MUSHARAX CULUS OO ISU SOO TAAGAY QABASHADA XILKA MADAXWEYNAHA K/GALBEED

0
19 September, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUSHARAX CULUS OO ISU SOO TAAGAY QABASHADA XILKA MADAXWEYNAHA K/GALBEED

    Wasiirkii hore ee Wasaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Soomaaliya Eng. Saalax Sheikh Cusmaan Muuse ayaa caddeeyay markii uu ka damqaday Qaxootiga faraha badan ee ka soo jabay K/Galbeed, kuna sugan magaalada Muqdisho, markii uu arkay Bar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Wasaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Soomaaliya Eng. Saalax Sheikh Cusmaan Muuse ayaa caddeeyay markii uu ka damqaday Qaxootiga faraha badan ee ka soo jabay K/Galbeed, kuna sugan magaalada Muqdisho, markii uu arkay Barakacayaasha Kumanaanka ah ee ku nool gudaha Baydhabo & markii uu tixgiliyay codsi uga yimid bulshada reer K/Galbeed inuu go'aansadey sidii uu u bad-baadin lahaa ummaddiisa.


"Muwaadin ahaan waxaa igu waajib ah inaan u adeego shacbigayga, markii aan qiimeeyay xaaladda la marayo iyo markaan dhagaystay baaqa iiga imaanayo dadkayga waxaan aqbalay inaan isu soo taago qabashada xilka Madaxweynaha Dawald Goboleedka K/Galbeed” ayuu yiri Eng. Saalax Sheikh Cusmaan.

Musharaxaan ayaa qeyb ka noqonayo musharaxiinta u taagan madaxtinimda K/Galbeed, horey ayuu aqoonyahankaan uga mid ahaa musharaxiintii u tartamaysay xilka Madaxweynha Lixda Gobol ee K/Galbeed.



Dhanka kale Musharax Eng: Saalax Sheekh Cismaan Muuse ayaa gaaray Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo dhawaan lagu wado in aay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed  waxaana si diiran ugu soo dhoweeyay boqalaal  Masuuliyin iyo shacab isugu jira.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip