FARXADDA CIIDDA ST.GALLEN KALIYA LAGAMA XUSINE EE WAA LA ISKU DUMAY FARAXA AAWADA CIIDUL-ADHXA SANADKANA LAAKIIN!!

0
26 August, 2018 in by Adam Increase
  • Visits: 673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FARXADDA CIIDDA ST.GALLEN KALIYA LAGAMA XUSINE EE WAA LA ISKU DUMAY FARAXA AAWADA CIIDUL-ADHXA SANADKANA LAAKIIN!!

    Xaflad qaabka qabsoomiddeeda aan horayba looga arag loogana baran taariikhda dalka Switzerland ayaa habeenkii xalay ah lagu qabtay magaalada St.Gallen ee bariga waddankaasi, taasoo ay si heer sara leh u soo agaasimeen ururka dhallinyarada samafalayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad qaabka qabsoomiddeeda aan horayba looga arag loogana baran taariikhda dalka Switzerland ayaa habeenkii xalay ah lagu qabtay magaalada St.Gallen ee bariga waddankaasi, taasoo ay si heer sara leh u soo agaasimeen ururka dhallinyarada samafalayaasha Soomaaliyeed ee aaggaasi ee uu hoggaaminayo wiilka da'da, rujaalka aragtida dheer, midka kolkay dhanaanaato ummadda u istaaga, ka Soomaalidii walaalaha kala irdhowday u guntaday inuu wixii kala gaarayba uu isugu keeno meel qur ah siday diinteenuna nagu tiri isugu duubanaanono ee Mudane C/LLaahi Cali jareere oo ficilladiisi wan wanaagsan camalada fiiicanuu sameeyay aawadood bulshada sidii dayax oo kale uga soo bidh yiri. Goobta xafladda lagu qabtay oo ay isugu yimaadeen bulshadii ugu badnayd inta la ogyahay taariikhda xafladaha nuucaan kulamada faraxa iyo walaaltinimada Soomaalida loo qabto, ayaa waxaa dadka sida wayn u soo xaadiray madasha ugu badnaa muwaadiniinta daggan gobollada bariga sida St.Gallen iyo Graub√ľunden, kuwaaso intooda badan u badan dhallinyaro aad u da'yar doonayana inay wacdaro ka muujiyaan dhanka isku xirnaanta Soomaalida dalkan ku wada nool ee qoyska qur ah. Furitaanka xafladdan kahor oo si aan kala gaabis lahayn loogu casuumayay dhamaan walaalaha Soomaaliyeed ee daggan 26-ka gobol ee dalka Iswisarland oo fursado furan loo siinayay idil ahaan martisharaftii soo ajiibtay kulanka caalamiga inay ka hadlaan, ayaa waxaa khudbado dareenka dadka dhaqaajiyay halkaasi ka soo jeediyay waxgaradka muuqmuuqda bariga Swisska ku nool sida:- Mudane Cabdi Maxamuud Taagane, Mudane C/Qaadir Siidow, Mudane Maxamed Askari, Mudane Xuseen Qoorleexshe, Mudane Cali Guushaan, Mudane Nuur Goosaaw, Mudane Cumar Askari, Mudane Mahad Axmed Mayow iyo madaxa guud ee saxaafadda Koonfurta Soomaaliya Dr C/LLaahi Xasan Ibraahin Amaandhoorey.

Inkastooy dhamaan khudbadihii halkaasi laga jeedinayay ay wada tilmaamayeen midnimo iyo iskuduubni walaaltinimo is cafintuna u horayso, ayaa haddana waxaa khudbadaha ka tilmaanaa tii uu halkaasi sida aan caadiga ahayn uga soo jeediyay Dr Amaandhoorey oo isago burqanaaya amaan iyo bgaadin kal iyo laab ah dusha uu kaga rusheeyay dhallinyarada dhiigga leh muwaadiniinta bariga Switzerland samaha u taagan ee uu hoggaaminayo Mudane C/LLaahi Cali Jareere oo tilaabooyinka ku dayashada mudan qaraamiga ah ee uu mar waliba qaadayo aan sinaba loo dafari karin waxtarkooda, kaaso u tuman u dagaallamidda midaynta walaalaha Soomaalida oo tafaraaruqu qabyaaladdu u horayso daashatayo dillootay, misna la hadhay khayrkooda horumarka ku talaabsaday dunidan kaga haray aawadeeda qarmuunka wuxu, taasoona in badan nebi Maxamed cs uu uga digay ummaddiisa iyo insaanka koonkan dul saarano dhan.
Warbaahinta xoogga badan ee Southern Media Co-Operation tiimkeedo dhamayska tiran oo sida rasmiga loogu casuumay xafladdan qiimiga iyo qaayaha qarada wayn nuuceeda ay naadir tahay in la arko, ayaa waxaa kamaruduhu ay qabanayeen Mudane C/LLaahi Cali Jareere iyo tiimkiisa dhallinyarada Mr Xuseen Qoor, Maxamed Facebook, Carab Maxamed Cali, Maxamed Isaaq Ibraahin, Sayid Cali, Bashiireey iyo qaar kalo farabadan hareer taagan, intuu daandahaynayay habsami u socodka xafladdu ay iyaguna xubnaha ururkiisa ffirinfircoonida aan la gaarin ay iyana dadweynaha martida ah kala hagayeen goobihii ay kala fariisan lahaayeena teel teel u tusayay si xisaabta fadhigu isugu khaldamin ayna nidaam uun ku socoto xafladdu, iyado isjacaylka iyo walaaltinimada Soomaalinimaduna aanay kala go' lahayn si aan in badan horaanba looga baran kulamada Soomaalida oo intooda badan lagu eedeeyo inaysan u jajabnayn nidaamka iyo sharciyada xeerarka umaduhu ku noolaadaan.
Goosaha kolkii loo raaxeeyay khudbaduhuna ay soo idlaadeen oo ay dadkii cusculaa ay culayskoogu sariirta la aadeen, waxaa goobtii xafladda quruxda badnayd si farxad xad ka bax ah isugu dumay dhamaan inta jaantoodu fududdahay, kuwaaso wacdaro ka dhigay hoolka, waxaana saxaafaddu ay indhaheedu qabanayeen duul dhamo ilkahoodu farxad ay la cad cadyihiin dhididkuna uu dharkoodu wada qoynayo, iyada oo aad mooddo in dhallinyarada fudfudud qabyaaladdu ka soo korayo haatan kolkan ay qaabkan kaga nafisayaan isqabqabsigii ragaadshay ummaddan kulaasha geeska Afrika loogana yaqaan caalamkan Soomaaliya.
Ugu dambayntii, xafladdan xisaabaadka taariikhda xafladaha ugu heerka sareeya la sheeg sheego lagu dari doono, ayaa waxaa ay habeenkii xalay ahaa saq dhexe ay ku soo idlaatay jawi aad u heer sareeya, inkastoo ganuunac yar laba qof meesha yimid ka yara dhashay mustaqbilkana ay u badan tahay in si aad ah looga fiirsan doono wax Allaaliyo wixii dhaawacayaa qadafna u gaysanaya ummaddan horayda u socota una badan dhallinyarada nadiifka ah aanay aqoon iskadabawareeg NGO iyo wax lagu soo daalayba ee dhallinyaradaasi sharafta badan leh uu hoggaaminayo Mudane C/LLaahi Cali Jareere hoggaanku ugu hayo daacadnimada iyo kartida ee uu kaga dheereeyay asaggiisa qarnigan nool.
Mr AbduLLahi Ali Jarere a hero young somali man of spirit and insire for his significant admirable good actions!!
 By:Ustad Adam


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip