Sooyaalka Khilaafka Jabuuti iyo Eritrea Xog dhameestiran!

0
04 August, 2018 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sooyaalka Khilaafka Jabuuti iyo Eritrea Xog dhameestiran!

    Khilaafka diblomaasiyadeed iyo midka dhulka ah ee u dhaxeeya Dalalka Eritrea iyo jamhuuriyadda Jabuuti waxaa uu salka ku hayaa dano dhuleed iyo kuwo ku saabsan xiriirka labada dal oo xumaaday kaddib curashada damac dal-ballaarsi ah oo lagu eedeeyo Er

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka diblomaasiyadeed iyo midka dhulka ah ee u dhaxeeya Dalalka Eritrea iyo jamhuuriyadda Jabuuti waxaa uu salka ku hayaa dano dhuleed iyo kuwo ku saabsan xiriirka labada dal oo xumaaday kaddib curashada damac dal-ballaarsi ah oo lagu eedeeyo Erateriya tuhun ay dowladda Jabuuti u jeedisay Eritrea oo ku saabsan taageerada Eritrea ee Mucaaridka Jabuuti.

Dagaalkii sokeeye ee Jabuuti una dhaxeeyay Qabiillada Ciisaha iyo Cafarta,waxaa uu qarxay 1991dii, Qabiilka Ciisuhu waxaa uu sameystay Isbahaysiga Isutagga dadweynaha si loo gaaro horumar (Rassemblement populaire pour le Progrès ama RPP) halka Cafarta sameysatay jabhadda dib u soo celinta midnimada iyo dimoqraadiyadda (Front for the Restoration of Unity and Democracy-FRUD)

Hoggaanka dowladnimada Jabuuti ee xilligaas waxaa ku badnaa Qabiilka Ciisaha, taas oo sababtay in Cafartu isu aragtay in aanay dalka wax ku lahayn  iskana weysay golayaasha kala duwan ee dowladda,iyaga oo waliba ku doodayay in tirada dadka dalka ay 58% iyagu yihiin, waxaana Malleeshiyada u dagaallanta billaabeen in ay weeraraan Xarumaha Ciidamada Dowladda Jabuuti.

Dagaalkaas waxaa uu socday muddo saddex Sano ah,Cafarta waxaa ay ku doodayeen in lagu sameeyay midab takoor,loona diiday ka qeybgalka Dowladnimada Jabuuti.

1992-kii Ciidamo Faransiis ah ayaa kala dhexgalay ciidamadii labada dhinac,waxaa ay xabad joojin kala dhex dhigeen dhinacyadii dagaalamayey,waxaana nabaddu jirtay ilaa February 1993dii, markaas oo uu Jabuuti Madaxweyne ka ahaa Ahun Xasan Guuleed Abtidoon,waxaana Ciidamadii Cafarta billaabeen weerar iyo dagaal mar kale.

Xasan Guuleed Abtidoon ayaa billaabay in wadahadal awood qaybsi ah lala furo Cafarta,iyaguna dagaalka joojiyaan, qorshahaas waxaa uu hirgalay December 1994tii, waxaana Ururkii FRUD ee Cafarta aqbaleen awood qeybsiga .

Laakiin qaar ka mid ah Cafarta ayaan ku qancin heshiiska awood qeybsiga ah, waxaa ka mid ahaa Axmed Diini oo Ra’isalwasaare ka soo noqday Jabuuti intii u dhaxeysay 1977kii ilaa 1978,waxaa uu dib u billaabay dagaalkii ilaa laga gaaro May 2001dii.

Markaas oo uu heshiis kale dhacay,waxaa ololihii doorashada ee 1999kii ka qeyb galay Cafarta islamarkaana waxa ay xubno ka mid ah Ururka Cafarta ee FRUD ay ka mid noqdeen Golaha Wasiirrada Jabuuti.

Markaas wixii ka dambeeyay Ururrada FRUD iyo RPP waxaa ay isku raaceen joojinta dagaalka iyaga oo xalka ku raadiyay hab diblomaasiyadeed,waxaana ay doorteen awood qeybsi ,waxaana qodobada ka soo baxay ka mid ahaa in qolo qaadato Madaxweynaha qolada kalena qaadato Ra’isalwasaaraha.

Jabuuti waxaa ay Eritrea ku eedeysay hurinta colaadda labada Ummad iyo in ay si gaar ah u taageertay Cafarta sidoo kalena falalka argagixisada ku fidineysay Soomaaliya, taas oo

Khilaafka Sohdinta ee Jabuuti iyo Eritrea

Kaddib  dagaal socday dhowr bilood ah oo dhexmaray Jabuuti iyo Eritrea Ciidamada Difaaca Jabuuti ee DAF iyo ciidanka Difaaca Eritrea ee EDF ayaa iskula dhacay Jasiiradaha Doumeira iyo  Ras Doumeira.

Dowladda Jabuuti waxaa ay sheegtay in dagaalkaas looga dilay 35 Askari,kuwo kalena looga dhaawacay,waxaa uu dagaalkaas dhacay Bishii June ee sanadkii 2008ddii.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Shirka Golaha Amaanka ee Qaramadaa Midoobey ka sheegay in dowladdiisu ay dagaalka sii wadeyso haddii Qaramada Midoobey aysan xal ka keenin khilaafka Soohdinta ee Eritrea iyo iyada u dhaxeeya.

Eritrea waxaa ay beenisay in ay dhul ka heysato Jabuuti,Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey waxa uu ku baaqay wadahadal,xabad joojin iyo in Ciidamada la kala qaado.

Qaraarkaas waxaa uu tirsiguusu ahaa 1862,waxaana soo baxay 2009kii,Dowladda Jabuuti waa ay soo dhaweysay waxaana ay Ciidankeeda kala baxday dhulkii lagu dagaallamayay,hayeeshee Eritrea ayaa diidday in ay Ciidankeeda la baxdo ,kulan kale oo ay arrintan ka yeesheen Golaha amaanka ayey ku meel mariyeen qaraar tirsigiisu ahaa 1007, sanadka 2009,waxaana cunaqabateyn lagu saaray Eritrea,qaraarkaas waxaa uu Eritrea ku canaantay in ay diidday dhex dhexaadinta Qaramada Midoobey ee iyada iyo Jabuuti iyo in ay door muuqda ku leedahay dib u dhigidda nabadda Soomaaliya oo ay kooxaha qaar taageereysay.

Eritea waxaa ay 19 muwaadin oo shacab iyo Askar  Jabuutiyaan ah ku qabsatay dagaalka dhexmaray labada dhinac oo dhacay 2011kii.

Saameynta dhaqaalaha iyo siyaasadda ee dagaalka labada dal.

Inkasta oo uu joogsaday dagaalkii dhulka ahaa ee labada dal,haddana saameynta xayiraadaha Eritrea waxaa ka faa’ideysatay Jabuuti oo qaadatay qodobo istiraatiijiyad siyaasadeed  oo ku wajahnaa afar qodob.

  1. Dagaalkii Eritrea iyo Itoobiya ee 1998dii ilaa 2000, kaas oo hoos u dhigay collaadda xadka labada dal
  2.  Isbeddelka dhaqaalaha gudaha ee Dalka Itoobiya oo dhinaca Jabuuti u jiheystay,
  3. kaddib weerarkii 9/11 ee Mareykanka waxa uu horseeday in Mareykanka saldhig Ciidan ka furto Dalka Jabuuti
  4. Ololaha la dagaallanka Burcad badeedda Soomaaliya waxa ay Jibuuti u ahayd fursad ay ku kasbatay saaxiibo badan

Jabuuti waxaa ay fursado waa weyn ka heshay khilaafka Sohdinta ee Eritrea iyo Itoobiya,waxaana Ganacsiga Caalamiga ah ee ku wajahan qasab noqotay inuu maro Jabuuti,waxaa sare u kacay Ganacsiga u dhaxeeya Jabuuti iyo Itoobiya, dhinaca kale Jabuuti waxaa ay xiriirka diblmaasiyadeed u jartay Eritrea,waxaana ay xiriir gaar ah la yeelatay Itoobiya.

Saldhigga Ciidanka Badda ee Faransa ka furatay Jabuuti,waxaa uu horseed u noqday in Jabuuti la kulanto cabsi gelin dibadda ah,iyada oo tiro ahaan Carabtuku yartahay Jabuuti haddana waxaa ay ku dhawaaqday ka mid noqoshada Jaamacadda Carabta oo ka dhigeysa dal carbeed,waxaana ay ku yeelatay door muuqda.

2002dii Ciidamo Mareykanka ah ayaa degay Jabuuti oo ku taalla goob aad istiraatiiji u ah,waxaa uu Mareykanka halkaas ka billaabay dagaalka ka dhanka ah waxa uu ugu yeero Argagixisada, Jabuuti waxaa ay halkaas kala qabsatay saaxiibtinimada Mareykanka,waxaana ay xubin ka noqtay dagaalka ka dhanka ah argagixisada,Mareykanka ayaa furtay Saldhigga Camp Lemonnier, oo horay u ahaa saldhig Milatariga Faransiisku lahaan jiray.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2017 Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socday Qadar ayaa isaga baxay sohdinta Eritrea iyo Jabuuti,arrintaas waxaa ay walaac gelisay Jabuuti Markii ay Eritrea billowday dhaq dhaqaaq ciidan.

Jabuuti wasiirkeeda arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf ayaa Shirka Golaha Midowga Afrika waxaa uu ku dalbaday in Ciidamo dhex dhexaad ah la geeyo Sohdinta,taas oo aan wali dhicin.

Soomaaliyeynta & Tifaftirka Aadan Ibraahin Faarax



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip