Dhiillo Ammaan Mise Dheel Kubbadeed; Kaddib Faarujintii Istaaddio Muqdisho!!

0
29 August, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhiillo Ammaan Mise Dheel Kubbadeed; Kaddib Faarujintii Istaaddio Muqdisho!!

    Waxaa la faarujiyay garoonka ciyaaraha ee Istaaddio Muqdisho, kaas oo in dhawaallaba ay kusugnaayeen ciidanka nabad ilaallinta AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la faarujiyay garoonka ciyaaraha ee Istaaddio Muqdisho, kaas oo in dhawaallaba ay kusugnaayeen ciidanka nabad ilaallinta AMISOM.

Dad badan ayaa isweyddiinaya su’aal ah "Bixitaanka AMISOM, Ma dhiillo ammaan mise dheel kubbadeed?” Weyddiintan waxaa meesha keenay istaraatiiji ahaanta halka uu kuyaalla garoonka kubbadda cagta ee Istaaddiyo Muqdisho.

Wuxuu ku yaalla aag dhul sare ah, kaas oo magaalada oo dhan sheedda laga daawan karo, sidoo kale wuxuu ku aaddan yahay goobaha ugu muhiimsan dalka, oo haddii kooxaha nabad diidka Alshabaab ay u baahdaan in ay si dhuumaaleysi ah u duqeeyaan (sida ay mararka qaarba ay sameeyaanba) waxa ay awood u leeyihiin in ay madaafiic la helaan Villa Somalia, Dekedda Muqdisho iyo goobo kale oo muhiim ah, kuwaas oo ammaankooda kore halkaas laga ilaallinayay.


Khubaro ammaan ayaa ka digay kal hore in ciidanka AMISOM ay u baahan yihiin in aysan ka bixin aagga garoonka Muqdisho, maaddaama goobtaas ay tahay mid aad u istaraatiiji ah.

Si kastaba ha ahaatee dowladda waxa ay ku qasban tahay in ay xoojiso islamarkaana ay ciidan dhigto garoonka, daaqaddana laga xooro caqliyadda sheegeysa in markale ay noqoto garoon kubbadeed, haddii middaas ay dhacdo waxaa laga yaabaa in ay qalqal ammaan keento.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip