Saddex arrin oo halis ah oo Baydhabo kusoo wajahan!!

0
03 September, 2018 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex arrin oo halis ah oo Baydhabo kusoo wajahan!!

    Waxaa magaalada Baydhabo ee caasimada KMG Ah Koonfur Galbeed ka taagan cabsi ka dhalatay Ciidan si gaara ugu amar qaata Shariif Xasan oo dhibaatoyin ku haaya dadka fikirkiisa ka soo horjeeda kuwaasi oo handaaad caburin iyo cabsi gelin ku haaya taa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Baydhabo ee caasimada KMG Ah Koonfur Galbeed ka taagan cabsi ka dhalatay Ciidan si gaara ugu amar qaata Shariif Xasan oo dhibaatoyin ku haaya dadka fikirkiisa ka soo horjeeda kuwaasi oo handaaad caburin iyo cabsi gelin ku haaya taaso aay ka dhalan karto in dagaal ka dhaco Magaalada.


Cabsida ugu badan ayaa waxa ay heysataa Musharaxiinta, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ololaha ugu jira kuwa kasoo horjeeda madaxweynaha Koonfur Galbeed  Shariif Xassan  oo ah musharax u taagan  markale xilka madaxweyne doorashada la filaayo dhawaan.

Inta u dhexeysa xiliga ololaha ilaa ay ka dhacdo doorashada ayaa waxaa suuragal ah in magaalada Baydhabo ay marti galiso musiibooyin ka dhasha oo ay isku maleegaan kuwa ku loolamaaya doorashada maadama Shacabka uusan ka naxeyn Shariif Xasan oo raja beel ku dhacay in markale dib loogu doorto Hoggaanka Koonfur Galbeed culeesyo badana dareemaya.

Dhibaatoyinka carabka lagu hayo ee laga cabsi qabo ayaa waxaa kamid ah:

1- Dilal loo maleego kuwa indhagaradka ah ee ololaha baaxada weyn ugu jira musharaxiinta iyo Odayaasha dhaqanka ee iska diiday laalushka Shariif  Xasan.

2- Dagaalo dhex mara kuwa uu ka dhaxeeyo loolanka doorasho maadama Shariif  Xasan musharaxiinta qaar ee isaga hoos yimaada doonayo in uu doorashada ku carqaladeeyo si dib aay ugu dhacdo sidaasna waqti kordhin ku sameesto taaso ah musiibo halisteeda leh.

3- Weeraro iyo dagaal toos ah oo ka dhasha  hadii musharaxiinta, qaar la isku dayo in ololahooda doorasho la carqaladeeyo waxa ayna saadaashu tahay inay dhici doonaan weeraro lagu qaado musharaxiinta itaalka yar.

Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa xiligaan ku sugan musharaxiin u taagan xilka madaxtinimo, waxaana  aay heystaan  qaarkood Hub iyo ciidamado fara badan taaso keentay in Shariif  Xasan musharaxiin uu isaga wato hubeeyo taaso ah halis weyn .

Masuuliyiinta Hay’adaha amniga Koonfur Galbeed waxaay noqdeen kuwa ku milmay siyaasada is diidan iyaga oo qaarkood ku howlan  si looga takhluusiyo kuwa diidan Siyaasada Shariif Xasan iyado dhanka kale aay jirto dayac amni maadama Al shabaab falal lid ku ah amaanka mararka qaar geestaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip