DR CALI BAAB"XASAN AMXAAR IYO DR SHARIIF XASAN IYO FARMAAJO KULLIGOOD WAA MOORYAAN,"!!

0
04 June, 2018 in Maqaallo by Adam Increase
  • Visits: 997
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 1 0
  • Share via Social Media

    DR CALI BAAB"XASAN AMXAAR IYO DR SHARIIF XASAN IYO FARMAAJO KULLIGOOD WAA MOORYAAN,"!!

    Wakiilka dowlladda Koonfurta Soomaaliya u fadhiya boqortooyada Ingiriiska UK ahna madaxweynihii hore ee dalweynaha Koonfureed Dr Cali Cabdi Baab wax yar kahor wareysi uu siiyay warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya marka afka qalaad loo rogana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka dowlladda Koonfurta Soomaaliya u fadhiya boqortooyada Ingiriiska UK ahna madaxweynihii hore ee dalweynaha Koonfureed Dr Cali Cabdi Baab wax yar kahor wareysi uu siiyay warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya marka afka qalaad loo rogana loo yaqaan Southern Media Co-Opearation, waxaa uu si kulul afka uga weeraray guud ahaan siyaasadda guracan maamulka Dr Shariif Xasanka Baydhabo garoonka ku oodan, gaar ahaan warsaxaafadeedkii wasiiradiisi dhowaan ay soo saareen ee uu aqriyay ninka ugu magacaaban wasiirka warfaafinta Mudane Ugaas Xasan Maxamed Cabdi oo loogu naanayso (Xasan Amxaar) sida uu sheegay kaliya damqasho hadalkiisu u muuqday dad lagu dhibaateeyay waddada isku xidha Muqdisho iyo Baydhabo, balse aanu marnaba ka hadlin 30-ka sano ilaamaa joogadeena bulshada gobolka Shabeellaha-Hoose dulligu saaqay raxan raxan loo dhamaynayo loo dhacayo loo kufsanayo sidii inuusan isagu magaca uu xambaarsanyahay masuuliyadda aanayba qayb ka ahayn oo kale ummaddan webiga, waa Ugaas Xasane.

Dr Cali Baab oo dhuxulaha naarta nool sida tareesada maarta guduudan ereyo ka sii shidan oo kale u bugbaclaynaya afkiisu ay ka baxayeen intuu u waramayay warbaahinta, waxaa uu sharaftiisi shaqallada ranjiga ceebta dhabarka iyo wajiga kaga malmalaasay waxay faleen Dr Shariif Xasan Sheekh Aadanka iyo atbaacdiisu ay yuukada ku yihiin kala badh oo badh dhaqaalaha ka soo baxa isbaarooyinka gobolka Shabeellaha-Hoose, waxaana wakiilku uu daboolka ka fayday in Dr Shariifku uu si joogta ah digreetooyin xilalka ugu sareeya gobolka Shabeellaha-Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ugu soo magacaabo mooryaantii horayba u haysatay gobolka baaddana mar waliba kaga qaadaysa dadka deegaanka lagu soo duulay, islamarkaana dhiiggooga iyo maalkooga cirddigooga sida furan la isaga banaystay waxyeelayntooda.


Wareysigan oo dhinacya badan si toos ah u taabanayay, waxaa Mr Cali Baab uu ka shanqiryay inay ciidamo awood leh oo deegaanka ah ay u dhisayaan gobolka Shabeellaha-Hoose aawada soo dhowaynta karaamada maalinta xornimada dalka Koonfureed 6-Juun guushii ururweynaha waddaniga xaqudirirka R R A, waxaanu si adag uga dhawaajiyay in shirka ka socda magaalada Baydhabo maamul goboleedyada iyo dowlladda federaalka amniga looga waramayaba uu yahay waxaan waxba ka jirin hal bacaad lagu lisay, isago u sababeeyay in ciidamada qaranka lagu tilmaamo sida guutada 8-aad ee jooga jiiddaa Afgooye ay hal reer yihiin oo qur ah tuutaha xoogga dalka loo soo gelshay, balse dilka iyo dhaca sidii hore iyo si ka sii daran halkaa  at uga sii wadaan wali aanayna jirin wax yac ka dhahaya shacbigay dhibaataynayaan.
Ugu dambayntii wakiilka dowlladda Koonfureed Dr Cali Cabdi Baab fadhigiisu yahay UK oo sida runta ah shacabka Soomaalidu ku barteen run-sheegid iyo cadcaddaan afkaartiisu aanu la gamban ayaa ku soo beegmaya  xili xasaradihii ugu darnaa gobolka Shabeellaha-Hoose bishan Ramadaan gudaheedu ay cirka isku sii shareerayaan geesta kalana la leeyahay shirka amniga Soomaaliya ayaa lagu qabanayaan magaalada Baydhabo gobolka Baay ee dalka Koonfurta Soomaaliya, waxaana wareysigaaso maqalo kaamil ah aad kaga bogan kadhaan dhamaan qaybaha hoose warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya.
Nimaan waafaqayo aan iga waswaasin waa la waayay amar Alle laakiin siduu yiri abwaankii!!

By. Ustad Adam



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip