Wafdiga aqalka sare oo Baydhabo kula kulmay Golaha Wasiirada K/Galbeed

0
21 September, 2018 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdiga aqalka sare oo Baydhabo kula kulmay Golaha Wasiirada K/Galbeed

    Wafiga aqalka sare ee magaalada Baydhabo u jooga xal u helista is afgaran-waaga soo kala dhexgalay dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada ayaa ka qeyb galay shirkii Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ka wada hadleen arrimaha taa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafiga aqalka sare ee magaalada Baydhabo u jooga xal u helista is afgaran-waaga soo kala dhexgalay dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada ayaa ka qeyb galay shirkii Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ka wada hadleen arrimaha taagan sida lagu xalin karo, waxayna golaha wasiirada KGS u soo gudbiyeen wafdiga golaha aqalka sare xogtii ay ka rabeen dowlad goboleedka oo qoraaal ah si wafdiga aqalka sare uu dib ugala soo laabto golaha aqalka sare .


Sidoo kale wafdiga aqalka sare ka socda ayaa waxay la kulmeen guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ugu horeeyo guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna (Maya), waxay ka wada hadleen arrimaha khilaafka ee jira, waxayna dhageysteen wafdiga aragtida guddoonka baarlamaanka KGS iyo sida ay u arkaan in lagu xalin karo khilaafka jira.

Kulamadan waxay qeyb ka yihiin kulamo xogwareysi uu wafdigu la yeelanayey maamulka iyo bulshada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale Senator Samsam Ibraahim Cali oo ka tirsan wafdiga aqalka sare ee ku sugan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ahna guddoomiye ku- xigeenka ururka haweenka golaha aqalka sare waxay la kulantay haweenka ku jira baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyadoona ka dhageysatay aragtidoona ku aadan khilaafka jira iyo sida ay u arkaan xalka.

Senator Samsam Ibraahim Cali ayaa ku boorisay haweenka ku jira baarlamaanka Koonfur Galbeed in ay sameystaan Urur si ay u mideeyaan cududooda.

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada goboleedyada, iyadoo wafuud kala duwan oo goluhu dirayna ay kulamo kala duwan la yeesheen madaxda maamulada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip