Shabaab oo War Kasoo Saaray Dagaal ay Lagaleyn Ciidamadda Mareykan-ka iyo Danab

0
12 September, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo War Kasoo Saaray Dagaal ay Lagaleyn Ciidamadda Mareykan-ka iyo Danab

    Maleeshiyada Al-shabaab ayaa war kasoo saartay weerar qorshaynaa oo Ciidamaddda Danab iyo Kuwa Mareykan ah ay xalay ku qadeen Deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa war kasoo saartay weerar qorshaynaa oo Ciidamaddda Danab iyo Kuwa Mareykan ah ay xalay ku qadeen Deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeelaha Hoose.


Maleeshiyada Al-Shabaab waxa ay sheegeen in Ciidamadda Danab iyo kuwa Mareykan oo wata diyaarado dagaal ay soo gaareen hareeraha deegaanka saqdii dhexe ee xalay, balse inta aysan gudaha  usoo galin ay weerar xoog badan ay kala kulmeen Ciidamo la diyaariyay.

Waxa ay sheegeen Al-shabaab in dagaalka uu dhaliyay khasaare soo gaaray Ciidamadii Danab iyo kuwa Mareykanka ee weerarka soo qaaday.

Warbaahinta Shabaab ayaa laga baahiyay in weerarka lagu dilay 2-askari oo ka tirsanaa Ciidamadii weerarka soo qaaday,balse lama xaqiijinin in ay Soomaaliya yihiin mise Mareykan.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Dhanka kale Laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalkii ka dhacay xalay saqdii dhexe deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose in lagu dilay Xubno ka Tirsanaa Al-shabaab, oo doonayay in ay weeraro kusoo qaadaan magaaladda muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip