Maamulka Jubbaland oo War ka soo saaray khilaafka kala dhaxeeya DF!

0
01 September, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Jubbaland oo War ka soo saaray khilaafka kala dhaxeeya DF!

    Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir Jaraa'id Maanta ku qabtay Kismaayo ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamulkaas iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir Jaraa'id Maanta ku qabtay Kismaayo ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamulkaas iyo dowladda federaalka Soomaaliya.


Waxa uu sheegay in aragtida Madaxda Jubbaland uu yahay qaran Soomaaliyeed oo guuleysta iyo in la xoojiyo Hay’adaha Dowladda oo ay ugu horeeyaan Dowlad Goboleedyada balse nasiibdaro ay jirto isfaham la’aan.

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyey in hadii khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada aysan micnaheedu aheyn inay la-dagaalamayaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa uu soo hadal qaaday soo celintii Garoonka Kismaayo Saraakiishii ay Jubbaland ka soo celisay,waxa uuna sheegay in ka hor magacaabistaas ay cabasho u gudbiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkiisa Jaraa’id Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo aad u dheeraa ayaa waxa u sidoo kale kaga hadlay banaanbaxyadii dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan Jubbaland.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli Maalinta Isniinta ah ee soo socota lagu wado in Magalada Kismaayo ay shir ku yeeshaan Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada dalka ka jira.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip