FASHILKII Gudoomiyaha Golaha Badbaadada k/Galbeed Soomaalia Waa Siday Hadalka U Dhigeen Dad Goobjoogayaal

0
04 August, 2018 in by Adam Increase
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FASHILKII Gudoomiyaha Golaha Badbaadada k/Galbeed Soomaalia Waa Siday Hadalka U Dhigeen Dad Goobjoogayaal

    FASHILKII Gudoomiyaha Golaha Badbaadada K/Galbeed Soomaaliya Shirkii Boras Qalinka hadla waxaan u qaatay in aan ku qaadaa dhigo oon ku gorfeeyo qaabkii & wixii Ka dhacay shirkaasi oo aan magaciisa iyo ujeedkiisu is lahayn ee lagu Khalday Jaall

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FASHILKII Gudoomiyaha Golaha Badbaadada K/Galbeed Soomaaliya Shirkii Boras Qalinka hadla waxaan u qaatay in aan ku qaadaa dhigo oon ku gorfeeyo qaabkii & wixii Ka dhacay shirkaasi oo aan magaciisa iyo ujeedkiisu is lahayn ee lagu Khalday Jaalliyadaha Koonfurta Soomaaliya ee Qaaradda Yurub . Hadii aan soo koobo qaabka guud ee shirka Alif-Maayga iyo Dhaqanka loogu magacdaray ee Wadanka Sweden Magaalada Boras 28—–29/7/2018 ,ugu horeeyntii shirkaasi waxaa soo qaban-qaabiyay NGO-yadaan:-

1-Golaha badbaadada k/galbeed

2-CPDI

3-Sahal Foundation , dhamaan ka soo qeeyb galayaashii shirkaasi waxeey ku jahwareereen Tabeelooyinka goobta lagu xardhay , markiiba waxaa abuurmay guuxa ka soo qeeyb galayaasha , badankooda Dadka madasha joogay waxey ahaayeen Aqoonyahano iyo siyaasiyiin aan si fiican u garanaayo & Bulshada rayidka oo xamaasad xambaarsan.

Runtii waxaa markiiba ii soo if baxay in uu jiro is faham waa kaasi oo salka kuhaayay Danaha NGO-yada ay wateen iyo Qiirada ka sooqeeyb galayaasha in ay keeni doonto isku dhac.aan cadeeyo waxa dhacay guud ahaan , shirkaasi waxa uu ahaa mid loogu hadlaayay qaabka Dib-u heshiisiin loogu sameeyn karo wadamada ay Dagaalada sokeeye ka dhaceen ee ma eheeyn mid ku qotomo magaca loo bixiyay intaasi ka dib Bulshadii ka soo qeeyb gashay shirka Boras Waxaa ku dhacay Jahwareer , shirka ma eheeyn mid siyaasadeed kaliya wuxuu ahaa shir Danleey NGO-leey wataan .

Hadaba maxaa meesha ka dhacay Qaban-qaabiyayaashii shirkaasi ee iyaga martida loo ahaa naftooda ayaa kala ujeedo ahaa waayo mid waliba Dan ayuu watay prof. Dhaalib & prof.sagaareey mar hadiiba aysan isku jiho u soconin qaban-qaabiyayaashii ay u igmadeen saaxibadooda Hab-maamuuska hufnaanta shirka waxa dhici karo oo la Fishaa waa FASHIL.

Dadkii ay soo casumeen uma aysan Fulinin qaabkii ay u marti qaadeen mana sameeynin maamuuskii ay lahaayeey taasina waxeey ka mid tahay masuuliyad darada , waa garan karnaa shirka waxaa isugu yimid siyaasiyiin , wariyayaal ,Fanaaniin , dhamaan waxeey ka duulayeen habkii wax loogu soo sheegay oo ahaa sida cinwaanka shirka ahaa in laga doodo Qaab Qoraaleed Farta Af-soomaali maay ay yeelaneeyso, si kasta ha ahaado fashilka ugu weeyn waxa uu dhacay galinkii danbo maalintii labaad ee shirka dhamaaday Dr, Cali Cabdi Baab oo aan ognahay in uu yahay shakhsiga kaliya khalad iyo sax ummadda u hadlo warbaahinta aad ugu muuqdo markii uu abaabulay kullan uu la qaadan lahaa Dhalinyaradii ka kala yimid Yurub , sida aan la socono kulankaasi in aay iyagana ka qeeyb galeen siyaasiyiin oo wasiiro hore ahaa , ka soo qeeyb galka siyaasiyiintaasi iyaa Buuq ka dhashay ka dib markii ay codsadeen in ay wariyayaasha damiyaan kaamirooyinkooda taasi waxeey keentay Dr, Baab in uu si weeyn ugu biyo diido ka dib maxaa dhacay Gudoomiyaha Golaha Badbaadada k/galbeed ahaana Gudoomiyahii habmaamuuska shirkii Boros in uu ula dhaqmay Dr, Baab oo si khaas ah isaga marti ugu ahaa in uu kula dhaqmay si waxashnima ah Waa sida hadalka u dhigay .

Hadaba hadii Gudoomiyihii Golaha Badbaadada yahay prof.Cabdulqaadir Dhaalib sidee yihiin Xubnaha golahaasi , ma dhihi karnaa Golahaasi Badbaadin mise magaca ayaad u heeysaan………..akhristayaasha ayaan u dhaafay…!

Ila xada ka ma soobixin warsaxafadeed shirkaasi ka dhacay boras

Hadaba koox Dhaqankooda Sidan yahay Ma Lagu aamini Karaa Masiirka Shacabka iyo Deeganada koonfur galbeed Soomaaliya?

Mohamed Wadani




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip