Xildhibaanno mooshin ka wada shariif Xasan oo sheegay in dil loogu hanjabay

0
13 September, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanno mooshin ka wada shariif Xasan oo sheegay in dil loogu hanjabay

    Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dil uu ugu hanjabay Wasiirka Garsoorka ee Maamulka Koonfur Galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dil uu ugu hanjabay Wasiirka Garsoorka ee Maamulka Koonfur Galbeed.


Xildhibaannadan oo la baxay kuwa isbeddel doonka ee degaannada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay wadaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaannada oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhaba ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in  Wasiirka Garsoorka ee Maamulkaasi uu dil ugu hanjabay haddii aysan joojin mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan.

Iyaga oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhaba ayey sheegeen in tiradooda ay gaareyso 91 Xubnood,kuwaas oo saxiixay mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan.

Wasiirka Garsoorka Koonfur Galbeed ayey ugu baaqeen in uusan Xildhibaannada ku faragelin arrimaha shaqadooda quseeya islamarkaana uusan isku dayin in uu handadaad ku sameeyo XIldhibaannada.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip