Mooshin ka dhan ah madaxweyne Waare oo dar-dar ku socdo &lacag badan oo Jowhar la geeyay!!

0
10 September, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 90
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mooshin ka dhan ah madaxweyne Waare oo dar-dar ku socdo &lacag badan oo Jowhar la geeyay!!

    Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, kaas oo waqti kooban haya xilka madaxweynanimada Hirshabeelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, kaas oo waqti kooban haya xilka madaxweynanimada Hirshabeelle.


Magaalada Muqdisho waxaa dhawaan loogu yeeray Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeele Mudane Cali Guudlaabe iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele Sheekh Cismaan Barre oo kulamo albaabada u xiran yahay la qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Xasan Cali Khayre.

Ilo wareedyo muhiima ayaa inoo xaqeejiyay in loo dhiibay lacag laba milyan iyo shan boqol kun oo doolar si aay xildhibaanada ugu qeybiyaan sidaasna xilka loogu qaado Madaxweynaha Maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa qudhiisa ka war helay Mooshinka Dowladda Fedaraalka gadaal ka riixayso waxaana lagu wadaa inuu sameeyo isku shaandheyn si uu u dejiyo xiisada siyaasadeed ee kaga soo fool leh Xildhibaanada.

Sida u dhigayo dastuurka maamulka Hirshabeelle 33 Xildhibaan ayaa keeni kara mooshin ka dhan ah Madaxweynaha talada haya, waxaana uu xilka weynayaa marka ay codeyn ku aqbalaan 66 Xildhibaan.

Lama yaqaanno goorta la keeni doono mooshinka ay diyaarinayaan xildhibaanada, laakiin mar walba waxaa ku biiraya xildhibaano cusub sidaan xogta ku helnay.

Dad badan ayaa aaminsan in Hadii Madaxweyne Waare oo xariir fiican uu kala dhaxeeyo Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan hadii xilka laga qaado Maamulka Hirshabeele laga cabsi qabo in uu bur bur ku yimaado Maadama kasloonida aay ku qabaan Maamulkaasi dhumeyso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip