Fahad Yaasin oo Wasiir Ducaale xil ka qaadis la damacsan iyo Kheyre oo diidan Xogmuhiima!

0
10 August, 2018 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fahad Yaasin oo Wasiir Ducaale xil ka qaadis la damacsan iyo Kheyre oo diidan Xogmuhiima!

    Fahad Yaasin Xaaji Daahir oo ah Agaasimaha Madaxtooyada, balse dadka uyaqaannan milkilaha Dowladda uu hoggoomiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Raysulwasaare Xasan Cali Kheyre u diray fariin ah in si deg dega ubadalo Wasiirka Wasaaradda Amniga Guda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fahad Yaasin Xaaji Daahir oo ah Agaasimaha Madaxtooyada, balse dadka uyaqaannan milkilaha Dowladda uu hoggoomiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Raysulwasaare Xasan Cali Kheyre u diray fariin ah in si deg dega ubadalo Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumada Somalia Xildhibaan Maxamed Abuukar Islaaw "Ducaale" sida ila wareedyo muhiima xaqeejiyeen.


Wasiir Xildhibaan”Ducaale’ waxaay saaxibo dhow yahiin R/wasaare Kheyre balse lama oga sababta ka danbeeysa in Fahad Yaasin oo la rumeysan yahay in qofkii uu doono xil u dhiibta, midku rabana ka qaado, amarka deg dega ah ee uu amray in xilka loogu qaado Wasiirka .

Wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Ducaale, diiday awaamir uu faray Fahad Yaasin Arrintaasina keentay in R/wasaare Kheyre lagu amro in si deg dega xilka loogu qaado ,hasa yeeshe R/wasaare Kheyre oo ku dhaarta shibanaha Wasiiradda ahna masiibada aamusan ee kooxda la baxday Nabad iyo Nolol ayaa aqbalin in xilka laga qaado iyadoo Madaxweyne Farmaajo soo jeediyay in xilka laga qaado maadama Milkaha Dowladda Fahad Yaasin Amray in xilka laga qaado.

Waxaa si weyn Shacabka waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ugu naxsan yahiin nidaamka Dowladnimo ee Dalka oo u muuqda mid lagu sii ridaayo hog-dheer oo ay adkaan doonto sida lagu soo celiyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip