WARIYA JUGTA CULUS SUXUFIGA LUGEEYA USTAD ADAM INCREASE OO SI TIFAFTIRAN XAQSOOR LEH UGA HADLAY TAARIIKHDA 1DA LUULIYA GUDAHA DALKA SWITZERLAND

0
11 July, 2018 in English News by Adam Increase
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARIYA JUGTA CULUS SUXUFIGA LUGEEYA USTAD ADAM INCREASE OO SI TIFAFTIRAN XAQSOOR LEH UGA HADLAY TAARIIKHDA 1DA LUULIYA GUDAHA DALKA SWITZERLAND

    Macalin Adam Increase oo ka mid ah dadka wax gartay u soo kacay Soomaaliyada maanta qarnigan casriga ah dabayluhu dhacayaan duufaantu daran tahay kana mid ah suxufiyinta ugu caansan geeska Afrika ayaa si tifaftiran xaqsoor leh uga hadlay taariikhda 1

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalin Adam Increase oo ka mid ah dadka wax gartay u soo kacay Soomaaliyada maanta qarnigan casriga ah dabayluhu dhacayaan duufaantu daran tahay kana mid ah suxufiyinta ugu caansan geeska Afrika ayaa si tifaftiran xaqsoor leh uga hadlay taariikhda 1da Luuliya halgankii loo soo galay hanashada guusha calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, kaaso sanadkiiba mar bisha todobaad kowdeeda laga maamuuso daafaha dunida oo dhan.
Ustad Adam iyo guud ahaan tiimka Southern Media Co-Operation oo si rasmi ah loogu casuumay xafladdii sanadguuradii 58-daad 1da Luuliya lagu qabtay waddanka Swisska gaar ahaan magaalada St.Gallen oo ay soo abaabuleen ururka dhalinyarada samafalayaasha bariga dalkaasi uu hoggaaminayo C/LLaahi Cali Jareere ayaa si kooban oo nuxur leh u kala dhigdhigay taariikhda iyo raggii halganka u soo galay xornimada Soomaaliya.


 

1da Luuliya ayaa ilaa iyo intii Soomaaliya xurnimada qaadatay sanad kasta xaflado waaweyn lagu maamuusayo sanadguuradeeda loo qabanayay lagana taarikheynayey halganka iyo halgamayaasha dhiiggooda u soo huray dhulkooda si ay gumeystaha isaga dulqaaaan, balse taariikhdan kooban uu Macalin Aadan kaga hadlay taariikhda 1da Luuliya waxay kaga duwan tahay in uu si siman xaqsoor leh kala reeb lahayn Soomaalinimo raggii u soo halgamay iyo taariikhahooda uu si waadix ah uu u sheegay aadna loo fahmi karo.

Soomaaliya oo xurnimada qaadatay sanadkii 1960kii dagaalana ay ka socdeen ku dhowaad 30 sanadood, ayaa dagaalada sokeeye joogsan waayey waxaa sal u ah taariikh la leexaamiyey ama la khalday, iyado sida dad dalka u soo wada halgamey qaar la buunbuuninaayo qaarna laga tagaayo magacyadooda marnaba aan la sheegeynin, taasoona mar walba dhalisa isufaan qabweynaan iyo isquus aan macno buuran dhanka horumarka bulshada iyo qaranimada aan sammeyneynin, waxaana khudbadda taariikhda saxda ah 1da Luuliya Ustad Adam Increase uu ka jeedeyey magaalada St.Gallen dalka Switzerland aad kaga bogan kartaan boggeena hoose.

W/Q Wariye Mukhtaar Batteri Uk




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip