Micheal keating oo ka walaacsan xaalada siyaasadeed ee dalka

0
14 September, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Micheal keating oo ka walaacsan xaalada siyaasadeed ee dalka

    Micheal keating Ergayga qaramada midoobe ee arimaha Somaliya oo waqtigiisa sii idlaanayo ayaa warbixintiisa ugu dambeysay Waxaa uu ka jeediyay shirka golaha ammaanka ee qaramada midoobay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Micheal keating Ergayga qaramada midoobe ee arimaha Somaliya oo waqtigiisa sii idlaanayo ayaa warbixintiisa ugu dambeysay Waxaa uu ka jeediyay shirka golaha ammaanka ee qaramada midoobay.


Wakiilka ayaa waxaa  uu walaac ka muujiyay  khilaafka siyaasadeed ee uu soo  dhex galay Dowlada dhexe iyo kuwa Maamul gobaleedyada,isagoona sheegay in khilaafka siyaasadeed  dalka u horseedi karo db u dhac Balaaran.

Sidoo kale Micheal keating ayaa waxaa uu ka digay in Hadii aan xal loo helin khilaafka ay suurta gal tahay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay kodhiyaan weerarada ay ka geystaan Dalka.

Sababta ka dambaysay in murankan uu soo kala dhex galo dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamul gobaleedyada ayuu ku sheegay in kadib markii dhawaan Madaxda Dowlad gobaleedyada ay kulan ku yeesheen Magaalada Kismaayo,Islamarkaana ay sheegeen in ay hakiyeen xiriirkii ay lalahaayeen dowlada dhexe,taasina ay keentay in dalka uu galo mar xalad siyaasaded oo aad u adag ayuu yiri Micheal Keating.

Beesha Caalamka ayuu ka dalbaday in ay gacan ka geystaan dhameynta khilaafka u dhexeeya dowlada dhexe iyo Madaxda Maamul gabaleedyada.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxda Maamul gobaleedyada ay shir ku yeesheen Magaalada kismaayo,islamarkaana ay sheegeen in hakiyeen xiriirkii ay lalahaayeen Dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Micheal Keating ayaa dhawaaan waxaa uu xilka ku wareejin doonaa wakiilka Cusub ee qaramada midoobay Arimaha Soomaaliya Nikos Heys,islamarkaana dhashay dalka Koofur Afrika




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip