Duqeyn ka dhacday J/Dhexe Iyo Xog dheeriya oo laga helaayo!

0
11 July, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeyn ka dhacday J/Dhexe Iyo Xog dheeriya oo laga helaayo!

    Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe, Diyaarado dagaal ayaa duqeyn la beegsaday saldhig ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin Tuulada Xasan Kuusow oo ka tirsan gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe, Diyaarado dagaal ayaa duqeyn la beegsaday saldhig ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin Tuulada Xasan Kuusow oo ka tirsan gobolkaasi.


Tuulada Xasan Kuusow oo Duqeyntan ay si gaar ah uga dhacday ayaa waxa ay u dhaxeysaa Degaanada Jawaari iyo Raaxoole oo Jubbada Dhexe ka tirsan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya duqeyntan oo dhacday xalay 03:00 habeenimo in lala beegsaday saldhig Shabaab ay ku tababaraan caruurta yaryar.

Dadka degaanka ayaa waxa ay  sheegeen Duqeyntan inay fuliyeen Diyaaradaha dagaalka Kenya, waxayna tilmaameen inay maqleen ilaa 9 Gantaal oo lala eegtay xerada Shabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in Duqeyntan lagu dilay ilaa Sideed dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab, sidoo kalena looga gubay laba gaari oo midi uu ahaa gaadiid dagaal.

Shabaab oo duqeyntan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegeen inaanay jirin khasaare ka dhashay Duqeyntan oo dhankooda ama shacab soo gaaray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip