SHIRKII ALIF-MAAY IYO KHIYAANADII PROFF SAGAAREY IYO DAALIB EE BORAS SWEDEN DIIN GARAARADIISI LAAKIIN!!

0
31 July, 2018 in by Adam Increase
  • Visits: 1947
  • (Rating 4.5/5 Stars) Total Votes: 6
  • 4 0
  • Share via Social Media

    SHIRKII ALIF-MAAY IYO KHIYAANADII PROFF SAGAAREY IYO DAALIB EE BORAS SWEDEN DIIN GARAARADIISI LAAKIIN!!

    Daraanteedan wareegta 1960-kii waa la i dago walina dabin aasan baa la ii daadinaayaa diburooti bayna ila doonayaan diin garaaradiisi. Isha kii dabaa la dareemayaa wuxuu daaranaa, uurdabe Illaah baana da'ino kaaga daabaqaaya, dunidaa sidaa u dub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daraanteedan wareegta 1960-kii waa la i dago walina dabin aasan baa la ii daadinaayaa diburooti bayna ila doonayaan diin garaaradiisi. Isha kii dabaa la dareemayaa wuxuu daaranaa, uurdabe Illaah baana da'ino kaaga daabaqaaya, dunidaa sidaa u dubaaxiso darandooriyaysa, nafsi duulayaa loo soo diro daba joogana hawsha, kii soo dilaa dib u doodayo maragga u diraaya, waase dhiig dado duuggiisu wuu soo daahirayaa, xaqna lama duudsiyo wuu dillaacayaa daaya daallimiintu intay doonaan.

Shaki kuma jiro inay qalbi san yihiin dhamaan shucuubta sharafta badan leh ee ka soo jeedda Koonfurta Soomaaliya meel walbooy adduunku kaga suganyihiin waana dad aad u jecel isku duubnaanshiyaha iyo horumarka ummadnimo waana sababta inta badan keenta kolka dan guud meel la isugu yeero inay maalkooda iyo waqtigooda u soo huraan habeen iyo maalinba qaaradaha dunidan daraanteedu wareegto.
Magaalada Boras ee waddanka Sweden oo 28-kii bishii July 2018-ka loogu ballansanaa shirweyne looga waramayo dib u soo nooleynta Afkeena Soomaaliga Maayga iyo Maxaga dastuuriga ah, waxba sooma harin bulshada qaybaheeda kala geddisan idilkood, waxay isku soo shubeen madasha shirku ka dhacayay, balse qodobkan waxaan bulshadeena aanu jecelnahay si LILLAAHI AH ugu iftiimineynaa halka ummaddani baaxadda leh dhibta ugu weyn ay uguna badan dhanka horusocodkoodu ka haysato, halkaaso badi dadkeenu aanay aad ugu baraarugsanayn.


Sida aan idin dareensiin doono, loolama jeedo faalladan kala goyn iyo kala jabin lagu kala dhantaalayo wadajirka shacabkan walaalaha ah, balse waa sheegitaan la doonayo in shucuubta laga shaafiyo shirqoolada qaar lagu ajarayo ay u dhigaan daday moodaan inay waddaniyin yihiin danahooduna ka shaqaynayaan.

Si loo daweyo boogta aan ka fursaneyn farateysiga halka ay sartuba ka quruntay, wufuuddii boqolaalka ahayd oo ay soo casuumeen horboodayaasha jaaliyadda Sweden Mudane C/Qaadir Maxamed Axmed Sagaarey iyo C/qaadir Abuukar Daalib oo hadda loo baxshay C/QAADIR DAALIM, kolkii ay soo cagadhigteen garoonka iyo hareeraha Boras, Mr Sagaarey waxaa uu ka dansaday tilifoonkiisi.

Dadka masaafooyinka fog fog iyo masaafooyinka dhow dhow ka soo safray dhamaantooda, raggani horaan waxay u sii sheegeen in halkii ay dagi lahaayeen u diyaariyeen garoonka iyo goobaha boosteejooyinka gaadiidkuna u taag taagan yihiin, waxaana halkaasi ka garatay shaqadii koobaad ee Mudane C/Qaadir Sagaarey iyo Mr C/Qaadir Daalim ay ummadda u qabteen.
Arrinta la yaabka leh oo xusidda mudan daraamaha qaybihiisi koobaad baa waxaa ka mid ahaa, Saxaafadda Koonfurta Soomaaliya oo Sagaarey iyo saaxiibkiisi Daalim ay si gooni ah u casuumeen una sheegeen garoonka inay ugu diyaarsan yihiin, tiimkaasi dalka iyo dadka bilaa qarashka ugu adeega, goortii ay gegiidda Boras ku soo degteen in Mudane C/Qaadir Sagaarey, intuu soo dhoweyn lahaa siduu awal, ama, horay ugu faanay inay dhacdaba, taa daayo, ee uu tilifoonka ka dansaday.

Dr C/LLaahii Ibraahin Xasan Amaandhoorey oo ah nin aad u caqli badan ilbaxna ah si wayna uga feejignaada safarada iyo casuumadda ay u fidhshaan dadka nuucaan oo kala ah, ayaa isaga iyo tiimkiisuba kahor intaysan soo bixin 2 todobaad dalalkooda ka soo bokin garaystay hoteeladii ay Boras ka dagi lahaayeen iyo baabuurtii ay ku socon lahaayeen marka ay madaarka soo gaaraan, taasoona ahayd fikrad aad u wanaagsan noqotayna mid loo baxsaday aakhiritaankii.

Madaxa guud ee saxaafaddu Dr Amaandhoorey kolkii isaga iyo tiimkiisu ay Boras garoonku soo cagadhigteen gaarigoodu goobtaasi gacantoodu kaga soo kaxaysteen, waxaa durbadiiba ay waceen sida sharaftu tahay Mudane Chief Sagaarey, balse Sagaarey tilifoonkiisu waa uu dansanaa, waxaana ay u soo dhaqaaqeen magaalada, iyago goortii ay beledka yimaadeen war wareystay Chief Sagaarey, waxaana ugu dambeyntii loo sheegay inuu masaajid ku jiro waqtigaasoon ahayn xili salaadeed, waxaana Dr Amaandhoorey iyo suxufiyintii la socotay ay dalaq yiraahdeen misjiidkii, islamarkii ay masaajidka lugaha sidaan u geliyeena, bud, waxay isha ku dhufteen Chief C/Qaadir Sagaarey oo halkaa iska dhex fadhiya waxna aanba ka maqnayn, maba ahanba qofkii boqolaalka dadka ah daafaha adduunka ka soo casuuntay uguna yimaadeen magaaladiisi.

Haddaba Dr Amaadnhoorey muxuu ku yiri kolkii uu qabtay Sagaarey "Haye kaabo, annagana waad la ballamisay garoonkaan idiin taaganahay iyo tilifoon dansasho miyaa,? waan ku baranay, balse maalin dambe na siri meysid."

Chief-ku markii sidaasi loo qabtay, waa uu calaacalay, kiiskuuna iska waalay, isago sheegtay in guddigiisi shirku ay wada wadeen culeysyo saareen, sidaasi daraadeedna uu wadnuhuba xanuunayo wareeray, waxaana borofeysar Amaandhoorey uu Mr Sagaarey u sheegay "tani waan kaa cafinay", balse hadda kadib dadka sidaan ha ula dhaqmin, iyadoona halkii la iska soo raacay ruux walbana hudheelkiisu nafis ugu aaday si uu shirku isugu diyaariyo subixii.

Tii dheerayd intaan la gaarin ta dhaxaaba ka darane, subixii markii shirkii la isugu yimid ee uu furmay hawshuna ay ku socoto si habsami leh, waxaa mar qur ah isbeddelay jawiga shirka, kadib markii goobtaba laga waayay Mudane C/Qaadir Axmed (Chief Sagaarey) oo ah ninkii dadka soo casuumay, waxaana goobta ku habsaday oo qabsaday rag aqoonyahano borofeysaro sheegtay barofasooro dhacay oo u abaabulan sidii maafiyada adduunka birigaato roso oo sida runta ah kala is-istaagay dhamaan goobihii dadka ay fadhiyaan hortooda iyo gadaashooda, qabqablayaasha qalinku waxaa ay shirkii lagu haynka waynaa cinwaankiisu samaa ay ku sameeyeen afgembi aan dhiig ku daadan, iyagoona ajandihii shirku u wareejiyay ajandayaal la yaab leh NGO'S fool xun, kadib kolkii ay goobta shirku ula wareegeen sidii magaalada Baydhabo Al-Shabaab joogtay mar qur ah Itoobiya ay iskuweer ka qabatay oo kale.
Martisharaftii shirka lagu soo sooray si xun ayaa loo bahdilay, waxaa goortii ay abaabulayaashu ka waayeen masraxa meeshiiba iska maamulanayaan niman waqooyiga Ameerika ka yimid mashaariic wata iyana luggooyada shacabkooda masaakiinta ah uun ku noolaa waxay korba ugu soo kici waayeen wuxu, ay isweydiiyeen halka uu qabtay Chief Sagaarey.

Mr Sagaarey oo miriqdiisa laga waayay goobta shirku ka dhacayay inta badan maalintii oo dhan oo galabtii mar yimaaday madasha isagoo dhuudhuumanaya gadaal isku qarqarinaya, ayaa la waydiiyay sababta uu shirkii dadka isugu yeeray uu uga maqnaa una imaan waayay, wuxuuna Chief-ku ku jawaabay in "goobtii uu ka shaqeynayay waddanka Sweden nin ay isla shaqeynayeen uu dhintay, sidaasi aawadeedna shirkaddii ay soo wacday kuna tiri, haddaadan soo shaqa gelin maanta in shaqada lagaa burin doono," taasoona ay dadkii ku wada qosleen kuna yiraahdeen "Chief Sagaareeyow, Alif ilmo kula korin maayee iska shaqeyso."
Maalintii koobaad gelinkii hore dadku dulqaad wayn ayay muujiyeen xaqiiqdii, gelinkii dambe kolkii la isku soo noqday, waxaa mar qur ah buuq wayn uu ka dhashay goortii wax khudbad ahba loo diiday in la siiyo martisharaftii soo ajiibtay shirka oo isugu jiray bulshada qaybaheeda kala duduwan dhallinyaro iyo waayeel rag iyo dumar culmo iyo caamo leh siyaasiyintuna meesha ay fadhiday, waxaana dareenka dadku uu sii kululaaday dabadeed markii qolyihiin shirka afduubatay ay diideen in calanka Jamhuuryadda Soomaaliya iyo midka Koonfurta astaanta u ah la suro laguna dhajiyo darbiga masraxa iyo kolkii gabi ahaanba la diiday in fanaantii afkan guubaabadiisa u darbanayd shacabku jeclaayeen ka heeso ka qaadaan goobta.
Rabashkii ka dhashay mashruuca qalloocan qabqabliyaasha qalinka shirka afduubtay goortii xaaladdu ay sii kululaatay ayay siiyeen fanaaniintii qaranka waxaan dhamayn 30 daqiiqadood inay meesha ka heesaan, waxaana natiijada shirka maalintii koobaad ay ku soo idlaatay in la kala hoydo dadkii dhallinyarada u badnaa oo cabursan la afjikay hadalkana loo diiday in fursad loo siiyo, xitaa faalooyinka khudbadaha mashruucooda qawlaysatanimada ah huwana dagaagnimada iyo damaca waallida wahanka, iyadoona gabangabadii hoolka markii laga baxayay suxufiyintii wararka sida tooska ah u tabinaysay aan shilin ku iman qarashkoodu soo baxsadeen waddaninimada ku jirta awgeed lagu yiri "waryaada 5 daqiiqadood gudahooga kaga baxa hoolkan," taaso kaliftay in cadaadiska la saaray iyo alaabta badan oo ay wateen furfurkeeda saacado u baahan qaar kala badh ay hoolka uga soo tagaan aalado muhiim ahna ay kaga lumeen halkaasi.

Shirku kolkii uu soo idlaaday maalintii koobaad fiidkii kahor, waxaa dhallinyaro careysan is uruursatay bartamaha magaalada ay kula kulmeen Proff Maxamed Xaaji Mukhtaar oo guruubkan shirka afduubatay uu hoggaaminayay isagoo xaaskiisu ay la socotay magaalada dhex tamashleynayaan, waxaana dhallinyaradii dhiigga waddaniyaddu ku jirtay ay waydiyeen sababta ajandaha shirka loo baddelay hadalkana loogu diiday martisharafta, wuxuuna ku jawaabay Proff-ku, in ay mashruucoodu doonayeen inay dadka sidan kaga fushadaan, haddii sidaan aan la yeelina aysan dadka u imaan lahayn, yacnii in bulshada qalbiga saafiga ah hormarka afkooda iyo dalkooda jecel loo sheego marka hore been ah Afkeena Soomaaliga Maay in la hormarinayo, kadibna kolkii ay soo buuxsamaan qandaraaska lagu fushado.
Halkaasina waxaad ka garatay in Shariif Xasan Shiikh Aadanka la mucaaraday wax ka daranba ay joogaan qurbahan, naarba naaray ka acuudubillaysataa, loduba yeer yeerku way isbartaana tanise waa yaab.

Hubaal warbaahintu iskama hadlayso caddeyn buuxda la arki doono ayayna u haysataa waxa ay ummaddan baaxadda leh u soo gudbin doonto mustaqbilka aan dheerayn haddii Rabbigu uu idmo.

Habeenkii warbaahinta dhamaanteed waxaa casuumay bulshadii magaalada, waxaana ay ka codsadeen in maalinta 2-aad kolkii uu shirku soo dhamaado dood-wadaag loo qabto ku saabsiisan natiijadii shirka iyo xaaladaha dalkeeni sida doorashooyinka Koonfurta dhowaan la filayo iyo midda federaalka Soomaaliya 2020-ka iyo waliba amniga isbaarooyinka daadsan gobolka Shabeellaha-Hoose, iyado saxaafadduna ay ka aqbishay inay hawshaasi ay u fulin doonto dalabka bulshadeeda, dooddaaso ay bulshada rayidka marka laga yimaado qayb ka noqon lahaa siyaasiyinta sida wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Mudane maxamed Aadan Farkeeti, Wasiiraddii hore ee caafimaadka federaalka Soomaaliya Marwo Xaawo Maxamed Xasan, xildhibaanad Aamino Golli iyo Agaasimihii hore wasaaradda waxbarashada Koonfurta Soomaaliya Casiiso Maxamed Nuur ahaydna xildhibaanad ka tirsan baarlamanka federaalka dalka Soomaaliya.

Si taasi loo fashiliyo kooxda maafiyadu kolkii ay ogaatay arrinkaasi, waxaa ay dajisay qorshe aad u halis ah ay ku fashilinayso qabashada dooddaasi dadka dulman u danta ah jooga gudaha iyo debeddaba, waxaana maalintii 2-aad ee uu shirku galay, iyado furitaankiisu ay burcad-qalinleydu ku fureen wax loogu yeero afka qalaad (presentations) aan kubajid iyo jiho ahayn halkii shirku la rabay inuu u socdo oo aad iyo aad ay u dhibsanayeen inay taasi halkaasi ka sii socoto 99% wufuuddu.

Qayaastii saacaddu kolkii ay ahayd 10:00-kii subaxnimo, dad u badan dhallinyaro waxaa ay u tageen Mudane C/Qaadir Axmed (Chief Sagaarey) waxaana ay weydiiyeen weli sababta dadka intiisi kale fursad ay ku hadlaan maykaroofanka loogu siin la'ay yahay ayna gabi ahaantii shirku u maamulayaan dad marti ah ka wada yimid waqooyiga Ameerika, wuxuuna ka jawaabay Mr Sagaarey in "aqoonyahanada sida Proff Mukhtaar oo kale meel ay ka hadlayaan aanay wiilal iyo gabdho yaryar oon secandary soo dhigan ka hadli karin tahayna inaan iska dayno ka hadalka shirka, kolkaasoy dhallinyaradii careysnayd ay ku yiraahdeen "oo sabab, dalkan haatan aad joogtid, waxaad ogtahay Sagaareeyow in ra'iisul-u wasaaraha aad la doodi kartid adigo shacab ah, hadduu khalad kaa galana aad maxkamad la tiigsan kadhid, oo maxaa diidaayaa inaan isku meel ka wada hadalno meeshu sow shir ma aha, Proff-ku isagu qad buu leeyahay hadalkiisu, annaguna qad baan leenahay, oo waxaan ognahay wuxuusan isagu ogeyn sida isaguba uu u ogyahay waxaynan annagu ogeyn, kolkaaso la arkayay Chief Sagaarey oo indhaha mirig mirig ka siinayo neeftuna ku dhagtay kuna waashay waa la idin siinayaa gelinka dambe khudbadaha, i suga, aaway Daalib, aaway Battaar, aaway C/Qaadir Shariif, aaway kii, kii, Aaweyse tii.

Buuran buuran, caga balaaran, ninna ma aha, naagna ma aha, waa naanaabad isnacday, waxay og tahay baa bad ah warbaahintu ay dib ka soo bandhigi doonto haddaan Rabbigu maya dhihin, nimankaasi tirada yar wabiinada ah katiibada is uruursatay, waxaa ay ku dhaqaaqeen falal aad u naxdin-naxariis daran oo keliya looga sheekayn karayo ruuxii madasha shirkaasi weyn joogay ee ay adag tahay qof kaloon joogin in la dhacsiyo midkii dhamhinaya mooyaane siday wax u dhaceen.

Ka sokow diiditaanka Mikirifoonka loo diiday bulshadu, waxaa jiray isla khudbadahoodu NGO'ga intii ay socdeen, in dadkii da'yarta iyo siyaasiyinta u badnaa goortii ay faallooyin iyo su'aalo qabaan iskuna dayaan inay afka kala qaadaan lagu ciriirinayay fursadda hadalka qaarkoodna si toos ah looga wareejinayay gacanka cod-baahiyaha, waxaana dadka sidaasi lagu sameeyay ka mid ah wasiiraddii hore ee caafimaadka Soomaaliya Xaawo Maxamed Xasan, muwaadiniin ka tirsan jaaliyadda Koonfureed ee Sweden uu ka mid yahay aqoonyahan MUDANE AADAN C/NUUR oo xaqa inuu ka waramo isku dayay fahamsanaana mushruuca qalinshubashada ah oo ay wateen haantooleyda wajiyo badanka ah sida jirjiroolaha maalinba dhan isu gedgeddiya jilbis daaq iyo abees bulshaduna ay u haysteen inay dad damiir leh ay yihiin danta guud u ordaya, se xaalkoodu aanu sidaasi ahayn kumaan KM uu wanaaggu ka durugsan yahay, waxaana  la arkayey oo ayna warbaahintu marqaatiyeysayo duubtay iyado arrinkaasi  buuq xooggan uu ka dhashay gorodda ay isgelinayaan.

Warbaahinta oo dhamaan xaaladda guud aad isha ugu haysay, xitaa qaab dhaqankooda maafiyadii shirka afduubatay dadka aqoonyahanada barafasoorada sheegtay, walow safar ay sheeganayeen inay safar ahaayeen, lama arag intooda badan oo salaad dukanaya haba isku jamciyaane, waxaase la arkayay qaarkoodo suulliyada ama musqulaha qaybta fadhiga si baratakool xumaha ah istaagga ugu kaadshayay bilaa istaja la'aan albaabkuna uu u xiran yahay, su'aasha isweydiinta leh baa waxay tahay, iyadoon shaqsiyadda qofka aan weerar lagu ahayn, ruux Muslim sheeganaya Illaahii abuurayba khayaanay, miyuu u daahayaa aadmiga kale, abkey doolli diloow, dad nool maas u dahaa inay ku xaqiiqa noqotay oraahdii soomaaliga raagtay ee ka soo ifka baxday caasimadda Muqdisho maraan dhowayn.

Gelinkii dambe ama gabangabadii shirka iyado xaajadu ay aad u kululaatay, ayay isbaaristayaashii qalinka oo ku taqasusay khiyaaneynta dadkooda, waxaa ay shucuurta dadko kor u kacsanayd ku qanciyeen si ay u dajiyaan in fanaaniinta qaranka ay hoggaaminayaan Cumar Shariif, Jaajuumow Caddey Cali iyo Iftin daqiiqado kooban u ogolaadaan in ay masraxa heeso ka qaadaan, kolkaaso fanaaniintu imaanshihii ay soo muuqdeenba la arkayay hoolko sacab aan kala go'o lahayn ka sharqamaya, sacabkaaso ku socda fanaaniinta xambaarsan dareenka dadka iyo aaladda ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka afkeena hodanka ah dalku dadku leeyahay.

Gabangabadii daqiiqado ka hor intaan meesha laga bixin, Mr Sagaarey oo saxaafadda uu sheegay in hool dooddoodu ay ku qabsadaan shirka kadib uu isagu soo kireeyay, ayaa Maykaroofanka qabsaday dadkiina u sheegay inay hoolka kale isugu yimaadaan, waxaana saxaafaddii oon biyo isku shubin loo dedejiyey goobtii labaad ee Chief Sagaarey uu u sheegay dadku inuu isagu u soo kireeyay martida inay dooddu ku qaadato.

Laakiin, hoolkaasi kireyntiisu waa qorshe lagu fashilinayay dooddii ay Reer Swedenka iyo martidooda toosan oo markii hore qorshahoodu ahaa inay ku qabsadaan hudheeladooda ay ka deggan yihiin magaalada, waxaana saxaafaddii kolkii ay rakibatay qalabkeedo dhan, lana doonayay dooddaasi in runta la isugu sheego sidii dadka loo badbaadin lahaa ahaydna qorshe ahaan in idaacadaha Koonfurta Soomaaliya toos loogala socdo inta ay socoto yimid dadkii wan wanaagsanaa oo qaarkood fadhiya koox uu wato Mr Sagaarey iyo burcad-qalinleydii waqooyiga Ameerika, waxaana ay saxaafadda u sheegeen in ay kamaraduhu damiyaan samaynayaana wadatashi marka hore, arrintaaso shaki weyn dhalisay.

Daqiiqado kadib, Sagaarey intuu dadkii fadhiyay hor istaagay ku yiri "walaalayaal soo dhowaada, Boras Sweden ku soo dhowaada, waxaan warbixin ka dhageysanaynaa wasiiradeena si ay nooga waramaan xaaladda dalka iyo siyaadaha socda, wax kamarado la duubayana ma jiraan, waxaana halkaasi ka soo muuqatay in qorshihii, ama barnaamijkii bulshadu ay u madlanayd dhan kale uu Chief Sagaarey u raray una rogay, isagoo waji kale la soo baxay, goortaaso rag badan oo ay arrinkaasi ka xanaaqeen si toos ahna ugu sheegeen inay bulshada mar kasta ay dibin daabyo ku hayaan Sagaarey iyo Daalim. una sii afduubnaan doonin.

Ragga sida cad warka Sagaarey meesha uu ka sheegay uga hor yimid waxaa ka mid ahaa aqoonyahan geesi aan runta ka gamban raggii waran rundayn jiray markay xaajadu gaadho "war yaa maali jirayeey," Mudane Aadan C/Nuur oo ku yiri "Sagaarey adiga iyo C/Qaadir Daalim mar kasta waxaad u taagan tihiin lugooyada shacabkan toosan, intaaso dado qowmiyad dhan ka socota adduunka isuga timaadday halkan baad qandaraas Ameerika aad ku soo qaadateen ku fushateen, dadkiina intaad awalkii tiraahdeen meelbaan idin dajineynaa diyaar baan idiin nahay jidadka kaga tagteen, fanaaniintii waad cunaqabatayseen, warbaahintii intaano hawla ummaddii u haysay xitaa waad u quuri weydeen inaad xustaan, hadday ahaan lahayd kuwa jooga dalkii iyo banaankanba, war nimanyahow tani ma aha midaan yeeleyno, waxaan joognaa waddan sharcigu shaqeyntiisu ay sareyso, waxaana idin la tiigsan doonaa maxkamad."

Goobtii Dr Cali Baab oo ahaa madaxweynihii  hore ee Koonfurta Soomaaliya ayaa ka carooday arrinkii iyo rag kale oo fadhigaasi isaga huleelay, waxaana warbaahintu iyana ay duudaabatay qalabkeedi kana baxday xaruntii shirqoolka ay soo maleegeen Proff Sagaarey, Proff Daalim, Proff Maxamed Xaaji Mukhtaar, Proff  Aadan Bataar, Proff C/Qaadir Shariif, Proff Uusbuur, Proff Sahra Maxamed Nuur oo iyada iyo ninkeeda aqoonyahan Aadan C/Nuur sida la sheegay goobtii ku caayeen, waxayna warbaahinta iyo masuuliyintii wada jiray ay wareysiyo aan caadi ahayn ku wada sheegeen hudheel ka mid hudheeladii ay ka dagganaayeen magaalada, iyado ay xusid mudan tahay raggii shirka waddamo kale uga soo qaybgalay shirka badi loo diiday Mikrifoonka inay madasha ka hadlaan halkaa ka dhaqaaqay ka mid ahaa Xildhibaan C/Qaadir Dhegacadde oo ka tirsan xildhibaanada xasaanadda leh ee baarlamanka dowlladda Koonfurta Soomaaliya.

Wareysigii intaan la gaarinba, Madaxweyne Dr Cali Baab waxaa soo wacay, Proff C/Qaadir Cheif sagaarey oo markuu la hadlay warkiisu ku bilaabay "Dr Cali Baab Illaahay ma taqaanaa wareysi ha dhiibin fadlan, sidaasi hana yeelin iyo ereyo la mid ah," isagoona Dr Cali Baab aanu u jawaabin.
Dr Cali Baab saq dhexe habeenkii waxaa la geeyey hudheelkiisi, waxaana 2-dii habeenimo uunku wada jiifo u timid mid ka mid ah hawl-wadeenadii hudheelka, waxayna ku tiri "Mudane hudheelkan cawadaa nala soo wacay oo la kansalay waa inaad iminkadan ka baxdaa, lacagtiisuna kala badh ayaa dhiman aad na siisaa," Dr Cali Baab oo yaaban waagu ku baryay guri ehelo uu yaqaan xiligaasi aanu u dhowayn marti ku ah magaalada iyo waddankaba, oo ay Sagaarey iyo atbaacdiisu casuunteen kuna yiraaheen awalkii isagoo gurigiisi UK jooga "Dr Cali Baab la'aantaada shirkan ma qabsoomi karayo, ee fadlan noo imow, hudheelkaagu waa diyaar iyo fursadaha khudbadahaagi, waxaa loo galay sidaasi.

Dhaxantii ayuu gidaarka afafka hore hudheelka uu sidaasi Dr Cali Baab habeenkii oo dhan ku fadhiyay, waxaana subixii iska soo wacday saxaafadda ku bohowday Koonfurta Soomaaliya oo habeenkii safar shaqo magaalo kale 340 KM meel u jirta Boras si ay isaga soo salaanto salaan sharafeedna ugu soo bariidiso masuulku, waxaana tilifoonka ay ka maqleen Dr Cali Baab oo naag caddaan ah la murmayo oo leh "annigu waa la i casuumay hudheelkana waa lai kireeyay ee waa sidee." iyaduna ay leedahay "Mudane hudheelku waa la kansalay xalay lacagtuna kala badhbaa dhiman, beesada na sii naga tag."

Markii ayay warbaahintu si degdeg ah ay u wacday Dr Amaandhoorey oo dhoof sugayay oo ay dhallinyaro waxtarkiisi wuxuu gudo iyo wuxuu galo og ay sagootinayaan, waxaana arrintii kolkii loo sheegay islamarkii gabadha geesiyadda ah dhiigga leh gabdhaha geeda dheeraatay Marwo Bahjo Cabdi Cali oo maqlaysay warka naxdinta leh inta ay hudheelkii degdeg ula hadashay lacagtii loo haystay Dr Cali Baab ONLINE KU BIXISAY una dirtay gaari nuuca raaxada ah lagu soo qaadayo masuulku keentayna hudheel ka mid ah hudheelada ugu casrisan magaalada, markaaso laabaha dhamaan dadka damiirta leh ay yara dagtay, waxaana shirqoolka intaasi la'eg ee bini aadamnimada ka baxsan maleegay dhabarkana ugu ritay sida waji birnimada leh Mr Chief Sagaarey iyo saaxiibkiisi Mr C/Qaadir Daalim.

Ugu dambeyntii Koonfurta Soomaaliya shacbiga sharafta badan leh ku abtirsada lahaanshiyaha afkooda Mayga iyo dhulkooda burqwaaqada leh, marag ma doonto weeyaan sida muuqaaladu ay caddeynaayaan, inay yihiin dad aad iyo aad iyo aad u wanaagsan cizi iyo karaama leh jecelna horumar kasta asaaggooda dunida guudkeeda ka gaara inay gaaraan, balse waxaa mar waliba tafaha iyo jilbaha haysto qabsada gudagudeeyo kuf kufiya jirjiroolayaal ma naxaan ah cadowga doolka ah ka daran aqoonyahano iyo siyaasiyin sheegta, oo halkii ay xooggoodu aamini lahaayeen iyo muruqooda kuna shaqeysan lahaayeen itaalkooda badan, geesta kale quud uun ka raadinaya dibindaabyeynt dadkooda gartu gasho gartuna ka baxdo, kuwaaso dhibbanayaal nool nool u ah waxa nuucaasi naanaabyada wuxu naaraha ololiyo uga daran nabariga badweyntu.
Lang Iry kii goorii Ideed mykii jiidaaw Sagaarey iyo Daalimna amar Alle Laakiing!!
By: Ustad Adam           

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip