Farmaajo oo Juxa u sharaxay Madaxweynaha Puntland Xurgufta ka dhaxeeysa Gaas iyo Farmaajo halkee ka soo bilaabatay ?

0
11 August, 2018 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo Juxa u sharaxay Madaxweynaha Puntland Xurgufta ka dhaxeeysa Gaas iyo Farmaajo halkee ka soo bilaabatay ?

    Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa u sharaxay xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa u sharaxay xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland.


Madaxweyne Farmaajo iyo qolada la baxday Nabad iyo Nolol ayaa isku raacay in lacagta ugu badan lagu baxiyo sidii Madaxweynaha Maamulkaas loogu dhigi lahaay Cabdi Faarax Juxa meeshana laga saaro damaca Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo markale u taagan xilkaasi.

C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa xariirkooda xumaaday gaarayna in aan salaanta la iska qaadin hadii la iska qaadana, aan la isku qalbi furnaan wixii ka danbeeyay markuu Dr. C/weli Maxamed Cali oo xiligaas ahaay R/wasaarahii Dowladdii KMG Aheyd ee uu Madaxweynaha ka ahaay Mudane Sheekh Shariif sh axmed sheegay in Xukumadda isaga ka horeysay ee uu R/wasaaraha ka ahaay Farmaajo lunsatay lacago xiligaas lagu soo eedeyay Xukumadda xili aay soo dhoweyd doorashadii 2012 taaso uu ka seexan waayay Madaxweyne Farmaajo si weyna ugu xumaaday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Gaas golahiisa Wasiirada ku soo daray marku ahaay R/wasaaraha Xukumadda KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isaga oo ka dhigay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga maadama aay wada deganayaan hal magaalo oo kamid ah Dalka Maraykanka oo aay kawada yimideen.

Farmaajo oo iska casilay Xilka R/wasaare kadib cadaadis xiligaas ugu yimid Gudoomiyahii Baarlamaanka Dowladdii KMG aheyd Shariif Xasan Sheekh Aadan khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay kadib waxaa xilkaasi Madaxweyanahii Hore soomalaiya Shariif sh axmed R/wasaaraha cusub u magacaabay Dr. C/weli Maxamed Cali oo ka mid ahaa Xukuumaddii hore ee R/wasaare Farmajo .

Madaxweynahii Hore Dowladda KMG aheyd Sheekh Shariif ayaa sheegay in inuu yahay Dr. C/weli Maxamed Cali shakhsi lagu soo xulay aqoon iyo inuu dalka ka samata bixin karo xaaladda adag ee uu marayo markii uu ka codsaday xubnaha baarlamanka inay ansixiyaan xiligaas.

Waxaa Qoray Nor Ismail Sheikh




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip