Khilaaf ka taagan Xafiiska Hanti dhowraha Guud ee Qaranka,iyo Ku xigeenkii oo la Amray in shaqada laga joojiyo!

0
09 August, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf ka taagan Xafiiska Hanti dhowraha Guud ee Qaranka,iyo Ku xigeenkii oo la Amray in shaqada laga joojiyo!

    Khilaaf Xooggan oo ka taagan Xafiiska Hanti dhowraha Guud ee Qaranka, kadib markii uu muran la xariira habka Maamulka shaqada loo maamuli lahaay kiisas xafiiska yaala-aay isku maandhaafeen Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye oo xilk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf Xooggan oo ka taagan Xafiiska Hanti dhowraha Guud ee Qaranka, kadib markii uu muran la xariira habka Maamulka shaqada loo maamuli lahaay kiisas xafiiska yaala-aay isku maandhaafeen Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye oo xilka haya muddo sanad ah iyo Cali Abuukar Axmed ku xigeenka Koowaad ee Xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka.


­Cali Abuukar Axmed ku xigeenka Koowaad ee Xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka waa aqoon yahan leh in ka badan 40 sano khibrad maamul dowladeed  waxaana uu ka horyimid hababka loo maray kiisaska qaar oo muuqday kuwa fudeed ku jiray iyo in la beegsaday shaqsiyaad gaara halka kuwa kale oo loo baahna in baaris lagu sameeyo aan lagu sameyn sida ilo wareedkan aan helnay sheegayo.

Arrintaasi  muranka la xariirta ayaa keentay in saakay la isku dayo in shaqada laga celiyo ­Cali Abuukar Axmed ku xigeenka Koowaad ee Xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka iyadoo warqad laga dhigay Albaabka shaqada balse ugu danbeyn Cali Abukar Ciidanka shaqada joogay ayuu ku wargeliyay in shaqadooda gutaan  ilaaliyaana sharciga shaqadana uusan ka hor istaagi Karin Maxamed Cali Afgooye.

Kadib doorashadii Maxamed Cabdullahi Farmaajo dalka waxa ka dhacay is qab qabsi dhaliyay in Hay’aydaha qaar sida la rabay u shaqeyn waayan ,khilaafka ayaa inta badan ka yimaada Xukumadda Raysulwasaare Xasan Cali Kheyre.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip