Sawirro: R/Wasaaraha iyo Wasiirka Amniga oo xalay kormeeray xarumo ciidan"

0
13 June, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: R/Wasaaraha iyo Wasiirka Amniga oo xalay kormeeray xarumo ciidan"

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeerkiisii caadiga ahaa wuxuu ku tagay qaar ka mid ah isgoysyada Muqdisho, xarunta dambi baarista ee CID-da, xarunta taliska ciidamada nabadgelyada wadooyinka, x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeerkiisii caadiga ahaa wuxuu ku tagay qaar ka mid ah isgoysyada Muqdisho, xarunta dambi baarista ee CID-da, xarunta taliska ciidamada nabadgelyada wadooyinka, xarunta tababarka ciidanka booliska Soomaaliyeed.


Khayre oo kormeerkiisa ay ku wehlinayeen Wasiirka amniga Soomaaliya, Taliyaha ciidanka booliska, Taliyaha Asluubta, Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil kale ayaa dhammaan xarumahaasi oo uu booqday talisyadooda waxa uu ka dhageystay warbixino ku aadan qaabka ay u shaqeeyaan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xarunta Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed ku booqday ciidamo cusub oo ku soo biiray Booliska, wuxuuna ku dhiirageliyay shaqada culus ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

"Mudane Ra’iisul Wasaare waxaa hortaada taagan ciidan boolis ah oo lagu soo tababaray dalka Jabuuti, oo laba dufcadood ah, waxayna diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan howlgaladda hada socda.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed.

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa sheegay dhalinyaradan cusub ee Booliska ka tirsan in ay wax badan ku soo kordhin karaan arrimaha ciidamada, loogana faa’ideysan karo dhinacyo badan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ciidamada u jeediyay hadal dardaaran ah ayaa trilmaamay in ay hortaallo shaqo culus, oo ah tan ugu wanaagsan ee muwaadin uu u qabto dalkiisa.

"Ciidanka cusub ee la soo tababaray waxaan leeyahay ku soo dhawaada dalkiina hooyo, waxaa idin sugeysa shaqo aad u culus, laakiin ah shaqada ugu wanaagsan ee qof uu u qabto dalkiisa, waxaan idinka rajeynayaa waxa la idin soo baray inaad uga faa’ideyn doontaan shacabkiina.

Khayre ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay qaabka ay ula shaqeeyeen ciidanka xasilinta oo ay ugu dulqaateen baaritaanada lagu sameynayo gaadiidkooda, taasi oo qeyb ka ah qorshaha lagu adkeynayo amniga caasimadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip