Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay Qarax lagu Aasay garoonka meel udhow?

0
13 June, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay Qarax lagu Aasay garoonka meel udhow?

    Sidda ay xaqiijiyeen maamulka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Qarax miino oo la sheegay in lagu Aasay inta u dhaxeysa Magaalada iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Buule B

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidda ay xaqiijiyeen maamulka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Qarax miino oo la sheegay in lagu Aasay inta u dhaxeysa Magaalada iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Buule Burte.


Gudoomiyaha degmada Buuloburde , ayaa sheegay Shabaab inay qaraxaan ku aaseen halkaasi si ay dadka shacabka ah ugu waxyeeleeyaan, balse ciidamada ay arrintaasi ka hortageen.

Waxaa uu sheegay howlgallo ay sameeyeen ciidamada Ammaanka in ay gacanta kusoo dhigeen saddex qof oo lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen Falkaasi,islaamrkaana hadda ay ku socdaan baaritaano.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in dadka Shacabka iyo ciidamada oo wada shaqeyn ay dhexmartay in ay sahashay in Qaraxaasi gacanta lagu dhigo.

Wadada isku xirta Magaalada Buulo burde iyo Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi, hadda ka hor waxaa ka dhacay qarax miino oo dad shacab ah iyo ciidan waxyeelo kala duwan ka soo gaartay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip