Madaxweynaha Dal Caana oo ilaalo la'aan socda iyo 145 Siyaasi oo horey loogu dilay!

0
11 July, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dal Caana oo ilaalo la'aan socda iyo 145 Siyaasi oo horey loogu dilay!

    Madaxweynaha dhawaan la doortay ee dalka Mexico,Andres Manuel Lopez Obrador,ayaa iska diiday in uu sameyso ilaalo amaankiisa sugta sida Madaxda Caalamka kaleba ay isu ilaaliyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dhawaan la doortay ee dalka Mexico,Andres Manuel Lopez Obrador,ayaa iska diiday in uu sameyso ilaalo amaankiisa sugta sida Madaxda Caalamka kaleba ay isu ilaaliyaan.


Madaxweyne Obrador,ayaa arrintan ku sababeeyay in amnigiisa ay sugayaan Muwaaddiniinta islamarkaana uusan u baahneyn ilaalo gaar ah.

Waxaa uu ilaalo la’aan yimid Madaxtooyada,halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha uu talada kala wareegayo ee Enrique Pena Nieto.

Dad badan ayaa isu soobaxay,waxaana ka mid ahaa Haweeney si toos ah u soo aadday oo uu inta labada gacan ka qabtay qoorta ka dhunkaday.

Waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay ololaha ku gashay la dagaallanka musuqa,waxaana uu si xoog leh ugu guuleystay doorashadii dhacday 1dii July.

Waxaa uu mr  Lopez Obrador, sheegay in uu doorashada u galay sidii dadka dalkiisa ay u heli lahaayeen Jacayl iyo Nabad,waxaana uu meesha ka saaray cabsida,musuqa iyo dilka faraha badan ee ay kuwa ka ganacsada daroogada.

145 Siyaasi ayaa la dilay intii uu socday ololaha doorashada dalka Mexico,waana doorashadii ugu dhiigga badneyd ee taariikhda dalka Mexico.

Waxaa uu sheegayaa hadda in uu ku kalsoonyahay shacabkiisa islamarkaana amnigiisa uu iyaga saaranyahay,isaguna ka soo baxayo ballamahii uu la galay shacabka ee ay ku doorteen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip