SHIRKA BAYDHABANA MAANTA WAAA UUN ISKA BIKRO UUR LEH WAALIDKEED FARAX LA BOODAAYO TABTII 1960KII!!

0
13 May, 2018 in by Adam Increase
  • Visits: 1312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    SHIRKA BAYDHABANA MAANTA WAAA UUN ISKA BIKRO UUR LEH WAALIDKEED FARAX LA BOODAAYO TABTII 1960KII!!

    Ragga Yurub jooga Xaaslayaasha ah annigu aan ka koow ahay iyo qaarka dalkii jooga tilifoonada laga hago amarku ka dhex soofo taxtal amarka, dhamaantood hal subax naagaha ha wada furaanu Afrikana dumar ha doontaanu abaddi ah, maxaa wacay naagi naag ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ragga Yurub jooga Xaaslayaasha ah annigu aan ka koow ahay iyo qaarka dalkii jooga tilifoonada laga hago amarku ka dhex soofo taxtal amarka, dhamaantood hal subax naagaha ha wada furaanu Afrikana dumar ha doontaanu abaddi ah, maxaa wacay naagi naag ma qabi kadho, xalkuna aakhiritaanku waa sidaa, daraasad aan sameeyay tijaabooyinkeedu soconayay in mudda ah aan ku laabasho lahayn jiritaanka waxay ka waramayso xaqiiqda tagan, waxay tilmaamaysaa, in raggii Soomaalida haybadda lahaa taliskooda wacan maamulsamada u saaxiibka ahaa waa'.

dalalka galbeedku xayntii lugahoodu soo gaareen bayda loo xirayo dhaclahoodu muuqanaya, in ay noqdeen rubaaruqyo hoosta ka katiinadaysan loo gelshay matantayaal aad u dhuuqsan, yacni, ay ku taag qura yihiin sida koromo hablaha irmaaniya, oon si kale haddaan u dhigno ay la mid yihiin dhufaano ilma dhalaya, si aan kuu dhacsiiyo macnaha hadalku kuuna qabowdhaco tusaalooyiin fiican, waxaad wacdaa nin aad, aad u taqaan, ama saaxiibo tihiin, waxaadna ku tiraahdaa "Hebelow, bari, ama saadambe saakuun kulan kheyribaa meshaa iyo meeshaa ka dhacayee saacaddaa iyo saacaddaasi maad iman?, amaba ka rogo labasaar, qaaraan walaal ku dhibban gudaha dalkeeni Soomaaliya loo ururinayo,  ku dheh, maxaad ku darsan kadhaa?," islamarkii wuxuu kugu oran doonaa qofkaasi "wax yar i sug waan kugu soo celinayaa tilifoonka, mataqaanaa wuxuu ula jeedo wax yar i sug annigaa dib kuu soo wacaaya,? yacnii, umuu laha awood in gurigiisa waxa ka baxaaya iyo waxa soo gelaya iyo isagu nafsad ahaantii laftirka socodkiisu uu go'aan ka gaaro, qaarka abtilaysan aynu kor ku soo xusnay banaamada kolka la joogo fagaarayaasha raggu isugu yimaadaan lana soo hadal qaado xeerka qoysku, waxay ku doodi doonaan iyago qiil ka dhiganaya in nebigu xaaskii la tashan jiray arrimaha guduhuna aad uga shaqeeyaan, waa sax, war malaha rasuulkeena cs xaaskii kaliya ma ahane, xaasaskiiso idil iyo ummadduba inuu la tashan jiray, balse kuwa godkaasi ambiyada gabbaadka ka dhiganaya, rasuul ku dayasho kama aha badankood inay naagta ula tashanahayaan, ee waa cabsi iyo dhaacatunisnimo beerkooda balbalisay baqdinta ay ka baqayaan in bacdoodii madoobayd banaanka loo soo dhigo,  waana sababta aan arartaydu ugu geesinimo gelinayo bal inaan dullinimada aan loo dad noqon masuuliyadda kore rijaashii lagu yiqiin aanan rijisiinku gacanta loogu sallimin si ayan ruumbo ugu tumin naxdina ugu rushayn qaab nololeedka wacan ee hoggaaminta dunidu sida ay u dhantahayba, kol haddaad rubaaruq tahayna, waa in sidii eey rabbaayad ah aad raarta jiiftaa, ra'iga reerka aad kala mid ahaataa sida awrka raran, riddadana aad geyn kadhaa halka loo rabo.

Rugcaddaa sayncadde waayeel waaya badan soo joogay dunida hasha dhaysa dhoolka wayn lagu dhaqaaleeyay ee dhowaanshiyaha loo soo xiray ka dhaxaysa dhaqamada dadka tuugga dhacayaa dhurwaaga laga raacay u taagan dhaadaanka u qaatay ushana kala dabadhankaxay si ay kalidooda dhayda uga dhamaan iyo dhiibada soo banaatay xaasidku dhaawacay dhugashadiisu meel dheerba aan gaarin, isagoo cabbirayay xaalka iyo maanta siyaasadda duuflaalaysa geeska Afrika miidaanka iyo maylankeedu sida xawliga ugu socdo dadka badan Koonfurta, waxaa akiyaaska daraasaddiisa cilmiga siyaasadda lagala dhex baxayaa, in shirka Baydhabo maanta madaxda maamul-goboleedyda iyo federaalku uu ula mid yahay dadka martida loo yahay aadka wax u soo dhowaynahaya (Bikro uur leh waalidkeedna farax la boodaayo).

Yacni, haddaan si kale kuu deeqsiino ujeeddada dhabta ah, magaalada Baydhabo sidaynu wada ogsoonahay madaxweynayaal iyo madaxda dalka oo dhami ayaa ku shiraaya, kalafadhigaasina heerka dimoqoraaddiyadda kolka miiska la wada fariisto, go'aamada masiiriga ah ee dalka hadba waxaa lagu jaangooyn doonaa codka halka uu u bato.

Haddaba qalin iyo warqad baalkeedu cad yahay intaad soo qaadatan xisaabkii halbeeg ahaan lagu heshiiyay adinkood tirada khaldahayn iyo inta madaxweyne Shaatiguduud International Airport kasoo dagaysa iyo inta Reer Koonfurka martida loo yahay ay ku leeyihiin xisaabiya, dabadeedna iswaydiiya halkuu ka dusay nidaamkii 4.5 awoodqaybsiga beelaha Soomaalida 5ta ah kala xadaynayay iyo sawir ahaan 1960kii masraxa siyaasadda meeqaamkaad ka joogteen halgankii dheeraa bulshada webiyadu iyo saacaddan qarnigii 21aad ah meesha ay ka bariiqsan yihiin shucuubta mar waliba cawaran Maayow Maayga waxaan ahayn Maxaga duullaanka ahi.

Waxba adinkoon hiinraag iyo hunfaar ku daalin orodkaani dheeraa siday shaashaduhu tusayaan xoog iyo xaal waxay tahayba adinko og.1 Madaxweyne Axmed Madoobe. 2. Madaxweyne C/Wali Gaas iyo 3. Madaxweyne Farmaajo oo heer federaal ah waa isku hal beel hal garaad ayaa kor ka xukumo soona doorta.

Geesta kalana,1. Madaxweyne Xaaf. 2. Madaxweyne Waare iyo 3. Ra'iisul-Wasaaraha ddowlladda dhexe Xasan Kheyre iyana waa isku beel qura hal ugaas ayaana u duuban kana soo ducaystaan, balse martigeliyaashii badarkana aad ula soo ordayaa mashxaraddoodu caalamku ka seexan la' yahay hal

madaxweyne bis ah ayay ku leeyihiin, waana Dr Shariif Xasan Sheekh Aadanka dadkiisu aadka u jecelyihiin in badana bulshadiisi la tashado qanciya kuna shaqeeya rabitaankooda, haddaa maxay dhaqasho idiin tahay, dharg maxaad ku falaysaan intuu dhaxalkiini maqan yahay, war siduu Dr Amaandhoorey horaanba u sheegay maraan dhowayn, maruun dhirfo intaad dhoomo buuxsataan dhexda xidha dhaqaaqa oo dhulkiini dhacsada geesi waa kii dhimasho caadaystay

Dr Shariif xisaab khalad haddaba dherer qura haddii uu wax tarahayo hablahaba geela dhicin lahaa ileen laakiin!!

By. Ustad Adam




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip