DR SHARIIF XASAN TAGITAANKIISI UK DATOORADII SHARAFTA LAHAA LUGIHIISA DHUNKADAY IYO KUWII YUR YIRI!!

0
12 May, 2018 in by Adam Increase
  • Visits: 4314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DR SHARIIF XASAN TAGITAANKIISI UK DATOORADII SHARAFTA LAHAA LUGIHIISA DHUNKADAY IYO KUWII YUR YIRI!!

    Tagitaankiisi UK madaxweyne Dr Shariif Xasan Shiikh Aadan dadka tirada yare xunxun xushmadda iyo karaamada u diiday sida Dr Cali Baab iyo suxufiga faraha furan Mukhtaar Battery kolka laga reebo, dadka sharafta cizigiyo karaamada oogadooda lagu malaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tagitaankiisi UK madaxweyne Dr Shariif Xasan Shiikh Aadan dadka tirada yare xunxun xushmadda iyo karaamada u diiday sida Dr Cali Baab iyo suxufiga faraha furan Mukhtaar Battery kolka laga reebo, dadka sharafta cizigiyo karaamada oogadooda lagu malaasay ee aan la gaari karin amaanta huwan aadka ugu rukuucay kambadhuudhsigooda soodhowaynta Dr Shariif sida la sheegay waxaa ka mid ah:-

1- Ex-Xildhibaan Dr Shariif Cali Afgooye oo noqday dereewalkii labaad ee shariifka, isagoona ku dul ooyay Dr shariifka sooryana u siiyay £10.000 sifo uu kaga doonayo in uu kaga helo kursigii uu baneeyay Xildhibaan Xuseenoow 2- Dr Shariif C/Kariin Yaanyuureey oo isaguna u soo gaday Dr Shariifka aradbax, goortii uu labiskii uu gudoonsiiyay Dr Shariifku, ayaa lagu dhahay "Qolka ii geey", 3- Wariye sare Dr Shariif Ilyaas Qaliinle oo ahaa fura-haayaha Qolka Dr shariifka ayaa Dr Shariif Yaanyuureey ku dhahay "Keen Haddiyadda aad wadid Aniga ayaa geeynaaya," waxana labada Dr Shariif Yuunyuureey iyo Qalinle ay isku qabsadeen "Anigaa geeynaaya Qolka iyo Anigaa masuul ka ah Qolka," Dr Shariifkaa ugu danbayntii ku dhahay "halkaas iska dhiga ee haddaad wax taraysaan "Dr Cali Cabdi Baab ii keena."


4-waziir ku-xigeenkii sports ee koonfureed Mr Dr Shariif Ataaka oo ka soo safray wadanka Holland ayaa Dr shariifku goortii uu arkay oohin la aamusin waayay wabaah, sidaasi oo kale, Ex-waziir Dr Shariif C/Raxmaan Shiikh Ibraahim oo isna la arkayay qiimayntiisu heerkay gaarsiisnayd inuu sida hindida asnaamtiyo dabka caabadda Dr Shariifko taagan hortii intuu ku jilba jabsaday gacmaha iskorsaartay wajiga hoos u foorariyay sida salliga rasuulka magaciisi ajir ku raadsanayay isagoo leh "ALLAAHU MASALI CALAA SAYIDDINAA SHAFIICUNAA DR SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN WA ASWAAJI DURIYATIHII DATOORAYN."
Wax yaabihii ugu yaabka badnaa ee dhacay waxaa ugu muhiimsanaa oo in la xusaana aad u mudan, in wariye sare geesi aan la loodin horumarka dadkiisi jecel dillaallada aan la tusin Dr Shariif Ilyaas Qaliinle oo habeenkaasi seexday kuraasta Fadhiga iyo Dr Shariif Cali Afgooye oo ku waashay "Cali Baab Kursiga xildhibaanimadaad iga hor-joogtaa, hadday ehelnimo jirto iyo tol iyo qaraanimo dhiiggeenu isu guurguuro, baabuur baan kuu soo dirayaa, fadlan deg-deg iigu imoow hoteelka xildhibaanimadayda intaas ayaa la igu xiray, bis adigo Dr Shariif Xasan halmar soo hor fariista" se, walaalkaa kaa wayn war ku naq waa waxaan wacnayne, inta Ingiriiska ku nool iyo intii waddamada kale Yurubta ka soo orodday afarta taawal iyo haambareeggu soo go'ay haraad kax ah cagaaggu soo dilay kaaba la'aani London isku soo tuureen si ay u soo dhoweeyaan iyo qaarkii asxaabtoodii xiddigaha go'doonsan diiday shisheeyaha inay u dansheegtaan ugu soo kala dhuuntay barakaysiga gacantii quruxda badnayd ruux waliba taabashadeeda nasiib ba aan u helin ee Dr Shariif Xasan Shiikh Aadan, Jannada Allaha ku wada shubo hadday Naarta mutaysteena amar Alle laakiin!!

By Dr Shariif Maay

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip