Imaaraadka oo sheegay in uu kaalin kulahaa heshiiska Itoobiya iyo Eritrea

0
11 July, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 99
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaaraadka oo sheegay in uu kaalin kulahaa heshiiska Itoobiya iyo Eritrea

    Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Imaaraadka Anwar Bin Maxamed Qarqaash ayaa sheegay in dalkiisa uu kaalin ku lahaa heshiiska Taariikhiga ah ee lagu soo afjaray colaadda u dhaxeysay Itoobiya iyo Eritrea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Imaaraadka Anwar Bin Maxamed Qarqaash ayaa sheegay in dalkiisa uu kaalin ku lahaa heshiiska Taariikhiga ah ee lagu soo afjaray colaadda u dhaxeysay Itoobiya iyo Eritrea.


Anwar waxaa uu sheegay in Imaaraadka uu saaxiibo muhiim ah ku leeyahay Bariga Afrika islamarkaana ay danta qasab ka dhigeyso in xasiloonida Gobolka geeska Afrika uu ku lugyeesho Imaaraadka.

Waxaa uu sheegay in Imaaraadka waqti badan ku bixiyay dadaallada nabadda ee Bariga Afrika,waxaana uu sheegay in Imaaraadka uu kaalin kulahaa soo afjaridda colaaddii 20ka Sano u dhaxeysay Itoobiya iyo Eritrea.

Waxaa kale oo uu sheegay in ay kaalin ka qaateen dagaalka ka dhanka ah Burcad badeedda Soomaaliya iyo Argagixisada ka jirta Geeska Afrika sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca Maalgashiga waxaa uu sheegay in Gobolka Geeska Afrika oo muhiim u ah Khaliijka Carabta uu yahay Gobol ay qatarihiisa iyo fursadihiisa is bar bar yaallaan islamarkaana u baahan in si taxaddar leh looga shaqeeyo.

Dowladdiisa ayuu ku amaanay in ay saaxiibbo fiican oo sharaf leh ku yeelatay bariga Afrika taas oo horseeddey in Imaaraadka Xiriir Diblomaasiyadeed,dhaqaale,Ganacsi iyo iskaashiba ka helo Geeska Afrika.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip