MADAXWEYNIHII BADALI LAHAA SHARIIF XASAN OO ISA SOO SHARAXAYO

0
31 August, 2018 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 1094
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNIHII BADALI LAHAA SHARIIF XASAN OO ISA SOO SHARAXAYO

    Doorashadii Dawlad-Goboleedka K/Galbeed ayaa timid, tartan adag ayaa bilowday, loolan culus ayaa u dhaxeeyn doono musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Dawlad-Goboleedkaasi, rag iyo haween ayaa horey u soo qadimay musharxnimadooda, q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashadii Dawlad-Goboleedka K/Galbeed ayaa timid, tartan adag ayaa bilowday, loolan culus ayaa u dhaxeeyn doono musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Dawlad-Goboleedkaasi, rag iyo haween ayaa horey u soo qadimay musharxnimadooda, qaar kale oo cusub ayaa iyaguna la filayaa inay maalmaha soo socda soo bandhigaan musharaxnimadooda.
                   
Hase   yeeshe,  musharaxa ugu  mudan oo muddo  dheer la sugaayey  ku dhawaaqistiisa musharaxnimo   ayaa   lagu wadaa  inuu   dhawaan si   rasmi  ah ugu dhawaaqo musharaxnimadiisa. Haddaba, haddaan idiin soo qadimo magac ahaan musharaxaan sida balaaran loo xiisaynayo waa Eng. Maxamuud Maxamed Bono,  waa    aqoonyahan   iyo siyaasi caan ah, lehna   waaya aragnimo, karti, heybad dad, dal iyo degaanba,  kaasoo dad  badan xiiso gelin doono marka uu isu soo taago bad-baadinta dadka iyo Gobollada Koonfur Galbeed in Sha-Allah.                       


Tixgalin, sharaf iyo qiimo aan la soo koobi Karin ayuu ku dhex-leeyahay ummaddiisa. waa siyaasi  aan     marnaba  ku shaqeynin Laab la-kac, derejo  doon siyaasaddeed iyo  mar-uun  Madaxweyne ha-lagu  dhoho rabin balse  kadib markuu arkay habka uu u socdo maamulka  Gobolladan iyo qaar ka mid ah shacabkiisa  ayaa ka codsatay inuu bad-baadiyo dadka iyo dalka si loo  helo isbedel loo aayo.

Sidaas daraadeed,  ku tala-galkiisu waa inuu  horseed ka noqdo hannaankii lagu heli lahaa Amni la isku haleyn karo, Xasilooni siyaasadeed, Caddaalad   loo siman yahay, Caafimaad hufan,            Waxbarasho aayo leh iyo Horumar dhan walba leh In Sha Allah.            

Siyaasigaan  ruug-caddaaga ah waa muwaadin Alle iyo ummadiisuba ay jecel  yihiin, lehna taageerayaal badan oo kala joogo adduunka dacalladiisa gaar   ahaan Tuulooyinka, Degmooyinka iyo Gobolada Koonfur Galbeed oo dhan. Haddaba, Saadaal hordhac ah oo la  sameeyay ayaa ifinaysa in Eng. Bono uu noqon doono   Madaxweyniha isbedel-doonka ee K/Galbeed ee doorashada soo socoto In Sha Allah.

Musharaxa loo han-weyn yahay ee ay u baahan tahay K/Galbeed waa Eng. Bono Waa siyaasi lala  xisaabtami karo isla markaan ay la   shaqeyn karto cid kasta oo uu  ka arko maslaxada Koonfur Galbeed. Kasoo la ogyahay waxyaabo badan oonuu horey uga soo qabtay una soo qabtay ummaddan Koonfur galbeed.

Eng. Bono sifooyin badan ayaa u suura galinaya in loo coddeeyo si uu u bad-baadiyo ummaddan una     fuliyo arrimaha lagu rajo weyn  yahay in uu   la yimaado si ay K/Galbeed  cagaheeda isku taagi doonto mar kale In  Sha Allah.

Eng. Maxamuud Maxamed Bono waa halyey u soo   halgamay Dadkiisa iyo Dalkiisa, Waa mutacalim dhinac kasta ka dhisan, adeegyo isugu jira Dhismayaal, Samafal iyo Horumarin ayuu bulshada ku abtirsata deeganada  K/Galbeed u soo sameeyay, amaan iyo Duco ayay dadkiisu la daba taagan yihiin, waana siyaasi aay ummaddan u baahan tahay wakhtigan adag oo la maraayo.     

Rajada reer  K/Galbeed kuma xirna oo keliya in qof qof kale lagu bedelo hase yeeshee waa lagama maarman ah in la helo nin waxtarkiisa horay loo soo tijaabiyey ninkaasna waa Eng. Bono ee Illaahey hana garab galo.       


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip