SOOMAALIDA DALKA SWITZERLAND OO XUSAY 58 SANO GUURADII MAALINTII XORIYADDA SOOMAALIYA U BEEGAN 1DA LUULIYA!!

0
01 July, 2018 in by Adam Increase
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOOMAALIDA DALKA SWITZERLAND OO XUSAY 58 SANO GUURADII MAALINTII XORIYADDA SOOMAALIYA U BEEGAN 1DA LUULIYA!!

    Magaalada St.Gallen ee dhacda bariga dalka Switzerland, waxaa habeenkii xalay si aan kala har lahayn dareen qiiro waddaniyad ay ku dheehantahay looga xusay 58 sanaguuradihii maalintii xoriyadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya loo asteeyay 1-da Lu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada St.Gallen ee dhacda bariga dalka Switzerland, waxaa habeenkii xalay si aan kala har lahayn dareen qiiro waddaniyad ay ku dheehantahay looga xusay 58 sanaguuradihii maalintii xoriyadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya loo asteeyay 1-da Luuliya oo ayna si dhab ah dib ugu midoobeen 2-dii gobol gumeytaha Ingiriiska iyo Taliyaanigu ay kala haysteen ee Koonfur iyo Waqooyi.
Xaflad aad looga soo shaqeeyay oo ay isugu yimaadeen inta badan Soomaalida ku kala nool waddanka Swisska ayaa soo buux dhaafiyay goobta ay munaasibaddu ka dhacaysay oo ahaa hool wayn wata maca sharaabkiisa iyo fadhiyo qurxoon ooy martidu ku dangiigsan kadho, kaasoona awalan loogu talagalay in si sharaf leh loogu soo dhoweeyo muwaaddiniinta sooritaanka xuska qaranimada soo ajiibay jeclaystana in ay kaalintooda ka qaataan xuskan xaqa loogu leeyahay qof kasto Soomaali ah ee jooga dunidan guudkeeda.
Munaasibaddan oo bilowgeeda lagu furay ayaadka Qur'aanka Kariimka Qawlkii Eebe laguna soo bandhigay suugaanta qaraamiga Soomaalidu dhiiggeeda dhaqaajinaya, ayaa waxaa laga jeediyay khudbado taariikhi ah ka faalloonaya hawsha iyo dhibkii laga soo maray helitaanka calanka buluugga ay maantadan Soomaalidu ku caanka tahay caalamkuna aqoonsanyahay, kaasoose waayahan dambe carajiif iska ahaa bacdama dadkiisu ay ka bixi waayeen duulshowga iyo isqabqabsiga guduhooda ah, kadibna shisheeyuhu uu danihiisa uga dhex faa'idaysanayo teeriyo xiligii qabtu ay dhacday qoraxdan maanta ah.
Inkastooy ay aad u badnaayeen dadkii kuhdbadaha ka jeediyay goobta ay munaasibaddu ka soconaysay, haddana hadaynu dadka muuqmuuqda mid iyo labo ka soo qaadano waxaa ka mid ahaa sida:- aqoonyahanka wayn ahna fanaanka qaranka Soomaaliyeed Axmed Yaasiin oo si gabowdhac miirka macnaha ugu jira si la fahmi kara uga taarikheeyay halgankii xoriyadda calankana lagu saaray carada Soomaaliya 1-da Luuliya 1960kii habeen saq dhexe, dabadeed markii si daran loo jabiyay gumeytihii dalka haystay ee isticmaarsanayay ummadda Soomaaliyeed.
Goobta waxaa sido kale ka hadlay Marwo Leyla Qanyare oo turjubaan ka ah gobolka oo si aad ah uga dhawaajisay in Soomaalidu uu waa cusub u baryay bacdama ay haatan tahay markii ugu horeysay si midnima buuxda leh isugu timaaddo xuska munaasibadda 1-da Luuliyo, taaso tusinaysa bay tiri, in bulshada geeska Afrika ay horay u soconayso, waxaana goobtaaso martisharaf kala duduwan meelo kala jaad ah ka kala yimid iyana halkaasi ka soo jeediyay hadalo qiiraleh gobanimadu waxay tahay, iyada oo meeshaasi fanaaniin kala geddisan iyana goobo kala fog fog ka kala yimid ay heeso waddani ah ay ku soo bandhigeen, labadaraale waxaana la arkayay xitaa haween halkaasi ka buraanburayay buraanbur waddani ahlagu guubaabinayo guud ahaan Soomaalida jabtay ee kala daadsandunida dacaladeeda qaxoonti ku qaadashada waqtigu kaga lumay geesta kalana dalkoogi hodanka ahaa loo dib marayo si loogala wareego milkiyaddiisa.
Xafladdan quruxda badnayd kana baxsanayd tuulo tuulooyinkeena gaar gaarka ah ee aan isku haynay oo ay soo abaabuleen dhamaan Soomaalida dalka Switzerland ku nool ee sida weyn uga dhex muuqday agaaskeeda gudoonka Ururka Dhallinyarada Samafalayaasha Soomaaliyeed Mudane C/LLaahi Cali Jareere oo loo wada qiray inuu inta badan waqtigiisi iyo xooggiisa uu geliyo midnimada iyo wadajirka istabantaabinta Soomaalinimada qaranimada dadka wada deeqda ayaa habsami u socodkeedu marnaba aan laga dareemin cudurkii aafada ahaa ee nala dagay, kaasoo dhaqaatiirtu baaritaakoodu 30-ka sana qaatay ay magacay u baxsheen macnihii uu ka soo baxay noqday QAB IYO IIL.
Walow qaar xanuunsan weli ay jiri karaan, baadna mooddaa haatana in Soomaalidu uu taabanayo karkiyo xanuunka dowllad la'aanta, waxaana aad u muuqanaysa in bulshadu meel walbooy joogto dal iyo debedba markan ay u soo bislaanayaan qaranimada oo aad arkayso inay doonayaan inay soo xoojiyaan sii taagnaanshiyaha calankooda buluugga ah, kaasoo sida runta ah hooyo iyo aabbe u ah guud ahaan magaca Soomaali xitaa hadday ahaan lahaayeen Jabuuti iyo kuwa khasabka lagula jirsiiyay Itoobiya iyo Kiiniya, halkaasina waxaynu ka fahmi karaynaa in Soomaalidu dhibaato inteeda la eg qaran li'idu u soo kasabtay ay faraqa ku haysato una baahantahay inay dhibaatadaasi iska dhigto, iyado ay mudantahay in gudaheeda wixii ay isu geysatay iyo kala qaadatay isu celiso isna cafiso oo qofba saamigii uu helay laga sagsaagid.
Bahda saxaafadda qaybaheeda kala geddisan oo si rasmi ah loogu casuumay ayna ka mid ahayd warbaahinta ummadda sida lacag la'aanta ugu adeegta aadna u dhawrta danaha guud ee bulshada geeska Afrika ee Southern Media Co-Operation intii ay ku gudajirtay hawsheeda, waxaa ay wararka baariteenkeeda ay ku soo ogaatay in danniga dadka qaarkii ay ku fakari karaan ee ah in xafladaha noocaan qarash iyo NGO lagu soo qaato aanay waxba ka jirin, balse Soomaalidu kolkani ay dhididkooda iyo jeebkooda ay isticmaalaan waxa uga baxaya danaha guud iyago daliilsanaya oraahdii raagtay Soomaaliyeedo dhagaha ummaddu in badan ku soo dhacayeen ee ahayd "Biyo sacabbadaada looga oon baxaa," waxayna xafladdii qiimiga badnayd ay ku soo idlaatay jawi aad u heer sareeya, iyado saacaddo kolkay ahayd 12:00 saqda dhexe goor-sheegtada Switzerland si la yaablaho qurux badan loo saaray calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Gobonimadu waa waxaan la siin saan madoobahana amar Alle laakiin!!
By: Ustad Adam








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip