Sawirro: Qaar ka mid ah Musharaxiinta K/galbeed oo la kulmay Gudoomiyaha BF!!

0
13 September, 2018 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Qaar ka mid ah Musharaxiinta K/galbeed oo la kulmay Gudoomiyaha BF!!

    Qaar ka mid ah Musharaxiinta Xilka madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa caawa la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, kulankaasi oo ka dhacay hoyga Gudoomiyaha ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah Musharaxiinta Xilka madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa caawa la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, kulankaasi oo ka dhacay hoyga Gudoomiyaha ee Magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa kala ah :
1. Sheekh Muqtaar Roobow Cali
2. Maxamed Ibraahim Farkeeti
3. Aaamino Maxamed Mursal

4. Cabdullaahi boonow

5. Yuusuf  Baadiyow

Kulanka ayaa ahaa mid ay isku-xog wareysanayeen Musharaxiinta iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Fedaraalka Soomaaliya, iyadoo Musharaxiinta ay  Guddoomiyaha Baarlamaanka kala hadleen arrimaha doorashada, Koonfur Galbeed iyo sidii Dowladda Fedaraalka ugu ilaalin laheyd fara gelin lagu sameeyo inta socoto.

Musharax  Aamino Maxamed Mursal ayaa  Wakaalada BANA u sheegtay in Arrimihii ay ka wada hadleen Gudoomiyaha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya,ay si buuxda isula jeex-jeexeen si waafi ah oo niyad-sami ah, inta badana isku aragti ay  ka ahaayeen in isbadal u baahan yahiin Shacabka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in shacabka iyo aqoonyahanada Koonfur Galbeed dhamaantood xiligaan doonayaan in isbadal iyo in si xalaala doorashadu u dhacdo taasina uu garab taagan yahay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa haatan wajahaya culees dhinacyo badan ugu imaanayo iyadoo dadka siyaasada falanqeeya rumeysan yahiin in isbadal uu ka dhaci doono deeganada Koonfur galbeed maadama Shariif  Xasan ku fashilmay intu xilka haayay wax qabashada amaanka iyo dhaqaalaha Koonfur galbeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip