Rajada Nabadda Q.2aad

0
21 July, 2018 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rajada Nabadda Q.2aad

    Sidii aanu horey ugu balansaneyn ama akhristihii la socdey qormadan qeybteedi hore kusoo dhowow maqaalkeenii oo aan sii ambaqaadno waxaan jecleystey inaan kala qaado qormooyinka sida ay u kala horeeyaan oo ku saabsan heykalka dowladnimo iyo maamul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidii aanu horey ugu balansaneyn ama akhristihii la socdey qormadan qeybteedi hore kusoo dhowow maqaalkeenii oo aan sii ambaqaadno waxaan jecleystey inaan kala qaado qormooyinka sida ay u kala horeeyaan oo ku saabsan heykalka dowladnimo iyo maamul wanaaga.

Nabadu waa furaha nolosha sidaa darteed waxay u baahan tahay dulqaad dhan walbo ah sidii loo hanan lahaa waxaana masuuliyaadeeda iska  leh qof kasta oo ka mid ah bulshadaasi meesha ku nool ,hadeynu nahay Soomaalida maanta waxaynu ku eedeynaa nabadgelyo la,aanta   hadba  masuuliyiinta hogaanka ama majaraha dalka u haya. Waxaan igu beerey inaan soo jeediyo maqaalkan fikrad iiga soo baxdey buug aanku  howlanahay qoristiisa  oo aan bilaabey sanado ka hor oo aan weli soo saarin iyo anigoo safaro ku marey wadamo badan oo ku kala yaala qaarada Afrika, Yurub iyo Carabta.Waxa jirta maahmaah oraneysa (Nimaan dhul marin dhaayo ma laha) anigu ka qore ahaan waxay ila tahay aqoonta waxa ka horeeya caqliga iyo garaadka oo si sax ah u shaqeeya waxaan soo jeedin lahaa in garashadeena si quman looga shaqeysiiyo oo aan isku tashanaa oo danta gaar ahaaneed ee shakhsiga laga hormariyaa danta guud.


Waxaanu nahay Dal  burburey gebi ahaan misana nool bulshadiisa laakiin ka (arradan) aan lahayn isu tanasulka iyo maamul wanaaga oo aan ula jeedo inta fahamsan ama diyaar u ah waa in ka yar 20% inaan lasoo laabano kaalintii dunidan aanu kaga jirney taasoo ku qoran sooyaalka tariikhda Soomaaliyeed.

Heshiisiin
Waxa haboon   heshiisin dhab ah la dhex dhigo bulsho weynta Soomaliyeed lagana soo bilaabo tuulo ilaa magaalo iyadoo la tixgelinaayo bulsho kasta deegaankeeda iyo sida isula degan yihiin beelaha walaalaha ah oo aan sina u kala maarmin iskuna wada tiirsan heer dhaqan iyo dhaqaale.Qabiilada waa jufo, jilib, laf , heyb, qoomiyad, ilaa qarannimo (Soomaalinimo). Hadii bulshoweynta Soomaaliyeed ay ka heshiiyaan dhibta kala gaartey  oo la dhex dhigo nabad waarta iyo is cafin wax xaqiiq ah in amniga iyo garsoorka u shaqeyn karo si kalsooni leh wadankuna horumar ku talaabsan karo .

Mar aan ka qeyb galey shir ay soo qaban qaabisey hay,ad u ololeysa arimaha bulshada iyo nabada aya waxaan halkaasi kula kulmey aqoonyahano fara badan oo kala yimid wadamo kala duwan waxaan ka xusi karaa kuwa kasoo jeedey wadamo afrikaan ah gaar ahaan Afrikada bari sida Ehtiopia, Rwanda,Uganda, Kenya. Ma doonaayo inaan ku dheeraado ka hadalka waxaanu ka doodney ee waxaa iigu yaabka badneyd markii la I su,aaley tirada dadka (population) ,luqada , diinta , dhaqanka,iyo sababta nabada hortaagan , mana haboona inaan isu duleyno ruux asaageena ah, welina qabweynida weynagu weyn tahay  waxaa haboon inaan wax ka barano waxii nasoo marey joojina dhiig daadinta micno darada ah, xiqdiga, yaska , anaaniyinimada, waa inaanu marnaa wadadii aanu ku gaari lahayn sinaan iyo cadaalada .

Anigoo  ka waaban doonin inaan dul istaago dhacdooyin dhinac walbo leh iyo qaldaadka ay ku taagan yihiin xubnaha ka kala tirsan dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyda ka jira dalkeena waayo waa waajib inaan raaco xadiiskii Nebigeena SW ee ahaa ( XAQA SHEEG DACARBA HAKA QARAAR BADNAADEE).Dib uheshiisiin dhab ah hadeynaan dhicin waxaad ogaataa iney ku dhiiranayaan dadka qaar sida hadaba jirtonabadgeylyo xumo  iyo isbarbaryaac bulsho ,dib dhac dhaqan dhaqaalewaxaanoranlahaa aanu u wada istaagno ugu yaraan maslaxada jiilka (Generation) soo koraaya ee  la soco qeybta 3aad.
Okash Sugow Mohamed@okashasugow (Sugoow55@hotmail.com)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip