MAGAALADA CHUR XARUNTA GOBOLKA GRAUBUNDEN IIDUL FITRIGA SOOMAALI WAY ISKU ARAGTAY!!

0
16 June, 2018 in by Adam Increase
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAGAALADA CHUR XARUNTA GOBOLKA GRAUBUNDEN IIDUL FITRIGA SOOMAALI WAY ISKU ARAGTAY!!

    Magaalada Chur ee xarunta gobolka ugu wayn gobollada dalka Switzerland Graubunden, waxaa maanta si aan loo kala harin farxadi ay ku dheehantahay looga xusay Ciidul-Fitriga, taaso sanad waliba wixii nool ku waajibay Soomay ay dukadaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Chur ee xarunta gobolka ugu wayn gobollada dalka Switzerland Graubunden, waxaa maanta si aan loo kala harin farxadi ay ku dheehantahay looga xusay Ciidul-Fitriga, taaso sanad waliba wixii nool ku waajibay Soomay ay dukadaan.
Salaaddii sunnada mu'akadka ah dabadeed, ayaa la arkayay wajiyo badano kala duduwan caruur iyo qaangaadh rag iyo dumar aad u labisan isgacanqaadaya faraxa iyo damaashaadka awadood. Gobolka Graubunden oo ay ku nool yihiin Soomaali tira ahaan aad u yar kolka loo barbardhigo inta badan gobollada waawayn dalka Swisska, ayaase la wada qiray inay taya ahaan aad uga sareeyaan gobollada kale ee ay Soomaalidu ku badan tahay. Soomaali Graubunden, inkastooy jiri karayaan qaar yaro xantu sheegto inay yara qabaan cudurka aafeeya Soomaalidu u taqaan qabyaalladda Soomaaliyaba kala geeyay cidlada dhigay, ayaa haddana waxaa lagu tiriyaa muwaadiniintaasi dhallinyarada u badan, kuwo qabyaalladda qariban meel iska dhigay baalkeeda madowna maalin cad iska duuduubeen ooy god dheer ay ku rideen una soo jeesteen inay wadajir iyo walaaltinimo Soomaalinimadii wacnayd raggii ragga ahaa lagu ogaa berisamaadkii wax ugu qabsadaan, iyado arrintaasi kol ay u kuurgashay Southern Media Co-Operation baaritaankeeda ku xaqiijisay Soomaalida gobolka aynu kor ku soo xusnay daggani ay yihiin duul horusocod ah, taasi waxaa daliil u ah, inay haatan dhisteen jaaliyad aad u nidaamsan oo ay hoggaanka u hayaa dad aamin ah samafalo badan iyo daacadnimo miskex furnaanba lagu tuhmayo, kuwaaso guntiga dhiisha isaga dhigay sidii ay wax uga wadajir qabsanlahaayeen waddanka ay u soo haajireen qurbaha galbeedka adduunku dhaca. Warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya oo la fariisatay aadna ula sheekeysatay Soomaalida Graubunden maalinta Ciidda, ayaa waxaa fadhigeedaasi bulshadaasi uga soo dhex baxay aragti ahaan inta badan inay u diyaarsan yihiin mid la macna ah halkudhiggii Soomaaliyeed ee raagayo ahaa "Ama ka Maqnaw, Ama ka muuqo. Si kastooy ahaataba, intuu Rabbigu soo gaadhsiiyay Iidda soonka kadib waajibkuna ay soo oofsadeen isugu timid magaalada Chur hool wayno aan caadi ahayn leh qaybaha caruurtu ay siday doonaan ugu boodboodaan, qaybaha haweenku ku nafisaan iyo qayb iyaduba raggu naqaska isaga saaraanooy aad u waasic ah qalbifurnaan iyo isjacayl dareen dadnimo muujinaya isuhilow aad u qotidheer, ayaa waxaa uu ku soo idlaaday jawi aad u heer sareeya sidii awalba uu filayay jacaylku filashawaagu yahay u yahayse naxdin  nacabku.
Golaha guurtida Graubunden go'aankay gaareen waa guulo hala gaarsiiyo gunto idil iyo guuguulayaashuba laakiin!! 


By.Ustad Adam


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip