Muqdisho Dilalka loo gaysanayo wadayaasha mootooyinka Bajaajta oo kordhay

0
12 June, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho Dilalka loo gaysanayo wadayaasha mootooyinka Bajaajta oo kordhay

    Askari ka tirsan ciidamada ammaanka dowladda federaalka gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa caawa fiidkii nin watay Mooto Bajaajle waxa uu ku dilayhalka loo yaqaano isgoyska IVECO ee wadada Warshadaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari ka tirsan ciidamada ammaanka dowladda federaalka gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa caawa fiidkii nin watay Mooto Bajaajle waxa uu ku dilayhalka loo yaqaano isgoyska IVECO ee wadada Warshadaha.


Dadka deegaanka ayaa waxa ay inoo sheegeen dilkan inuu yimid kadib markii uu muran dhexmaray askariga dilka geystay iyo ninkii Mootada watay Allaha u naxariistee.

Qaar ka mid ah wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa xaqiijiyay in askariga uu qaladka lahaa, waxaana qaar ka mid ah dhalinyarada Mootada ku shaqeysata ay halkaasi ka dhigeeen banaanbax kooban oo falkan ay uga soo horjeedaan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya meydka ninka la dilay in daqiiqado uu halkaasi yaallay, iyada oo ciidamada ammaanka ee ku baxay falkaasi ay goor dambe gacanta ku dhigeen gacan ku dhiiglihii dilka geystay.

Dhibaatooyinka dhalinyarada mooto Bajaajta wata ay kala kulmaan ciidamada dowladda ayaa aad u sii kordhaya maalmahan dambe, maadaama maalmo kahor Muqdisho lagu laba dhalinyaro aheyd oo Bajaaj ku shaqeysan jirtay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip