Xildhibaanada Mucaraadka Ugu Caansan oo hal Arrin ku difaacay Gudoomiyaha G/Banaadir iyo Farmaajo &Khayre oo?

0
23 May, 2018 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Mucaraadka Ugu Caansan oo hal Arrin ku difaacay Gudoomiyaha G/Banaadir iyo Farmaajo &Khayre oo?

    Xildhibaanada ugu Caansan Mucaaradka sida Xildhibaan Mahad Salaad Siyaasad ahaana- ka soo horjeeda Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Xasan Cali Khayre,oo bilaabay difaacida Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisoow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada ugu Caansan Mucaaradka sida Xildhibaan Mahad Salaad Siyaasad ahaana- ka soo horjeeda Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Xasan Cali Khayre,oo bilaabay difaacida Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisoow.


Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisow oo lacagahii aay hoteelada ku seexan jireen ka jaray guulwadayaashii Madaxweyne Farmaajo ee dacayaadaha ka fidin jiray Siyaasiyiinta iyo qof walbo fikirka Farmaajo ka horyimaada’ Gudoomiyaha Gobalka ayaa in lacagaha uu jaro waxaa taageray Xildhibaan Mahad Salaad.


 

Shaqsiyaadkii Madaxtooyada ugu qortay lacagaha Hoteelada aay ku seexdan Canshuurta Gobalka Banaadir laga qaado in aay ku amaanan baraha Bulshadda Farmaajo iyo Khayre ayaa bilaabay in aay mucaaradaan Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cabdiraxman Yariisoow kadib markii lacahagaasi laga jartay halka Xildhibaanada mucaaradka ku taageren go,aanka Gudoomiyaha Gobalka Banaadir lacagaha ugu jaray shaqsiyaadkaasi.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu aad ugu carooday go,aanka Gudoomiye Cabdiraxman Yariisoow , lacagaha ugu jaray shaqsiyaadkaasi Baraha Bulshadda ku taageri jiray taaso keentay in Madaxweynaha baadi goobo Gudoomiyahii lagu badali lahaay sida ila wareedyo Muhiima inoo xaqeejiyeen.

 

Halkaan Hoose ka Aqriso qoraal Xildhibaan Mahad Salaad soo dhigay barta Facebook

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yarisow waa ku mahadsanyahay in uu joogiyo lacagta canshuurta ah ee laga soo aruuriyo dadka reer Mogadishu ee hoteelada looga bixiyo dadka siyaasiinta ah.

 


Waxaan sidoo kale kula talin lahaa in uu joojiyo lacagaha gunada ah ee Gobolku siiyo dhalinyarada u xilsaaran cayda iyo propaganda laga fidiyo dadka siyaasiinta ah ee maalin kasta lagu baahiyo Baraha Bulshada (Social Media).

Waana in loo wareejiyaa lacagahaas adeegyada kale ee mudnaanta u leh Gobolka, sida: Horumarinta iyo Tayeynta Maamulka, Sugida Amniga iyo Horumarinta Adeegyada Bulshada ee Gobolka Banaadir.

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip