhu qarqinayo caruuraha garbaha lagu sido waayeeladoon toosi karin habqanayaan ooy dhalloy iyo dhalleey qaarkood uurka leh kulligoodu ay hafanayaan una baahanyihiin gurmad degdeg ah, ayuu madaxweyanaha haatan kursiga dalka ku fadhiya Maxamed C/LLaahi Farmaajo intii uu laashaash doon qaato ka dego Baladweyn samatabixinta dadka uu madaxda u yahay fatahaadaha khatar ugu jira inay ku dhamaadaan wax ka badbaadinlahaa, ka doorbiday inuu banooni uu fiirsanayo dalka dibiddiisa ah uu isagu qarash xooggano waalan canshuurtii ummadda ku bixiyo, taaso tusaysa heerka khayrumasuulnimada daraja ahaan jaranjarta uu ka gaaray madaxweyne iskusheegga federaalka maanta inuu marayo heerkii ugu sareeyay sifadiisa calooshiisa la ciyaarnimadu ay horaanba u sii saadaalin jireen aqoonyahanada iyo waxgaradka bulshada ku kala sugan dunida daafaheeda kahor intuusan qaban hoggaanka qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


Dr C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey oo ah madaxa guud ee saxaafadda ku bohowday Koonfurta Soomaaliya in badana ka faallooda siyaasadda geeska Afrika, kadib markii uu shaashadaha ka daawaday dhibaatada xadd-dhaafka ah ee haysata reer Hiiraan daadadku wax yeelaynayaan gurmad-u-baahanka ah, beddelkii kaalintiisi kaalmadu madaxweynihii dalkuna uu cayaar dhugasho uu banaanka isaga mishquulsanyahay, xanuunkii waddaniyadda damiirtiisa masuuliyadda shaqsiyadeed uu  xambaarsanyahay awgeeda Amaandhoorey, dhaqanxumada muhjrim Farmaajo sameeyay huradada u diidday, ayaa sababay inuu iska soo xaadiriyo xarunta Studio-yaha Southern Media Co-Operation, islamarkaana xanuunka uu la qaybsado walaalihiisa Soomaaliyeed ee fatahaaduhu ku habsadeen gudaha dalkeeni Soomaaliya sida:- gobollada Hiiraan iyo Shabeellooyinka, fatahaadaaso dadkay maal iyo mood inta ka soo badbaaddana imikadan aan haysan wax hooy iyo harsi ah iyo weliba irsaaqad ay dhuunta mariyaan.



Dr Amaandhoorey waxaa uu sheegay in roobabka daadadkan ka dhashay ku soo jabay magaalooyinka ay wataan khataro badan sida masaska iyo abeesooyinka jilbisooyinka dhuljiifka qaniinyada kulul ooy ruuxay mar uun qaniinaan naf aan dhul la dhicin midabkiisu madoobaanayo, iyado wax istiraatiijiyad nidaamsan dowli ah lagu samatabixin karayo shacabka Baladweyn keliya ku dhowaad 50-kuno ruux ka qaxday aanay afka Farmaajo ka soo bixin lagana hayn wax naxdin ah damqasho ah ilaa iyo haatan uu Burundi taageerenimo banooni koox ugu sacbinayo isago jismigiisu fadhiyo Villa Somalia, taaso mar labaad keentay in Datoorku uu iswaydiiyo dadweynuhuna warsado "bal kubbad fiirsashadeeda in madaxweyne dhan dibid uu qalbiyan u aado iyo in dadka uu madaxda u yahayo biyo qarqinaya u gurmashadooda ka hormariyo banooni daawashada midda mudnaanta leh labadaasi xaalad".


Isago si damqasho ku jirto xadaarad sare uga hadlayay xaalatul qabyaaladda ku laaqaan qaranimada Soomaaliya iyo madaxdeeduba, Datoorku wuxuu sheegay, in meelaha haatan daadadka ku dhufteen Farmaajo aanu jixinjix iyo dhegjalaq uusan u siin, haddii ay ahaan lahaayeen goobaha musiibada ku hobsatay qaar ka mid ah deegaanada uu ka soo jeedo sida Caabuduwaaq, uusan xiligan ku sugnaadeen wasaaradda gaashaandhigga, balse dhaqdhaqaaqiisi gurmashada uu horay ka bilaabi lahaa ee uu Soomaaliyeynayo, isagoona aad loogu arki lahaa shaashahada warbaahintu uu ka tanaagoonaya yeerayana af labadii daan sidii horoonba loogu yiqiin goortuu dan leeyahay hamigiisa siyaasadda hanashada jagooyinka sare ee waddanka, taasina waxay mar saddexaad ay muujineysaa Maxamed C/LLaahi Farmaajo oo ku qoran magaca madaxweynenimada Soomaaliya inuu yahay qabyaaladiste cunsri af malable uur mariid ah xiqdiga xasadku lafahiisu aad uga buuxaan iyo nacayb daran ee uu u qabo guud ahaan dadka reer Soomaaliland, Galmudugta fayow, Hiiraan iyo Muqdishiyow Koonfurta weyn, "maxaa yeelay maal iyo muruq maxaa la dhawrsadaa maanta mar haddii walaalahaeena reer Hiiraan iyo Shabeelooyinka biyuhu ku soo socdaan aaynan u gurmanahayn," ayaa warkiisa laga dhadhaminayay aqoonyahan Amaandhoorey oo muujinayay sida uu uga xunyahay madaxweyne Farmaajo inuu jawaab aamus ah iyo banooni taageerid ugu beddelay dhibka maanta haysta muwaadiniinta Soomaaliyeed mudan in si dhab ah loo garab istaago waqtigan.


Geesta kale, Proff Dr Amaandhoorey waxaa uu baaq aad u culus uu hawada u soo mariyay 2 beeloodo walaala ah dhowaan ku dagaallamay duleedka magaalada Baydhabo gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya, kuwaaso sida la sheegay ay isku gaareen dhul deegaaneed ay wada degganyihiin, waxaana dhacdadan shaydaanku ka talshay wax laga soo gudbay casrujaahiliga ah intii ay socotay ku naf waayay ku dhowaad 2 ruux oo aanay mudnayn maanta inay iyagu isdilaan, loona arko taasi inay tahay ayaanddaro aad u weyn sinnaba waqtigan horay loo socdaa, loo filanahayn inay ku kacaan dad dhan kasta ka walaal ah sinji af sawd sooriyo diin xidid midab xaajiyo tol saaxiib wada ah, islamarkaana meel ay u kala guuraan iyo maray kala guuraan midna aanay jiri karin teeriyo wiishku yeero buunkii qiyaamaha bankii lagu kala xugmiyo fariiqun fi saciir iyo fariiqun fil Janna.


Barnaamijkan xiisaha badan aadkana u xasaasiga ah lagu baxaabaxaynayay C/LLaahi Farmaajonmadaxweyne la moodka Soomaaliya maqanaa joogaha ah marar badana bulshadu u taqaan Mr Mooge intii uu socday, waxaa tacsiyad tiiraanya leh loogu diray xildhibaan Khaliif C/LLaahi Duurey oo ka tirsanaa baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marxuumkaaso dhowaan ku rawaxay magaalada Muqdishow caasimadda Soomaaliya, isagoona Illaahay looga baryay inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii qaraabadii iyo bulshadii uu ka tagayna samir iyo iimaan Eebbe ka siiyo iyo dhamaanteenuba aamiin.


Ugu dambeyntii barnaamijkan maqalka iyo muuqaalka dareenka Soomaalinimo xambaarsanaa martidana ku ahaa aabbaha keydka suugaanta Maayga iyo Maxaga Soomaaliyeed Dr Amaandhoorey uuna qaabaynayay wariye sare Xasanoos, ayaa ku soo beegmaya xili guuxa dadweynaha Soomaalidu u batay kheyrumasuulnimada badheestaha noqotay korkiisu ficilada  ka muuqmuuqanayaan wajiga jirjiroolowga qarrniga Maxamed C/LLaahi Farmaajaha lagu xanto inuu aad ugu fiicanyahay qaybinta qaadka lagu qayilo iyo baandheynta qabyaalladda, isagoona sida la sheegay aad u jecel jabka iyo baabba'a waxaan ahayn beeshiisa wixii ka soo hara wax beeshiisu aan ahayn waxa loogu yeero qabiilkiisa ee uu aaminsanyahay in sanadkii 1991kii lagu gumaaday goortay qaxayeen firxadkooga min gobollada Waqooyi Galbeed, Togdheer, Garoowe, Gelinsoor, Galguduud, Hiiraan, Jowhar, Muqdisho, Afgooye, Bu'aale, Baydhabo, Bohol-Bashiir, Bakool iyo Kismaanyo.


Eeggana gurmada oo gacmaha isqabsada ileen gunnimo geeridaa ka roon baa la yiriye  laakiin!!

By: Ustad Adam




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip