BULSHADAABA BOGAADISAY TIRINA BOQORADDA WAYN NOOGU SALAAMA BAHJA CABDI CALI BAHJA BADBAADISO!!

0
07 August, 2018 in by Adam Increase
  • Visits: 1374
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    BULSHADAABA BOGAADISAY TIRINA BOQORADDA WAYN NOOGU SALAAMA BAHJA CABDI CALI BAHJA BADBAADISO!!

    Fariidnimadu ma ahan wax iska doon doon ah, balse waa wax loo dhasho kartida iyo dadnimadu, kumana xirna ahaanshiyaha abuurka lab iyo dhaddig toona sida laga helayo baalasha taariikhda maguuraanka ah dunidan guudkeeda waaya badan aadanuhu ku soo nool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fariidnimadu ma ahan wax iska doon doon ah, balse waa wax loo dhasho kartida iyo dadnimadu, kumana xirna ahaanshiyaha abuurka lab iyo dhaddig toona sida laga helayo baalasha taariikhda maguuraanka ah dunidan guudkeeda waaya badan aadanuhu ku soo noolaa, waxaa bogagga cibarka guulaystay dadka loo shintiriyo libintooda magaca wanaagsan laga dhex helayaa qarnigan casriga ah gabadha gabdhaha geedaha dheeraatay gaariyadda ah gobanimada sharafka cizigiyo karaamada cimaamadaha boqran la dul huwiyay Bahja Cabdi Cali (Bahja-Bad-Baadiso) oo noqotay gabadh mudan in billad sharaf geesinimo uunko idil intay isu yimaadaan fagaarayaasha lagu soo qulqulay ku siiyaan madal furan, iyadoona weliba loogu darayo mahadsanid, maadaama ay noqotay gabadha sanadka geeska Afrika ay naxariista bini-aadamnimadu ka gaadhay heerkii ugu sareeyay uu aadane ka gaari lahaa taariikhda guurguurta dunidan gabidhaclaynteedu badan tahay daraanteeduna u wareegta sidii shaag ama taayir ku xiran baabuurta dheeraysa sida Four Wheel Driver geerkii shanaad loo baddalayo xawaaraheeduna nalka guduudan biliglaynayo 180 loo jiifiyay saacaddu jarayo 180 KM masaafadu.
Sida la ogaaday qof waliba intuu gaystay ayuunbuu godka la galayaa, ixsaan sheeggaase la isku dhaafay, Bahja Bad-Baadiso taariikhdeedan kooban waxaa ay ku dhalatay magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay dhacda Koonfurta Soomaaliya, waxaana ay waxbarashadeeda inta badan ku soo qaadatay dalka Sweden oo ay haatan ku nooshahay, waxay in badan u dhaqdhaqaaqdaa kaalmaynta bulshada rayidka gudo iyo debedba, waxaa ay kaalin furinfircoon ka cayaartaa ooy door muhiim ahna ku leedahay nabadaynta guud ahaan dalka Soomaaliya, waxay aad ula dagaalantaa isquuska iyo takoorka ku caanka ah Soomaalida, waxay ku dadaashaa dhaqaale u helidda shacbiga Soomaaliyeed dalkii ku sugan si loogu taageero ummaddanu u hesho hanaan aas aasi aho fadhiya abaddiyan dadku kaga bixi karayaan rafaadka iyo shaqo la'aanta amni-daradu u wayntahay jahliguna susuma.
Gabadha kartidaas leh oo maraan dhawaynba hawlaheeda samafalka si iqlaas leh isaga wadatay, ayuunbay saxaafaddu ku soo baraarugtay shirkii horumarinta Afka Soomaaliga Maayga iyo Maxaga magaalada Boras dalka Sweden la isugu yimid 28-kii bishii July 2018, kadib kolkii wufuuddii shirkaasi lagu casuumay ay qabanqaabayaashii shirkaasi sida Proff Sagaarey iyo Proff Daalib ay wajiga u baddasheen martidii ayako afkoodu ku casuunteen dadku maalin kadibana ay hudheeladii ay dagganaayeen uga baxeen bixinta qarashaadkii.

Dadka martida ahaa sida xun loo galay intooda badan iska aamusay, ayaa waxaa arrinkaasi warbaahintu ay si lama filaan ah xaaladda ula kulantay madaxweynihii hore 6-da Gobol Dr Cali Cabdi Baab oo isagu 2-dii habeenimo saq dhexe hudheelkii uu magaaladaasi ka dagganaa Mr Sagaarey iyo Daalim isagoon ogayn banaanku layrsi ugu maqan yahay ay ka kansaleen lacagana ku gooyeen musaafurkii isagoon marnaba loo sii digin, taaso keentayna Dr Cali Baab bartmaha habeenkii goortuu hudheelku soo galay dadkii cddaanka hudheelka lahaa inay boorsooyinkiisi banaanka ay u soo dhigeen lacagana faraqa loo qabsaday isagoon xiligaasi sidaasi ku tashan qofuu yaqaan ka agdhowna ayan jirin looguna hanjabayo in bilayska gacanta loo galin doono, sidaasina ay saxaafaddu intay ogaatay ay Dr Amaandhoorey oo dhoof ahaa u sheegiddii ay u sheegtayba xaaladdu, Bahja Bad-baadiso la fadhiday kolkaasi, ay islamarkiiba tilifoonka ku garaacday hudheelkii xaaladda cakiran ay ka taag taagnayn.

Isla markii ay Bahja Bad.-Baadiso wacday hudheelka, waxaa ay 1 daqaaqad wax ka yar lacagtii Dr Cali Baab loo haystay ku shubtay qaab ONLINE ah, iyadoona gaawri farabadan u dirtay masuulku, keentayna hoygeeda casriga ay ka daggantahay magaalada Gotenburg, taaso noqotay arrin ugub ku ah bulshada geeska Afrika, in gabadh ay shafka u garaacato masuuliyadda intaasi la eg qabatana waxay qaban waayeen niman feera waawayn badano dhooban daafaha adduunka aalaabana ku fulin oo kaliya jub iy jurdhuq, yacnii buuran buuran caga balaaran, nina maha, naagna ma aha, waa naanaabad is-nacday.
Waxqabadka iyo gurmadka qariibku ay u fidisay kaliya kuma ekayn Dr Cali Baab, waxaa ay Bahja Bad-Baadiso meeshaado siday rabeen sida u roon u sameysay dhallinyaro fara badan isugu jira rag iyo dumarba, kuwaaso aan muhiim ahayn in magacyadooda halkan laga xuso, waxaa ay gabadhani meel ku soo hubsatay xaaladda fanaaniintii masraxa shirkii la afduubtay inay ka heesaanba loo diiday oo ay geesiyaddu qolyihii mooryaan-qalinlaydu ahayd ku khasabtay inay fanaaniintu fuulaan masraxa heesahana ka qaadaan si aan cabsi lahayn, iyadoona aakhiritaankii sheedda ama kor kala socotay xaaladahooda nololeed iyo jiifba.
Sida runta ah, wax qabadka Bahja-Bad-Baadiso iyo doorka ay samafalka bulshadu ka cayaarayso, waxaa fahmi karaya qura kana sheekayn kara ruuxii shirkii Boras Sweden xaadir ku ahaa arkayayna sida xun ee wuxuushnimada leh loola dhaqmayay martisharaftii soo ajiibtay kalafadhiga doodihiisu laga sugayay natiija ahaan in farta rasmiga ah ee Alif-Maayga Soomaaliga si (official) furan loogu dhawaaqo xarfo la isla qaatay buugaagta kolka la qorayo iyo iskuulaadka loo adeegsanayo.
Guntii iyo gabangabadii Warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaadna loo yaqaan Southern Mdia Co-Operation, waxaa ay isha ku soo dhufatay qalinkeeda kahor in Marwo Bahja Cali Cabdi (Bahja-Bad-Baadiso) ay ku biirtay diiwaanka dahabiga ah magaceedana in lagu xardho mudan halka lagu qoro dadka loo tiriyo inay insaaninimadu ka gaareen heerka ugu sareeya caalamiga ah loona baahan yahay in gabadhaasi loo dhiso taallo aad u wayno dheer dhakada kaga yaal xarfaha magaceeda midaba midabaysan dooggu aan ka marnayn, si loo tuso jiilka soo koraya waxqabadkeeda saliimka ah shalax shalaxda leh.
Lafta geela badha gabadha bareejaysay misna baga ku dhaaftay waa Bahja Bad-Baadiso boqoradii hablood amar Alle laakiin!!
By:Ustad Adam





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip