Kenya Oo Sheegtay In Fahad Yaasiin Dalka Qatar Usoo Dirsatay Arin halis ah!!

0
10 September, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Sheegtay In Fahad Yaasiin Dalka Qatar Usoo Dirsatay Arin halis ah!!

    Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah Saaxiibka 1aad Ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda wajahaya Culeys weyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah Saaxiibka 1aad Ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda wajahaya Culeys weyn.


Dawlada Kenya ayaa umuuqata mid Cadaadiska kusii kordhineyso Agaasime kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin xog badana soo bandhigtay.

Mudane Fahad Yaasiin ayaa Dawlada Kenya waxay ku Eedeysay mid doonaya isku dhac uu ka abuuro Dalalka Bariga Dhexe iyo Gobolka Geeska Africa.

Wargeys kasoo baxa Dalka Kenya ayaa Nuqulkiisii maanta lagu daabacay warbixin culus oo looga hadlayey Fahad Yaasiin iyo Dagaalka ay Kenya kula jirto.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa la sheegay in Qatar uu uyahay mid ugacan gelinaya Kheyraadka Dalalka Geeska Africa balse taas ay Kenya kasoo horjeedo ayaa la yiri.

Dhawaan waxaa Dawlada Kenya ay baaritaan ku bilowday sida Baasaboorka dalkeeda iyo Dhalashada Kenya uu ku helay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Agaasime kuxigeenka N/sugida Soomaaliya Maalmo ka hor loo magacaabay.

Ilaa hadda kama uusan jawaabin Culeyska Kenya kaga imaanaya Fahad Yaasiin oo Hore ula shaqeyn jiray Telefishinka Caalamiga ah Ee Al Jazeera qeybtiisa Afka Carabiga ku tebiya wararka,isagoo Xasan Sheekh Doorashadiisii Muqdisho Gudoomiyaha Ololaha Doorashada u ahaa,sanadkii 2017 Doorashadii Farmaajo kusoo baxayna Fahad ayaa ololaha Gudoomiyaha Doorashada u ahaa,waana tan keentay in Xil Culus Madaxtooyada Dalka looga magacaabo ka hor inta NISA Kuxigeen looga dhigin dhawaan.

Fahad Yaasin ayaa la rumeysan yahay in uu kamid yahay sirdoonka Dalka Qatar , oo madaxda Dowladda Fedaraalka Soomaaliya dusha ka maamula.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip