JANARAAL GUUDLE MAXAMED NUUR 80 JIR AH BEERTIISI AFGOOYE LAGU DILAY OO TACSIYAD TIIRAANYA LEH LOO DIRAYO!!

0
15 July, 2018 in by Adam Increase
  • Visits: 847
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JANARAAL GUUDLE MAXAMED NUUR 80 JIR AH BEERTIISI AFGOOYE LAGU DILAY OO TACSIYAD TIIRAANYA LEH LOO DIRAYO!!

    Maanto Axad ah dhamaan jaaliyadaha Koonfurta Soomaaliya daafaha adduunka ku nool uguna da'waynyahay inta la ogyaha Xaaji Maxamed Awoow Mayow waxaa ay tacsiyad tiiraanya leh u dirayaan qoyska iyo qaraabada iyo Soomaali wayntii uu ka baxay Janaraa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanto Axad ah dhamaan jaaliyadaha Koonfurta Soomaaliya daafaha adduunka ku nool uguna da'waynyahay inta la ogyaha Xaaji Maxamed Awoow Mayow waxaa ay tacsiyad tiiraanya leh u dirayaan qoyska iyo qaraabada iyo Soomaali wayntii uu ka baxay Janaraal Guudle Maxamed Nuur oo isla maanta lagu toogtay beeertiisi dhexdeeda magaalada Afgooye isago 80 jir ah agna fadhiya ceel biyaha laga cabbo.
Haddaynu yara milicsano taariikhda kooban marxuumka la dilay dilkiisu ay sheegteen Al-Shabaab, balse arrintu ay ka saldheertahay sheegashadooda Shabaabku, ayaa ka soo shaqeeyay inta badan gobollada waqooyi, gaar ahaan Hargeysa taliyenimadiisi dowlladdii Maxamed Siyaad Barre uu garwadeenku ka ahaa, iyadoona xukuumaddii milatarigu kolkii ay meesha ka baxday uu ahaa taliyihii 1-aad ee jabhaddii SDM ka dagaalamysay Koonfurta soomaaliya.    
Janaraalka la dilay marxuum Guudle Maxamed Nuur oo haatan isago hawlgabo waayeel ah gurigiisi lagu khaarajiyay dilkiisuna aanay siyaasad ciribtir isirsifayn ah sinaba uga marnayn sida laga wada dharagsan yahay, ayaa ka mid ahaa saraakiishii sida wayn uga soo qayb qaadatay dagaalkii Soomaaliya ay la gashay Itoobiya 1977- kii.   
Asal ahaanba waayahan dambe caasimadda dalka Muqdisho iyo dhulwaynaha Koonfurta Soomaaliya nin u dhashay iyo nimaan u dhalanba dal la helay sidiisi la iska wada sheeganayo lahaanshiyihiisi, waxaa aad ugu soo badanaya ugaarsiga siyaadada ah ee lagu hayo dadka magaca ku dhex leh bulshada ee ka soo jeeda gobolladda webiyadu ku go'an yihiin oo sida caqliga saliimku sheegayo waaqacuna muujinaya la doonayo in lala wareego guud ahaantii burwaaqada dhex ceegagta, si taasi loo gaarana ay ku imaan kadho oo kaliya in dam laga siiyo nindoorada astaanta u ah bulshadan dhan waliba lagaga keenay hayaanka kolkani.   Jaaliyaduhu waxay dhambaalladoodu ku muujinayaan si muruga leh inuu Illaahay u naxariisto Marxuum General Guudle Maxamed Nuur ehelkii iyo caruurtii uu ka tagay oo haatan ku nool dalka Mareynkana uu samir buuxa ka siiyo isaguna Rabbigu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa.   
Dhamaanteena dil sugayaalbaynu nahay waxaana dilka nagu xukumay duul daallimiin ah dalka aan u dhalano dool ah amar Alle laakiin!!


INNAALILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN. ANNAGA ILLAAH BAA NA LEH XAGGII AYAANA U NOQON DOODNAA!!

By Ustad Adam



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip