Sucuudiga oo soo celiyay Markab waday Xoolo laga dhoofiyay Boosaaso

0
08 August, 2018 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga oo soo celiyay Markab waday Xoolo laga dhoofiyay Boosaaso

    Wararka naga soo gaaraya Dalka Sucuudiga waxaa ay sheegayaan in dowladda Sucuudiga ay soo celisay mid ka mid ah Maraakiibta Xoolaha ka dhoofisay Xeebaha Soomaaliya .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Dalka Sucuudiga waxaa ay sheegayaan in dowladda Sucuudiga ay soo celisay mid ka mid ah Maraakiibta Xoolaha ka dhoofisay Xeebaha Soomaaliya .


Markabka ayaa la sheegayaa in uu wado 30,000 (soddon kun) Neef oo Ari ah,kuwaas oo laga dhoofiyay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Maamulka Puntland.

Ilo ku sugan Sucuudiga ayaa xaqiijiyay in Xoolahan looga shakiyay cudurka Rifti faaliga,sidaas darteedna uu Sucuudiga iska diiday.

Markabka ayaa la sheegayaa in uu ku wajahan yahay Dekadda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari halkaas oo uu markii hore ka baxay.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga wali si rasmi ah ugama hadlin arrintan soo korodhay iyada oo dowladda Sucuudiga dhawaan uu xayiraadda ka qaadday Xoolaha Soomaaliya.

in ka badan 2milyan oo Xoolaha Soomaaliya ah ayaa sanadkan loo dhoofiyay Sucuudiga kuwaas oo inta badan laga dhoofiyay Dekadda Magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip