SHARIIF OO RABA IN UU CIRYAAMO KU QARIYO FASHILKIISA

0
11 July, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 245
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    SHARIIF OO RABA IN UU CIRYAAMO KU QARIYO FASHILKIISA

    waxaa maankeeyga & maskaxdeeyda ay diidanyihiin, hadaladii Madaxweeynaha K. Galbeed uu ka jeediyay kal fadhigii shanaad (5aad) ee Baarlamaanka koonfur galbeed isagoo ka jawaabaayay hadaladii cuslaa ee uu kaftanka ku daboolay Prof. Maxamed Cumar D

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa maankeeyga & maskaxdeeyda ay diidanyihiin, hadaladii Madaxweeynaha K. Galbeed uu ka jeediyay kal fadhigii shanaad (5aad) ee Baarlamaanka koonfur galbeed isagoo ka jawaabaayay hadaladii cuslaa ee uu kaftanka ku daboolay Prof. Maxamed Cumar Dhalxa.

Hogaamiyaha koonfur galbeed waxa uu sheegay in maamulkiisa markii la dhisay uu isla markiiba uu geeyay Deg. Afgooye Gob. Sh/hoose  ,laakin waxaa is weydiin mudan deg. Afgooye markuu geeynaayay  wax xaruuma ah miyaa ugu horeeyay? markii uu tagay ka dib wax xaruun ah maka dhisay?
Hogaamiye shariif wuxuu aad u dhaliilay ciidamada midoowga Afrika(AMISOM) in ay ka gaabiyeen ooy ku fashilmeen furitaanka wadada Afgooye & Baay iyo Afgooye & Baraawa , wuxuu hilmaansanyahay in uusan maamulkiisa wax qoorsha istiraatiji ah eeysan usameeynin sidii wadooyinkaasi wax loogu qaban lahaa, hadaladii Prof. Dhalxa waxaa ka mid ahaa Gob. Sh/hoose Adeer ayaa u tahay, taas waxeey cadeeyneeysaa dayaca uu ku sameeyay Gob. Sh/hoose.


Shirkii Golaha Amniga Qaran ee lagu qabtay Baydhaba waxaa laga soo saaray warmurtiyeed ahaa in la furo wadada Afgooye &,Baay, sidoo kale Labada Gole ee koonfur galbeed ayaa iyagana Baaqyo ku aadan furitaanka wadadaasi Afgooye & Baay dhoowr jeer ku Baaqay waxaa yaab ah in ay Baaqyadooda ay ku xuseen wadada Afgooye & Baay iyo Gabdho reer Baydhabood ah lagu kufsado ,iyagoo iska Indha &,Dhaga tireen wadada Afgooye & Baraawe oon Toban (10) sanadood aan la marin Dayaaradna aan ka shaqeeynin Gobolkaasi.

Gob. Sh/hoose waxaa lagu xasuuqaa laguna Bara kiciyaa maalin kasta kumanaan maati ah oo u badan Caruur & Haween.
Hadaba akhristayaasha sharafta leh waxaan idin leeyahay is bar-bar dhig ku sameeya Labada wado midee ayaa Dhibanayaasheedu badanyihiin oo u baahan in si deg-deg ah wax loogu qabto.

Dr,  Cali Cabdi Baab

Wakiilka Maamulka K/galbeed ee UK+EU


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip