UL TOOSAN OO TUBTA TAALLA WIXII LOOGA TAGAY AYAY QABTAA LAAKIIN!!

0
11 August, 2018 in by Adam Increase
  • Visits: 1217
  • (Rating 4.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    UL TOOSAN OO TUBTA TAALLA WIXII LOOGA TAGAY AYAY QABTAA LAAKIIN!!

    Kadib wararkii ka soo yeeray Malaaq Xasan Shure, iyadoo ay hareero fadhiyaan Xildhibaano koonfurta Soomaaliya u matala Baarlamaanka Federaalka iyo midka koonfureedba, kuwaa oo ahaa kuwa uu soo adeegsaday hoggaanka koonfurtu madaxweyne Shariif Xasan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib wararkii ka soo yeeray Malaaq Xasan Shure, iyadoo ay hareero fadhiyaan Xildhibaano koonfurta Soomaaliya u matala Baarlamaanka Federaalka iyo midka koonfureedba, kuwaa oo ahaa kuwa uu soo adeegsaday hoggaanka koonfurtu madaxweyne Shariif Xasan, runtii hadalkaasi oo ah fal-dambiyeed ay u bareereen xildhibaanadaasi, falkaasi oo ah dhiiri-galin colaadeed, ayaa waxaa ka soo baxaaya jawaabo aad u kul-kulul oo ka ka imaanaaya qaybaha bulshada koonfureed ee dalka iyo dibaddiisa, kuwaasi oo dhamaantood fal-celintooda ay isku mid ahayd, iyagoo ku muujinaayay sida ay ugu xumaadeen hadalkaasi dhiillada xambaarsanaa ee ka soo baxay Madaxtooyada koonfurtu. Aqoonyahanada waxa ay sheegeen hadalkaasi in uu yahay Fal-danbiyeed iyo waliba wax dhuminayaa kalsoonidii jilicsanayd ee ay reer koonfurku wuxu ku qabeen, iyadoo labaraalase Malaaq Xasan Shure ay ku eedeeyeen in uu waxba ka qaban waayay arintii naxdinta lahayd ee dilkii Rabbi ha u naxariisto Marxuum wasiir Cabaas Siraaji ee uu Malaaq Xasan Shure u yahay Malaaqii Marxuumka rawaxay. Hadaba odayaasha sharafta leh ogaada waxaad tihiin marjicii ummadda haday is qabsato usoo noqon lahayd, ma idinku fiicna in aad garab la safataan, waxaan wada ognahay Shariifka qaabkii uu ku yimid, iyadoo ay diiddan yihiin reer koonfurku iyo waliba kaalintii qadarinta lahayd ee uu ka soo qaatay Malaaqa Xasan Shure, si walba haku yimaado 17/11/2014-ka. Guud ahaan deegaanada Koonfurta Soomaaliya wax dhib ah kama jirin, gaar ahaan wadooyinkiisa iyo isku socodkooduba, iyadoo sidaa ahayd ayuu yimid Maamulka Ku-meel-gaarka Koonfureed haatan dabada oogan waqtigiisuna dhamaaday, iyadoon shacabka raali ka ahayn, balse ay awood iyo dan ku khasabtay danina waaba seeto siduu ku hadaaqay hadalkii raagay ee Soomaaliyeed, waxaa la hubaa shakhsiyan in aan loo nacbanayn Shariifka laakiin waxa laysku haystaa ay yihiin xisaabtan, muxuu qabtay oo maamulka Shariifka intii uu jiray, waxaan u arkaa in aysan ceeb aanay ahayn oo cid walbo masuul ah xisaabtaan la weydiinaayo ayna xaq tahay in la weydiiyo.

Hadalada Malaaq Xasan Shure iyo kuwa ku jira Maamulka Kumeel-gaarka koonfurta Soomaaliya ee ka hadlaaya wax qabadkii hoggaamiye Shariif Xasan ka isbaarooyinka sheeka Ku leh, waxay ku soo koobeen guryo gaa-gaaban ayuu dhisay oo la dhaho madaxtooyo. Noole kastaa waxa ugu horeeya uu dhistaa waa hoygiisi waxa ee uu qabanaayo, ileen qofka kaligiis meel cidla ah ma dagi karayo. Waxay yihiin waxa lays warsanayo wax horumar ah la ee taaban karayo, maamulka muxuu qabtay waan aragnaa dhinacyada amniga, amaanada, adeegyada aas-aasiga muxuu ka qabtay, taasi baddalkeeda wuxuu lumiyay kalsoonidii iyo wada-jirkii shacabka Koonfureed, maxaa yeelay kama taliyo maamulka Shariifku gobollada Sh/hoose iyo Bakool, siyaasad ahaan wuu ku fashilmay in uu wax ka qabto goboladaasi oo aan wada ognahay xaaladooda 3-dii kale dadkeeni dhaganaa tuugadu Ku qabsatay qaarkoodna daayo halka ay marayaan, waliba xaaladda gobolka Shabeellaha-Hoose uu meel fagaara ah uu ka dhahay "duruufo jira aawgood ayaan wax uga qaban waayay ka dib markii uu garwaaqsaday duruufahaas dartood in uu wax u qaban waayay," waxay ahayd in uu markaasi is casilo ku soo noqosho warkeeda iskaba daayo , dhinaca xiriirka BEESHA-CAALAMKA iyo la MACAAMILKA DOWLADA-DHEXE iyagana wuu ku fashilmay.
Ugu dambayntii waxaan xildhibaanada sharafta badan leh aan ugu baaqayaa in ay shacabka ay matalaan u dooraan hoggaan amaana leh oo intaan aan soo sheegnay iyo kuwa kaloo ka siibadano jira shacabka wax uga qaban karayo, waxaad ogaataan dhaganaa si fiican uga maalataan soo noqoshada SHARIIFKA waxayy la micna tahay
DABA-GAALE ABEESO ILMO HAKA DHALO DHALO AMAR ALLE LAAKIIN!!
 Wakiilka Maamulka Kumeel-gaarka koonfureed UK +EU
 DrCali Cabdi Baab




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip