DR CALI BAAB OO JAWAAB MUDANKOODA KAADIDA KU SHIRTAY SIIYAY XILDHIBAANADII DR SHARIIF DIIDAY WARBIXINTII UN-KA HORUMARINTA GOBOLKA SHABEELLAHA-HOOSE!!

0
13 May, 2018 in English News by Adam Increase
  • Visits: 1253
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    DR CALI BAAB OO JAWAAB MUDANKOODA KAADIDA KU SHIRTAY SIIYAY XILDHIBAANADII DR SHARIIF DIIDAY WARBIXINTII UN-KA HORUMARINTA GOBOLKA SHABEELLAHA-HOOSE!!

    Goor ay sii horaysay isagoo u waramayay warbaahinta ummaddu leedahay ee Southern Media Co-Operation wareysigiisi Ex-Madaxweyne Dr Cali Cabdi Baab oo haatan ah wakiilka guud dowlladda Koonfurta Soomaaliya ee qaaradda Yurub fadhigiisuna yahay boqortooy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goor ay sii horaysay isagoo u waramayay warbaahinta ummaddu leedahay ee Southern Media Co-Operation wareysigiisi Ex-Madaxweyne Dr Cali Cabdi Baab oo haatan ah wakiilka guud dowlladda Koonfurta Soomaaliya ee qaaradda Yurub fadhigiisuna yahay boqortooyada Ingiriiska UK, waxaa uu jawaab kaadida ku shirtay mudankooda ka waraabisay uu siiyay xildhibaanadii Dr Shariif Xasan Shiikh Aadan oo dhowaantan kahor yimid warbixintii hayadda Qaramada Midoobay beeraha u qaabilsan marka magaceeda la soo gaabiyo noqonaysa Food And Aricultural Organization (FAO) taaso warbixinteedu ku tilmaamaysay caqabadaha ka jira gobolka Shabeellaha-Hoose ee Koonfurta Soomaaliya oo ah gobolka ugu barwaaqada badan uguna wax soo saarka badnaanaaya dhamaan gobollada kale ee Soomaaliya haddii siday tahay loo beero.

Dr Cali Cabdi Baab waxaa uu wareysigiisu aad ugu weeraray siduu tilmaamay xildhibaanada qawlaysatada ah isbaarooyinka gobolka yaal sheerka ku ah qaarkoodna aan u dhalan deegaanka kana soo duulay siduu warku u dhigay Galmudug inay sii doonayaan in dhulkan webiyada leh iyo dadkiisu ay waligood qasnaadaan, islamarkaana fawdada ay tuugadu dani ugu jirto nolol ahaan maalmo ku moodkooda xaaraantu ay ku liqayaan, sinabana dani ayan ugu jirin deegaanka iyo dadkiiso nabad hela ay ku horumariyaan wax soo saarkooda dabiiciga ah, taaso Datoorku uu eeddeeda koobaad iyo labaadba uu dusha kaga miidaamiyay madaxwynaha mishimiistaha fajiistoobay asaasaqa ah sida la sheegay Mudan Dr Shariif Xasan oo noloshiiso dhan ku soo koobay dullaalnimo iyo millaalnimo iyo anna maxaan cunaa haa.


Intii uu la hadlayay saxaafadda Dr Baab oo ka mid ah siyaasiyinta rugtoodu caddahay geesinimaduna banaanka soo dhigta alaaba kolka xaqa laga hadlayo aadna u waran-ruddeeya ayaxa iyo cayayaanka dadka u eg canaasiirta annaanuf ku noolayaasha ah midigtooda iyo carrabkoodu aad u baqa golaha goorta la isku farasaaro, waxaa uu carrabka ku adkeeyay in malleeshiyaadka gobollada dhexe ka soo hayaamay wakiilladooda gaagaaban yuuyuurara Dr Shariif xayndaabkiisi kaaraha lagu ilaaliyo aanay warkoodu cidina dhagaysanaynin lana ogyahay waxa ay yihiin, islamarkaana warbixinta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saartay gobolku aanay iyagu waxba ka baddali karin, balse ay khasab ku tahay kuwa gudaha ka qooyan in ay u hoggaansamaan warka adduunku ka soo saaray xaaladda ka taagan deegaanka mooryaantu u soo dhoombirka badsatay si ay u sii dhuuqaan dhiigga dadka xalaal-quudatada ah u dhashay dhulka.
Wareysigano gaaban aadka u xasaasiga ah, balse aadka u kululaa intii uu socday, waxaa Ex-Madaxweyn Dr Cali Cabdi Baab codkiisa laga dheehan karayay xanaaq xawaarihiisu aad u sareeya ee uu ku naqdinayay xildhibaanadii Dr Shariifka jooga Baydhabo kaga tanaagoonayay qaar ka mid idaacadaha maxaliga maqalka iyo muuqaalka sida:-teleefiishanka C/Qaasim Salaad Xasan dadka cadcadka Soomaalideena uu u dhiibtay isagoo danihiisi rereed ku fushanaya aan loo dareemin ugu marin habaabiyo daawadayaasha iyo dhagaystayaasha sifo loo tuso Tv-gu inuu yahay dhexdhexaad, bacdama dadka nabadda lagu yaqaan ay gacanta ku hayaan hawl-wadeenana ay ka yihiin.
C/Qaasim Salaad Xasan oo ahaa madaxweynihii dowlladdi Carta lagu soo doortay sanaddii 2001dii ayaa lagu eedeeyaa in dowlladdiisu ay hubkii iyo dhaqaalihi magaca ummadda Soomaaliyeed caalamku kaga soo heshay intay Indha-Cadde oo Mr Qaasim inadeer yihiin gacanta u gelisay magaca dowlladnimo ugu qabatay gobolka Shabllaha-Hoose, xiligaaso wixii ka dambeeyay ay gobolku ka dhaceen sida la ogsoon yahay gaboodfallo ka baxsan bini aadamnimada, heer ay beeshaasi magaca dowlladnimada ku qabsatay deegaanku ay gaadhay inay biyaha webiga dadyowgii deegaanka iskalahaa galaas galaas iyo afwaraab furar uga iibiso, iyado masaajidda la canshuurayo boobka beeraha iyo guryaha kufsi dil iyo dhaawacna xisaabtaba aan lagu soo guurin karin tirada halaaggii dhacay awgii, waxaana ugu dambayntii wareysigan oo cod ah tifaftiran aad kaga bogan kadhaan dhamaan qaybaha hoose wararka warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya taasoo 24ka saax diyaar u ah inay ka hadasho dulmiyada iyo xadgudubyada ka dhacaya guud ahaan daafaha dunida lagu hayo shacbiga Soomooliyeed oo ku dhowaad muddo 30 sanadood ah laga soo bilaabo 1988kii ku jiray qax iyo rabshado qabyaaladi soo karkarisay sunteeda weel wayn intay ugu soo shubtayna la doonayo in lagaga ciribtiro mandiqadda geeska bari ee Afrikada madow.
Qofaan waafaqayo aan iga wasawaasin waa la waayay amar Alle laakiin!!
By: Ustad Adam



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip