Qaar ka mid ah wadooyinka jidcadyaasha Muqdisho oo biro lagu jaray!!

0
12 September, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 77
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar ka mid ah wadooyinka jidcadyaasha Muqdisho oo biro lagu jaray!!

    Biro dhaadheer ayaa lagu jaray Jidcadayeyaasha ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho sidda ay Risaala u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Darawaladda ku shaqeysta Mootooyinka ee Isticmaala Wadooyinka Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Biro dhaadheer ayaa lagu jaray Jidcadayeyaasha ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho sidda ay Risaala u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Darawaladda ku shaqeysta Mootooyinka ee Isticmaala Wadooyinka Muqdisho.


Dadka aan u shaqeyn dowlada ee aan heysan Aqoonsiga dowladda ayaa mari jiray Wadooyinka  hadda Biraha lagu jaray, Maadaama Wadooyinka ka agdhow Xarumaha dowladda aan la marin aqoonsi dowladeeda la’aantiisa.

Ujeedada ka dambeysa in wadooyinka Magaalada Muqdisho ciidamada ammaanka ay xiraan ayaa waxaa ay tahay in la adkeeyo Ammaanka xarumaha dowladda iyo Xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir.

Gaadiidka uma suuragaleyso inay laamiga ka leexdaan, sababtoo ah dhamaan jidcadyaasha xaafadaha dhexmara ayaa lagu jaray Biro si uusan gaari u marin.

Sidoo kale ciidamada ayaa gooyay jidcadyaasha mara wadada ka timaada Isgoyska Howlwadaag ee sida tooska ah u gasha Isgoyska Sayid.

Sidoo kale gaariga Isgoyska  Banaadir ka soo baxa kama leexan karo wadada illaa uu ka tago Isgoyska Tarabuunka.

Qorshahan ayaa looga gol leeyahay sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka in lagu suggo amniga Muqdisho, sidoo kalena gaadiidka aysa ka baxsan Koontaroolada ciidamada la istaajiyay ee gaadiidka lagu baaraayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip