WAA KUMA AADAN C/NUURKA PROFF SAGAAREY IYO DAALIB AY KU TIMAAMEEN INUU NIN WAALAN YAHAY LAAKIIN!!

0
11 August, 2018 in Maqaallo by Adam Increase
  • Visits: 860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    WAA KUMA AADAN C/NUURKA PROFF SAGAAREY IYO DAALIB AY KU TIMAAMEEN INUU NIN WAALAN YAHAY LAAKIIN!!

    Safarkii sanadkan saxaafadda midowday ay ku gaadhay magaalada Boras ee dalka Sweden wuxuu ahaa mi dtaariikhda galay wax badana lagu soo kala bartay, sida uu tilmaamayo waaqicii halkaasi ka jiray ooy warbaahintu kamaradheedu ku soo duubatay qalamaante

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safarkii sanadkan saxaafadda midowday ay ku gaadhay magaalada Boras ee dalka Sweden wuxuu ahaa mi dtaariikhda galay wax badana lagu soo kala bartay, sida uu tilmaamayo waaqicii halkaasi ka jiray ooy warbaahintu kamaradheedu ku soo duubatay qalamaanteeda lugeeyana ay qayb qayb qablanka u qorayaan si aan xadgudub lahayn.

Maalintii Sabtida ahayd 28.7.2018-ka shirkii horumarinta afkeena Soomaaliga Maayga iyo maxagu uu ka furmay isla magaaladaan kor ku soo xusnay ee Boras, kadib kolkii habsamada ama hanaanka shirka sidii awal dadka loogu sheegay waji aan ahayn ka soo qaybgalayaashii ay kala kulmeen, waxaa jiray in dadka martida ah iyo qaar ka tirsan martigeliyaashuba ay u soo dhowaadeen si ay isugu dayaan warbixin xaqiiqda ku fadhida khusaysa shirka inay la wadaagaan.


Mudane Aadan C/Nuur oo ah aqoonyahana Soomaaliyeed rayid ah urur siyaasadeed iyo mid gaar loo leeyahay toona aanu ku jirin siduu afkiisa ka sheegay, ayaa maalintii koobaad ee shirka markuu soo idlaaday, waxaa uu la istaagay dhamaan warbaahinta meel u dhow hudheelkii ay magaalada ka dagganayd iridkiisi, waxaana isla waqtigaasi Mr Aadan uu la taagnaa suxufiyinta uu u wayn yahay Dr Amaandhoorey isha ku dhuftay qaar ka mid ah abaabulayaasha shirka Mudane C/Qaadir Chief Sagaarey iyo Mr C/Qaadir Abuukar Daalib oo goorahaan loogu yeero C/QAADIR DAALIM.
Tani kolkii ay dhacday, waqti sidaasi aanba u badnayd kala taggii suxufiyinta iyo Aadan C/Nuur, waxaa wariyaasha u yimid tiimka MAAFIYADA AH Proff Sagaarey iyo Proff Daalim, waxaana ay raggii warfidiyeenada ahaa ay u sheegeen in AADAN C/NUUR UU YAHAY NIN WAALAN, iyagoona hadalkooda jiritaankiisa ku sii adkeeyay in Aadan kolka uu dadka la hadlayo uu GADAAL U SIGSIKADO.
Sida runta ah beeni waa xaaraane, warbaahintii tuhun ayaa galay, waxaana ay wariyayaashii ay isweydiiyeen ninka Aadan ah inay waalidiisu wax ka jirto ay caddaynayso inuu gadaal u dur durkayo marka uu nala hadlayay, arrinkaaso shakigiiisu uu taagan yahay, ayaa maalinkii labaad fashilkii ugu waynaa ka dhacay shirkii maafiyadu ay afgambisatay, kolkaaso la arkayay Mudane Aadan C/Nuur oo si geesinima leh intuu u soo istaagay runta ka sheegay bulshada dhexdeeda.
Kolkay shirkii bilow iyo dhamaadba ay Sagaarey iyo Daaliib iyo waliba burcad-qalinleydii waqtooyiga mareykanka ka timid ay shirkii afduubteen aqoonyahan Aadan C/Nuur waxaa uu yiri "waryaada kaalaya, Sagaarey adiga iyo Daalib ummadda waad lugoyseen, afduub ayaan nagu qabsateen, waxa dulliga iyo iskadabawareegga bulshada ku wada waa adinka, ogaada waxaan joognaa dal sharcigu aanu ka hurdin fulino shaqaynaya leh, ma idiin afduubnaan doono, maxkamad ayaana idin la fuuli doonaa," hadalkaaso goortuu dhahay Mudane Aadan la arkayay Proff Sagaarey iy Daalib oo noqday sidii dooro biyo ku dhacday oo kale oo naxdintay naxeen hadalkaba ka soo bixi waayay, kolkaaso bulshadii goobta fadhiday iyo warbaahintuba u caddaatay aqoonyahan Aadan C/Nuur inuusan ahayn iyo waxa ay ku sheegayeen iyo wax u dhow toona, balse dhihidda ay oranayeen Aadan inuu waalan yahay ujeedkoodu ahaa inay dadku ka fogeeyaan, bacdama masuulku aad ula socday xogtooda khayaanaday maleegayeen iyo beenta siyaadada ah ay sandareertada ku dhacsanayeen si aan loo sii ogaan waxay walaaqayeen.
Gunti iyo gabangabadii, xaqiiqdii kolkii ay u soo iftiintay, si ay iyana bulshadeeda ugu sii iftiimiso runta iyo xaqa, warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya waxaa ay safar dheero gaaraya 68 KM ay u gashay sidii ay u heli lahayd aqoonyahan Aadan C/Nuur, kaasoona kulankii ay saxaafaddu la kulantay wareysi aad u miisaaman ka soo qaadday mudanuhu, wareysigaaso aad kaga bogan kadhaan bogga hoose dhamaan warbaahinta qormooyinkeeda Illaahay idamkii.
Dhux dhuxna laguma soo jiidi karo buur dhadhaaba ah, dhulna dhul ka culus wax hees lagu dhagriyo dhaanis gabareed amar Alle laakiin!!

By. Ustad Adam

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip