KALSOONI DARADA SIYAASADDA IYO MADAXDA SOOMAALIDA

0
23 July, 2018 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KALSOONI DARADA SIYAASADDA IYO MADAXDA SOOMAALIDA

    Waxaanu kabaraney sooyaalka siyaasadaha isbedbedala ee waddanka Soomaaliya taasoo halbeeg ama erey bixin cusub loo yeeley tusaale hadaan soo qaato shirarki kala duwana ee sida Soodare Itoobiya, Qaahira Masar, Balcad Soomaaliya, Carta Jabuut

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaanu kabaraney sooyaalka siyaasadaha isbedbedala ee waddanka Soomaaliya taasoo halbeeg ama erey bixin cusub loo yeeley tusaale hadaan soo qaato shirarki kala duwana ee sida Soodare Itoobiya, Qaahira Masar, Balcad Soomaaliya, Carta Jabuuti, Eldoret Kenya , Asmara Eriteria, Kampala Uganda iyo Muqdisho magaalo madaxdeena.

Waxaanu   xasuusanaa    xiligii   hogaamiye   kooxeedyada in shirar   marar   badan    uga  qeyb  galeen  meelo kala duwan   ee   dibadda   iyo  gudahaba ah markaan   sigaar ah u sheego  shirkii Qaahira ayaa  waxay la yimaadeen  magic  nagu  cusbaa  oo  siyaasadeysan  kaasoo   ahaa LA GADOOMIYAAL iyadoo magacaasi  uu la baaba,ay  hogaamiye  kooxyadii  xiligaasi u kala qoqobneyd  deegaanada  dalka.

Markii ay dhacdeyxukuumdiidhexeuumadaxweynahakaahaaMadaxweyneMaxamedSiyadBarrewaxaa is xigxigeywaaxukuumadokumeelgaar ah lagasoobilaaboMudane Ali Mahdi, AbdiqasimSalad,Abdullah Yusuf, Shekh Sharif ShAxmed, iyo  ilaa   Dowladii   aqoonsi  caalamiga  heshey  ee  Madaxweyne Hasan Shekh Maxamud  taasoo  dhistey Maamul  goboleedyada   hada  jira  markii  laga  reebo Puntland 1998  iyo Somaliland 1991  gooni  isutaag ah weli wax  ictiraafaan  helin.


Xakuumadda   hada   jirtaa  oo  uu   hogaamiyo   Madaxweyne  Mohamed Abdullah Farmaajo   ayaa   waxay   kuguuleysatey  isfaham  labada   masuul   ee    Madaxweynaha  iyo R/wasaare Hasan Ali Kheyre  taasoo ay kaga   duwan   yihiin   xukuumadahii    kaga   horeeyey kana dambeeyey  oo la dhisey   dagaaladii  sokeeye  kadib.Waxaa  heysta  caqabad  siyaasadeed   oo  arimaha  dibadda , gudaha  oo u sababa ah   Madaxweyne  Goboleedyada  hada   jira  taasoo  aad  mooddo kuwii  waagii  shirkii  Qaahira  ee la baxay  magacii LA GADOOMIYAAL  taasi  bedelkeeda  waxaanu  dhihi  karnaa tan   shirkii Brusseles  ee 2018 LA MADAXWEYNIYAAL

Magacyada  la socda  hadba  siyaasada  cusub  ee  soo  marta  dalka  ayaa ah  magacyada  kan  ugu  liita ee wax u dhimaya heykalka  iyo  sharafta Dowladda dhexe  ee JFS (Jamhuuriyda  faderaalka  Soomaaliya). Maamul  goboleedow   magaca   hada la idinku  yeero   waxaan  soo    jeedin  lahaa in laga  dhigo HORJOOGAHA  MAAMULKA  ama MAAMULAHA MAAMUL GOBLEEDKA     Maahmaah  Soomaaliyeed   ayey  waxay   ahayd (Madax  hortiisa  mundul  lama galo)  mundul waa guryaha cooshada  ka  dhisan  ee  laga  dhisto KGS,waaceeb   isbarbaryaaca  iyo wax isuquuri  la,aanta ka  muuqata  shirarkii London iyo  Brusseles  maaha  biseyl siyaasadeed  waa is aamin darro qaawan ee wax ku qaata  Maamullada  ka jira  Dowladaha   deriska.

Madaxda  dalka waxaanu soo jeedin lahaa  iney la yimaadaan siyaasad cad oo dhan walba leh iyadoo lagu caddeynaayo  Dastuurka  Dalka u yaalo  oo  dhamaystiran ,iney u dhego nuglaadan  baaqyada kala duwan  ee  qeybaha kala duwan  ee bulshada  sida Mucaaradka iney la fadhiistaan, Muqdisho oo  yeelata  Golle  maamul oo  leh awood xadidan  si ay u fulaan awaamiirta maamulka  gobalka   oo ah kuwo  jilicsan dhanka  amniga , dhaqaalaha, nadaafada  iyo bulshada  waayo? Wada tashila,aan  waxba ma suuroobaan .waxaan oran lahaa meelaad  madaxeeda  tahay la iskama dhigo  majaheeda.

Okash Sugow Mohamed @okashasugow(sugoow55@hotmail.com)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip