GUDOOMISO SHAMSA SHARAF OO SHARABAADDADA LA DULMARTAY SHARWADE SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN IYO ATBAACDIISI SHIRQOOLLADA BADAN LAAKIIN!!

0
29 August, 2018 in English News by Adam Increase
  • Visits: 2734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    GUDOOMISO SHAMSA SHARAF OO SHARABAADDADA LA DULMARTAY SHARWADE SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN IYO ATBAACDIISI SHIRQOOLLADA BADAN LAAKIIN!!

    Haddiise saban xumi dhaco siigo iyo qiiq leh, oo uu maalku kaa suuqmayo seexan kari wayday, dadko silicsan nolosho silloon oo la saxariiray, wixii suunka xoolaha harayo caata socon waayay, dhulko saxar la' saba xaalauftayo siidh ka bixi waayay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddiise saban xumi dhaco siigo iyo qiiq leh, oo uu maalku kaa suuqmayo seexan kari wayday, dadko silicsan nolosho silloon oo la saxariiray, wixii suunka xoolaha harayo caata socon waayay, dhulko saxar la' saba xaalauftayo siidh ka bixi waayay, waxaa sare ee aad eegtaba saa ku di' waayo, sacabada waxaa loo dhigayaa siqigii Waynaa siduu yiri abwaankii aadka u baaray sooyaalka in badana sancaddayaashu noloshua dunidu uu la soo rogrogay joogadeenan adduunyadu. Shintirsigoodu shiddada kolkii ay shacbigu qaadan waayeen cuduradiisi aafooyinka leh ee aan kala reebin dad iyo duunyaba noolaha inta sanka ka neefsata wada galaafta dubbayaaashiisi dabada waawaynaa la dhiciddii uu in mudda ah la dhacayay karkii ka dhashay xanuunkii waayaraduba u gooyay dareen ahaan xadkay isku celin lahaayeen ee karkaarada waydaarshay xumuhu, ayaa keenay in shacabwaynaha geeska Afrikada madow ee kulaala dhulka burwaaqada badan leh webiyada Koonfurta Soomaaliya ay afarta taawal iyo haambareegga goostaan si maruun booska uga turaantureeyaan sida warka loo dhigayo sharwade Shariif Xasan Shiikh Aadanka haatan waqtigiisu dhamaaday kana mid ah murashaxiinta u rashaxan qabashada xilka ugu sareeya dowlladda Koonfureed, kaasoo ciilka loo qabo markan aad mooddo haddii la qaban lahaa in dadwaynuhu ay cayriinka hilibkiisi ku goos goosan lahaayeen oona ay iyago sirirsan cad cad u cuni lahaayeen laf iyo ludba intuu ka abuuranyahay.

Gudoomisada Golaha Facebook-ga Haweenka Koonfurta Soomaaliya oo golahaasi afka qalaad marka la soo gaaboyo loo yaqaan Southern Somalia Facebook Council Ladies President (SSFCL) Marwo Shamso Mursal Shiikh koofaar ahaan loogu naanayso Shamsa Sharaf oo ka mid ah gabdhaha ugu geesisan uguna dhiigga badan gibinada Soomaalida, hoos ahaan ugu abtirsata dhulwaynaha Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sharabaaddada iyo buudkuba si arxandara ah ula dul martay shirqoolistaha ugu wayn dalka Shariif Xasan Shiikh Aadanka naanaysaha kala duwan loogu yeero:-mar, Shariif Sakiin, kol, Shariif Shalgooyow, mar, Sharra, marna Sharwade iyo atbaacdiisa ummadda sholombaysta.
Mrs Sharaf oo waayahan dambaba olole balaarano culus ka wadday baraha bulshada hawada halkay shucuubtu ku xidhiidho kulanto ka dhanka ah geddislayga ummadda kala gaabshay Xasan Aadan Isaaq, ayaa waxaa ay xaako candhuuf xaaq tuf ku tuf siisay dhaqanxumada iyo raddiddiilada ficillada guracan mujrimkan akaabirka ah mujrimul qabiid uu shacabkan qaranimada u heelan kula kacay teeriyo maraan dhowayn walina uu dhibaatooyin aan laga soo waaqsan iyo duburootiyo daran la damacsano daba taagan, si uu u lumiyo aayadda samaawigu waxay xaq ahaan u siisay ee ah "aakhiiro u shaqaysta dadow, nasiibkiini duniduna ha seegina."
Shamso Mursal Shamsa Sharaf oo dhowaantan barta Facebook-ga si toos ah kumaan kuno raacayaal ah uga daawanayay barnaamij aad u kulul oo ay dhamaan bulshada sharafta badan leh xornimadoonka ah ee Koonfureedna dooddu la wadaagayeen, waxaa ay weerar afka ah aan waxba loola harin ku camimisay Sharwade Shariif Xasan oo baryahan dambaba kolkii ay siyaasaddiisi ahayd inuu isku jabiyo dagaal isku afuufaan beelaha walaalaha ah Koonfurta daga fashilantay, si doorashada loo madlan yahay sanadkan dabaqyaaqadiisi bisha Nofeembar daaqadda lagala bixi rabo uu u baajiyo, ama xulasho ugu baddasho, sifo sheegaya inuu kursiguna ugu sii baaqi ahaado, kaasoo soo ku daayay baraha bulshada xayn aalkolaystayaal ah wasiiradiisu u badan yihiin aanay xitaa aqoon sida farta Soomaaliga loo qoro, si ay halkaasi ugu caayaan uguna loobin gareeyaan murashaxnimadiisi uu ku doonayo inuu kaga guulaysto bulshado toosan xornimadoonka ah intooda kale ee doonaysa inay dalka xaq iyo caddaalad ku hoggaamiyaan ugana dul qaadaan heeryada gumaysiga wajiyaha badan ee gudaha ku habsaday teeriyo maalintii la sheegay Soomaaliya inay xorowday sanaddii 1960-kii oona dhabanbuluugleey midda dadka badh lagu dhibaateeyay loo suray fagaaraha Soomaalido dhami.
Gudoomisadu waxaa kalo ay sheegtay, xitaa in dayuuraddii UN-ku lahaa ee deegaanka MAKUUDDO lagu rasaasadeeyay si loo soo rido falkaasi xun uu ka dambeeyay Shariif Xasan maamulkiisa ee sii liicaya waqtigiisuna dhamaaday, ayna ahayd sababta, Shariifku uu ku doonayo sifadaasi arggiggixsinimo siduuba maamulkiisu sheegtay, in falku ay ka dambeeyeen Al-Shabaab beesha caalamkana loo tuso in Baydhabo aanay nabad ahayn, si doorashada soo socota bisha Nofeembar loogu madlan yahay gobolka ay u baaqato looguna raro siduu awalba rabay uu quudaraynayay xulashada magaalada Baraawe oo seeddiyaashiisa Galguduud ka keensadayo hubaysan uu u dhiibtay amniga halkaasi, dabadeedna inta uu rabo xildhibaanada goobtaasi qol ku ooto riwaayadihiisi gacantaag waa la ii codeeyayay doortay uu dhaho.
Tuftuf iyo taataabasho qafiif ah tuutuujin yar kumana raysato boogtuye haddaanan salkeeda la taqfalayne, gaariyaddu marna naanaysteedu tahay SHAMSA SHARIIF-DIID waxaa ay ku nuux nuuxsatay iyado xawaaraha hadalkeedu boqolkiiba 2 boqol dhaafsiisan yahay heerkii loogu talagalay, in dhibaatada ugu badan bulshada Koonfurtu, ka u soo raray kana soo gaarayso uu yahay Sharwade Shariif Sakiin Shalgooyow, Sharaf waxay cod dheer ku sheegtay, in dhamaan inta badan madaxdii ururka RRA iyo siyaasiyintii ka dambaysay ee lagu khaarijiyay dalka gudihii uu ka dambeeyay mishimiste Shariif Sakiin oo shaqadiisu tahay ka ganacsiga dhiigga bini aadamka, waxaana ay geesiyaddani sii raacsatay, in shirqoollada ugu badan ee dalka ka dhaca uu aabbe iyo hooyaba uu Sakiin u yahay, iyadoona carabowday in isbaarooyinka ugu badan ee gobolka Shabeellaha-Hoose yaalla, kaliya lagu dhibaateeyo dadka deegaanka uu mooryaan bartamaha Soomaaliya ka soo duushay sheer kula galay lacagta laga qaadayo masaakiinta badh ay koontadiisu si toosa ugu dhacayso odaga fooqaara, taasoona muujinaysa halasta ka baaqsashada lahayn ee Shariif Xasan Shariif Shayddaan uu ummaddani ku hayo maagganyahay, tahayna in la iska tuqaantuqeeyo ceejana lagu taago, si looga caqabadeeyo cunista caruuraha ay dhaleen dabaadigii ka boodabadbaaday miriddii Aadan Daar, kilkila duleelintii Sharmaarke, Toogashooyinkii Afwayne, uurdooxii Maxamed Faarax Naardiir, candhaduulkii Cabdi-Abaar, faraqfaraqdii Ina Yuusuf Yeey, farataysigii Shariif Afguduud, fashlawiiqlayntii Xasan Safarow iyo faduushan wali taagan ee faroocigan fookanka badan ee Farmaajaha labada farasna fuushan, mar wajigii ficnaa Soomaalinimada afka qura ahayd qawda maqashii waxna ha u qaban bulshada tusaya, kolna tii suuraaddeeda wadatay fuuqul-mugdi qabyaaladda kartay naasnuujiska isir isiraynta is uruursadka inadeernimada qaraabakoolnimada Villa Somalia haatan lacnaddu ku dhacday goortay isugu yimaadeen dhamaan reer haykallay kuna dhex dhaqleeyeen si aan la dhiman aakhiro la soo dhaafay sidaasi dadka kula dhaqmayo.
Gaalaa godka iigu jira garwaynta ii keena weeyaane "shirikadda Black Waters-ka qaraxyada dadka iyo bulddaanda qaabilsan, ruuxa Soomaaliga kalida ah heshiis magac dhaban gudaha dalkii kula galay, waa Sharwade Shariif Sakiin, qabii'ilaadka walaalaha ah ee waddanka nabadda ku wada jooga tolka iyo saaxiibka sowriyiyo xaajo magaca siman xidid af sood abti iyo eysin midabkoodu mid yahay, midka qabiil qabiilka u shirinaaya, shilimmaad intuu dhex dhigay colaadda ka dhex hurinaaya, waa Shariif Shalgooyow Aadan, qofka maanta wariyayaashu ay ku jiraan bulshada meel kastooy joogto ciddii xaqa ka hadsha gaboodfalladiisa sheegta, duul dil ugu hanjaba u soo dirayo, waa isla Shariif Sharwade Xasan, isbaarooyinka gabdhaheena gogoradaha dhiiggoodu boqnaha gogleeyay lagu soo fara xumaynayo jidadka dhaadheer, garoobada dhaawacan, misna, aan la guursan warkooduba daayo, magaalada Afgooye taliyaha canshuurta xaaraanta kaga qaadanayo fadhiya kaantaroolkii aan u dhalan dalka seeddinimo awgeed Galguduud looga keensaday dheebaynta iyo dhiibaynta dadkeenu, ka warqadda ogolaanshiyaha gumaadka ummaddeenu u qoray qalinkana ugu duugay fasax buuxa u siiyay hallaagidda uunku, waa Shariif Shaydaan, xarunta gobolka Marka gobolkan qaniga ah mooryaanta magaca dowlladda ku joogta, ka madaxda u ah oo doolka ah isla Galguduud ka yimid xididnimada uu feermada dhaca dadka deegaanka ugu jiiday, kaa xijaasada siiyay mooryaanka, waa Shariif Xasan Aadan Isaaq Shalgooyow, saasoy tahay Baraawena oo caasimadda dowlladda uu dullaystay ku magacaaban, qawlaysatada haysata iyo ka kaabaha u ah, midka awood buuxda u siiyay inay masaajidda iyo beeraha dadka deegaanka sii haystaan kuna canshuurtaan, waa Sharra, dhulkeena inta dhacan, Bakool obbosiibooyinkii qaxaantiyada duraad la soo dajiyay, ninka u iljabiyay degmooyin uga dhigay, misna, saami buuxa ka siiyay saldanooyinka dalkan, waa Shariff Sakiin, gobolladeena baaxadda leh inago u nool qarnigan caalamku horumaray ee 21-naad Jubbooyinka iyo Gedo, tuuggii Iimeey iyo Qabridahare Qoraxay ka soo lugeeyay, laciinka midigta ugu sallimay iska qaado yiri, waa Shariif Xasan, waana caqabadda kali ah maanta iyo shalay xisaab ahaan marka loo ayaama tirsado uunka ku hor gudboon, waa halaqa abeeska joxaraystay kuufida ku cayuuqay ee caman xayuubaystay shakigu ku jiro Islaamnimadiisa wuxuu yahayba gaal iyo Islaam, bacdama hab dhaqankiisu ka sii xunyahay ka buudistaha, ama, Sahyuunka yuhuudda, siduuba hadal raagay horay ugu hadaaqay, geddisleey gaalana ma aha, Islaamna ma aha," sidaasi waxaa tiri Marwo Shamso Mursal Sheekh Shamsa Sharaf oo DAASADAHA KA JAJABANINAYSAY ukumahana ka riiqaysay mashiidiyaha manaxaanka arxanlaawaha ugu xun siyaasiyinta geeska Afrika Shariif Xasan Sheekh Aadan Shariif Sakiin oo nolosha ku ciriiriyay bulshawaynta nabadda u ooman intaasi nidaamka dowliga ah lagu soo dhibaataynayay dhan kasta hadday ahaan lahayd afka iyo makaanka ay mulkisan yihiin biyuhu ka burqanayaan barwaaqadu taal ee dhurwaaqa dhacayaa dharaar iyo habeenba hasheedana usha kala dabadhankaxay dhowaanshiyahana loo soo xirtay, waxaana ay Mrs Sharaf war xusid mudan ay ka dhawaajisay, in haddii tookada tan doorashada soo socota uu Shariif Sakiin ku soo noqdo kursiga Koonfureed, ay tahay in dhamaan wiilasha ragga Koonfurta Soomaaliya u dhashay inay xidhaan GOOGORAD SHAKAM AH, maadaama raganimadoodu ay eber noqonayso balcan baacuuri hal bacaad lagu lisay, ahaana doonaan duul dibjiroobay dabaajirnimadu doolkay raaceen u daranyoobay duul u cadow wax diidayaana ayan jirin inay dagta xidhaan laguna guda guuro xili waliba guurooyinka sida loogu gendaallamo golmoonada guryaha la keensado guurka dabadii gujinta dabadiina ilmaha looga gigig siiyo deetana caanuhu cusleeyaan xabadku candhasaabka u baahan.
Booraankan soo wada yeeray iyo dabkan baxaaya asalkuba uu shiday Xasan Aadan Isaaq iyo waliba hamigiisa uu ku sii doonayo inuu sii haysto ummaddan Koonfurta Soomaaliya ee haatan indhuhu dhamaantood u furmeen, iyado qayladhaanta Shariif-diiddanka ah ee qaaradaha dunidu ay isa soo tarayso, waxaa iyana baxaabaxayntaasi tuugga wayn lagu garaangarinayo ragga kolka laga reebo safka bukaasidda odaga sii liicaya sirqaha ah si xawli ah ugu soo biiraya geesta gabdhaha oo kaalintooda firinfircoonida leh ka qaadanaya buufinta cayayaanka iyo cannaasiirta uu koow ka yahay Shariif Istaag, oo sida la rumaysan yahay lana dareemayo kolkan ATIXIYAADKA KU DHUUSAYA, bacdama nafar dalkaasi u dhashayo doonayo inuu sii jooga mujirimkan aanu jirin isagu, kolka laga reebo buuran buuran, caga balaaran, oon ninna ahayn, naagna ahayn lagu tiriyo, naanaabad is nacday calafka u daaqsama, sida nimcoolayda bahaahinka naartana qoryaheeda ah darbiyada dangiiga iskana dhaga waawayn.
Marwo Shamso mursal Sheekh Shamsa Sharaf, sido kale waxaa ay ka shanqarisay, in Shariif Xasan Shiikh Aadanka u shaqeeya qolyaha cadowga dalka ku soo duulay atbaacdiisu kuwa uu liijaanka gashtay dameeraha malabka u wada xildhibaanada iyo wasiirada-sheegta ee uu ku xaraystay moorooyinka Baydhabo ku yaal, ay saf dheer ugu galaan gurigiisi quruucda iyo qadada iyo waliba cashada, mar cambuulo, xili soor, kolna bariis qaraxa yaanyada lagu daray la soo tira koobay, taasoo muujinaysa damiir ahaan heerka ay dadnimadu ka gaarsiisan yihiin waxaan dadna ahayn duunyana ahayn kooxda Shariif sidaasi kula shaqaysa, oo mararka qaar saxanka cambuulada gurigiisa laga kariyay safka intay ku jiraan isku dagaala "adigaa laguu badiyay iyo adigaa laguu badshay wax iigu da," aana sinaba looga sugi karin kuwa nuucaas ah, inay hoobaan dadkeena dulligu saaqay furtaana dhulkeeni maqnaa cadaawuhu iyo colka duuban ay maalin ku joog bilowgoodi ku soo tukaba ixtilaalay imikadana tun la soo baxay qabiil ku tiqraaran taagana yaa taana iga tari kari waanagan taabsanaye.
Hadal raagayo miskexda bini aadamku si miirqab leh uga daadagi karayaa wuxuu leeyahay, "dooro, ama, digaagad inay guri furaashan ku dul xaar xaarto, waa wax loo yeel yeelay," sababto ah, sida waaqacu sheegayo, malaayinta dadka ah badidooda ku hadla Afka-Maayga Soomaaliga ah, in dhulkooda 60 sanadood in ka badan lagu dhex dilo, xaqoodo la duudsiiyo, hooyooyinkooda asayga loogu saaro si joogta ah aan kala go' lahayn, gabdhahooda la iska fuul fuulo cidna aan laga warsan, hantidooda nool iyo moodba la iska boobo aanayna xisaab ka daba imaan, aabbayaashooda sabab la'aan xabbadda loogu asqeeyo dhiiggoodu geedaha uu seeseeraaro ilmahoodo agoon ah bii ruux ka dhahaysa aanay jirin, yacnii amuusnaan waa raaliye, la isku raacsan yahay, in dalka Soomaaliya laga suuliyo, nacaybka iyo cunsuriyadda loo qabo Maxa oo dhami LABAGOODLE isugu tagto, aanayna jirin xaqdhawr diineed iyo mid insaaninimo xeer qabta, hadduu xaalka sidaa noqday, maxaa diidaya haddaa, in jiilkan maanta taagan joogadeenan dunidan nool jiiddan Koonfureed sidii shinnida oo kale iyo dalka intiisi kale u daadsan dhamaantooda inay dhoomaha buuxsadaanooy guntiga dhiisha intay isaga dhigaan sidii Yuhuudda oo kale cadowgooda ula dagaallamaan koow ka yahay Sharwade Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo qabiilaadka Maxaga ah ee uu u shaqeeyo xadgudubka saa'idka ah wada baaddaba doonayo dabka iyo naarta doonay ooy dalladdii seegtay, ileen geesi waa kii dhiidhiya dhulkiisi dhacsado dhimasho caadeystee.
Guntii iyo gabangabadii Marwo Shamso Mursal Sheekh Shamsa Sharaf oo afkeedu ka dhacayeen ereyo aadba uga sii kul kulul maarta dhamacda guduudan oo ay ku tooganayso Shariif Xasan Sheekh Aadan Shalgooyoga shacabka wareeriyay, waxaa ay ugu baaqday dhamaan shacabwaynaha geeska Afrika, gaar ahaan kuwa u nasabka sheegta Koonfurta Soomaaliya inta webiyadu ku teedsamaan beerka ku haya, in ay u istaagaan sidii ay isaga kor qaadi lahayeen shuftiga qamarjiga ah dhiigyacabka gaamuray badaha iyo bariga dalka soo liqay jibaalaha beecinaya haatan waxba aan reebin ee Shariif Sakiin, kaaso luuqadda kaliya uu yaqaan ay tahay, in la isaga yuriyo maarta casaanka ah tareesaduna u badan tahay, runtiina ninkaasu yahay mid ka daran nabariga badwayntiyo naaraha olola nuxuuskaba u keenay sharafka iyo karaamada cizigii dadkii gobta ah jamhuuriyadda Soomaaliya qaranimadaba ayaka u horeeyay.
Shillintuna shuuq iyo shilis inaba shafaaca malaha dhiiggaago shubata mooyaane, shagligaasna waxaa lagu shabbahay Sharwade Sahriif Xasanka shawliga ku riday shalaxshalxda sharaftoodu shacbigana amar Alle laakiin!!

By: Wariyaashii Illaahay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip