Xaflado Lagu Loogu Baaqayo In Roobow isu Soo Sharaxo Madaxweynaha KGS ayaa ka kala dhacey BAydhabo & Muqdisho

0
26 September, 2018 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xaflado Lagu Loogu Baaqayo In Roobow isu Soo Sharaxo Madaxweynaha KGS ayaa ka kala dhacey BAydhabo & Muqdisho

    Dhalinyaro si iskooda isu xilqaamay ayaa kulan lagu taageerayay Mukhtaar Roobow Cali inuu isu soo taago qabashada xilka madaxweynimo ee Koofur Galbeed ku qabtay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalinyaro si iskooda isu xilqaamay ayaa kulan lagu taageerayay Mukhtaar Roobow Cali inuu isu soo taago qabashada xilka madaxweynimo ee Koofur Galbeed ku qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa ka qeybgalay dhalinyaro aqoonyahno ah oo qeybaha bulshada ka kala socda, kuwaas oo sheegay in ay kulanka kaga arinsadeen doorashada dhowaan lagu wado in ay ka dhacdo maamulka Koofur Galbeed gaar ahaan magaalada Baydhabo.

"Malaaqyada, beesh caalamka iyo dhamaan shacabka reer Koonfur Galbeed waa ay garanayaan weyna ogyihiin iney muhiim tahay in la doorto qof nabad kusoo dabaali kara deeganadaas, waxaa muhiim ah in aan la khamaarin, sidaa darteed ayaan Sheekh Muqtaar Roobow uga codsanaya inuu isu soo taago xilka madaxtinimada, sidoo kale xildhibaanada waxaan ka codsanaya iney taariikh iyo xusuus ka tagaan ayeye leeyihiin dhalinyerada isbedeldoonka ee KGS.
 
Dhammaan dhalinyaradii kulanka ka qeybgashay ayaa si isku mid ah u uga codsaday Sheekh Mukhtaar Roobow in uu kamid ah noqdo musharaxiinta ka qeybgali doonta tartanka doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed Soomaaliya, waxayna ka kala dhaceen xafladahaasi Baydhabo iyo Muqdisho.
















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip