AWOODDA ALLE USTAD ADAM OO NOQONAYA SOOMAALIGII UGU HOREEYAY OPTICIAN KA NOQDA DALKA SWITZERLAND INTA LA OGYAHAY KADIB MARKII KULYADDIISI FINE OPTICS HIGH-TECH SI WEYN UGU GUULEYSTAY SANADKAN

0
18 July, 2018 in by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    AWOODDA ALLE USTAD ADAM OO NOQONAYA SOOMAALIGII UGU HOREEYAY OPTICIAN KA NOQDA DALKA SWITZERLAND INTA LA OGYAHAY KADIB MARKII KULYADDIISI FINE OPTICS HIGH-TECH SI WEYN UGU GUULEYSTAY SANADKAN

    Nin yaro weyn Ustad Adam Increase oo ka mid ah dadka aqoontoodu aadka isaga hoosayso kana mid ah suxufiyinta ugu caansan geeska Afrika qurbaha ku nool ayaa sanadkan si weyn natiijo wanaagsan buundooyin sare ugu guuleystey kulyaddiisi High-Tech-ga maa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin yaro weyn Ustad Adam Increase oo ka mid ah dadka aqoontoodu aadka isaga hoosayso kana mid ah suxufiyinta ugu caansan geeska Afrika qurbaha ku nool ayaa sanadkan si weyn natiijo wanaagsan buundooyin sare ugu guuleystey kulyaddiisi High-Tech-ga maaddada loo yaqaan Fine Optics-ka oo muddo sanooyin ah uu soo waday barashadeeda aadka u adag.

Marka la sheego Optic dadka badankooda waxaa qalbigooda ku soo dhacaya okiyaalayaasha indhaha la gashado aragga soo dhoweeya iyo wixii la halmaala, laakiin sidaasi qur ah ma aha badweynta dunida Optic-gu ee Aadan Ingiriis uu sida gungaarka ah uu u bartay.

Optics-ka uu Macalin Aadan ka bartay mid ka mid ah waddamada caalamka ugu waxbarashada adag ee Switzerland shahaadadiisuna qaaliga ay tahay ayaa waxaa ka mid ah sida loo soo saaro cilmiga culus aaladaha diyaaradaha iyo maraakiibta ama dayax-gacmeedyada lagu xiro aragtida soo dhoweeya iyo qalabka Endoscope-ka shaybaar ahaanta loo isticmaalo oo ay dhaqaatiirtu dhiigagga ku baaraan iyo xitaa qalabka qaliimada bini-aadamku marka lagu sameynayo sakiinta ama middida gudaha jirka uurjiifku meesha ay maraysay lagala soconayo

Aaladdan uu Aadan ka qalinjabiyey dunidan balaaran ee Fine Optic-gu oo marka la soo saarayo dheemanka lagu qoro ayaa la'aanteeda sinaba aan u shaqeyn karin dhamaan wax yaabaha la isticmaalo iftiinka bixiya sida:- kaambiyuutarada iyo tilifoonada casriga ah.

Si kale haddaan u dhigno aaladuhu shicaaca ay bixinayaan, aaladda shucaac-dhalisada ah ayuu cilmigeedu si heer caalami ah uu ugu takhasusay wariye Adam Increase oo markan la dhihi karo waxaa uu ka mid noqon karaa aqoonyahanada Soomaaliyeed qurbaha waxbarashadiisu adagtahay isku dayay bal inay wax uun dibadda ka bartaan hadhow dalkii u faa'ida noqon kara, isagoona noqonaya inta la ogyahay Soomaaligii ugu horeeyay ka noqda Optician dalka Switzerland taariikhda.

Dalka Switzerland oo aan marnaba waxbarashada naxariis sinaba la isugu falin tahayna luuqadda wax lagu baranayo luuqad ajnabi ah cadaadisku kuu dheeryahay ayuu Ustadku galay ku dhowaad 120 imtixaan msikex shiil iyo madax qaac leh intii uu ku guda jiray qeybidda cilmigan adduun muhiimk ah oo haddii niyadda loo hagaagsadana aakhiro looga faa'ideysan karo ,iyado manhajka uu wax ku baranayey afka uu ku baxayo ahaa luuqadda Jarmalka oo sida runta ah aan ahayn mid igu soo orod ah.

Taariikh kooban haddaan wax yar fiirino Aadan Increase ayaa si aan sidaasi u sii buurneyn u yaqaana luuqadda Ingiriisiga iyo afka Taliyaaniga, isagoona muddo 4 sanodood uu soo bartay afka Faransiiska Jarmalkuna wax yar ka yaqaan, iyado tii hooyo iyo kii Aabbe Soomaaliga Maayga iy Maxagu yara fahmayo walow Maxagu uu gudbin ahaan uu ku yara roonyahay.

Isku soo wada duubo guntii iyo gabangabadii sanadkan ayaa la arkayaa in dhalinyaro aad u farabadan Soomaali ah wadamada qurbaha ku nool systemku aan koodi ahayn ku cusub yahay af iyo dhaqanba aanay islahayn dadaal dheeri ah intay muujiyeen iyago weliba la riixayo guulo ka keenaya iskdayadoodi waxbarashada nuucey doontaba ha ahaantee, Aadana waxaa uu qayb ka yahay dhalinyaradaasi u adkeysatey iska caabbinta ay iskuulaadka shisheeye ku sameynayaan ardeyda ajnabiga ah oo intooda badan ka soo hodlamey geeska adduunka dunida seddexaad.

W/Q Wariye Nuur Ismaaciil Sheekh



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip