Farmaajo oo Olale Shariif Xasan kadhana Muqdisho ka bilaabay yaa lagu badalaya Xog culus?

0
12 June, 2018 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo Olale Shariif Xasan kadhana Muqdisho ka bilaabay yaa lagu badalaya Xog culus?

    Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Magaalada Muqdisho ka bilaabay olole ka dhan ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Magaalada Muqdisho ka bilaabay olole ka dhan ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.



Madaxweyne Farmaajo ayaa usheegay rag aay saaxib dhow yahiin in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan la joogo xiligii uu ka uurgudan lahaay maadama uu sheegay in xiligii uu ahaay Shariif Xasan Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda KMG ,godob ka galay hadane uu doonayo in uu ka aarguto maadama fursad uu ku heysato siduu sheegay.


Madaxweyne Farmaajo ayaa kullan afur ah la qaatay Latiyaalkiisa dhanka Siyaasada isaga oo ugu sheekeeyey siduu Shariif Xasan Sheekh Aadan u bahdilay uguna qasbay in uu iska casilo Xilkii uu xiligaasi haayay ee R/wasaaraha DKM, kadib khilaafkii soo dhex galay isaga iyo Shariif Xasan oo xiligaas ahaay Gudoomiyaha Baarlamaanka.



Falaqeyn kadib Latiyaalka Farmaajo waxaay isla garteen in uu keeno Madaxweyne Farmaajo shaqsi miisaanleh oo la maagliyo oo la tartamo Shariif Xasan , in dacaayado lagu furo doorashada kahor Shariif Xasan lana qal qal galiyo in Wasiirada Xukumadda Fedaraalka ee ka soo jeedo Koonfur Galbeed loo dhiibo lacago si Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed shirar lagu mucaaradayo Shariif Xasan Baydhabo ugu qabtaan.


Farmaajo aya durba uyeeray kulanka kadib Agaasimaha Warfaafinya Madaxtooyada Cabdinuur Maxamad Axmad isaga oo ku amray in dacaayado laga faafiyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan laguna baxiyo lacago fara badan iyadoo la adeegsanayo Baraha Bulshadda idaacadaha iyo Tvyada webseedyada.


Shariif Xasan Sheekh Aadan oo mudo dheer Siyaasada ku soo jiray adagtahayna in dagaal Siyaasadeed loogu guuleesto, sida horey loo bartay ayuu Madaxweyne Farmaajo, wacad ku maray in uu dhaqaalo badan u adeegsan doono siduu Meesha ugu saari lahaay isaga oo dhanka kale ku mashquulsan xulashada shaqsigii Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu kadhigi lahaay isaga oo doonaya shaqsi Siyaasadiisa taaagersan dhaqaalo walba oo ku baxaana ku baxiyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip