Shariif Xasan oo lacag badan laga dhacay Hotelkii u deganaa Nairobi Xog Culus!!

0
13 September, 2018 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 1216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Xasan oo lacag badan laga dhacay Hotelkii u deganaa Nairobi Xog Culus!!

    Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo koox katirsan kaambeynkiisa ayaa waxaa laga qaatay mobileladii ay wateen Kumbuyutaro iyo lacago aan tiradooda la cayimin xalay hotel ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo koox katirsan kaambeynkiisa ayaa waxaa laga qaatay mobileladii ay wateen Kumbuyutaro iyo lacago aan tiradooda la cayimin xalay hotel ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo u deganaa.

Boorsooyin lacag ka buuxday oo uu xalay Madaxweyne Shariif Xasan ka soo qaatay Safaarada imaaraadka ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si uu doorashada la filaayo in aay dhawaan dhacdo ugu galo ayaa waxaa ka dhacay sida Wakaalada BANA u xaqeejiyeen ilo wareedyo muhiima koox kenyaati ah.

Shariif Xasan oo degana Movenpick Hotel Westlands, behind 9 West mall ayaa markii dhacaas loo geestay kadib wacay Ciidaanka Booliska dalka Kenya balse waxa –aay u sheegen in aan tagitaankiisa lagu soo war gelin iyaga ka cudur daartay, sheegayna in aay dabagal ku sameyn doonaan kooxdi dhacaas u geestay.

Shariif Xasan oo dhaqaalahaasi  ugu tala galay in uu doorashada u adeegsado una qeybiyo Xildhibaanada Koonfur Galbeed si aay ugu codeeyaan ayaa ku noqonaysa dhabar xooggan maadama lacagta laga dhacay aad u badneyn sida la xaqeejiyay.

Warar madax banaan oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhaca loo geestay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ,Shariif Xasan ku lug leeyahiin Ciidan dhar cad ah oo aay daba dhigeen Madaxweyne Farmaajo walaalkiis Xasan Farmaajo iyo Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo aay qaraabo dhow yahiin Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waloow aan si rasmiya loo xaqeejin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip